Hargeysa(ANN)Agaasimhii Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Jaamac Axmed Maxamed, ayaa xilkii iska casilay caawa, sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijyay

saraakiil ku dhow dhow Wasaaradda Maaliyadda oo ka gaabsaday in la shaaciyo magacooda.
Lama garanayo sababta keentay is casilaada agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda oo ka mid ahaa masuuliyiinta uu Madaxweyne Siilaanyo bilawgii xukuumaddiisa u dhiibay xilkaa, markii ay soo baxeen caweyskii caawa wararka sheegaya  inuu agaasimihii  guud  ee Maaliyaddu  is casilay ayaanu marar baddan isku daynay khadka telefoonka kula xidhiidhno si aanu  wax  uga  weydiino is casilaadiisa iyo waxyaabaha sababay xiligan, balse nooma suurta gelin , kadib markii uu jawaabi waayay telefoonka gacanta.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in casilaada xiliggan ee Agaasimaha ay sabab u tahay muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay wasiirka cusub ee Madaxweyne Siilaanyo dhowaan u magcaabay Maaliyadda Sh. Casiis Samaale, iyadoo wararka qaar sheegayaan in wada shaqayn la’aan iyo khilaaf u dhexeeyay wasiirkii hore ee xilka laga qaaday ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi iyo agaasimaha guud oo marar baddan Madaxweyne Siilaanyo dhexgalay ay waxba iska bedeli waayeen markii wasiirka cusub yimi.
Sidoo kale waxa is casilaada agaasimaha guud kusoo beegantay iyadoo warbaahinta qaarkood maalmahn qorayeen khilaaf hoose iyo xafiiltan ka taagan wasaaradda oo u dhexeeya madaxda iyo saraakiisha wasaaradda, basle ay arrimuhu faraha ka bexeen mudadii uu wasiirka cusub ee Maaliyadda Madaxweyne Siilaanyo magcaabay.
Agaasimaha n ayaa noqonaya kii sadexaad ee iska casila agaasimayaasha xukuumadda Siilaanyo mudadii yarayd ee ay jirtay, iyadoo ay hore isku casileen Agaasimayaashii wasaaraddaha Dib u dejinta iyo Arrimaha debeda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *