somalimemo.net Muqdisho(ANN)Xarakada Al-shabaab, ayaa jawaab jees jees ah ka bixiyay dhawaaqa dawladda Maraykanku ku balanqaaday inay 7 hogaamiye oo ka tirsan Al-shabaab ku bixinayso lacag malaayiin dollar ah, cidii soo sheegta meesha ay joogaan. Hase yeeshee  mid ka mid ah Madaxda sare

ee Al-shabaab Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah  xubnaha Maraykanku ku baayacay lacagta  ayaa ka hadlay arrintaa, wuxuuna sheegay inaanay dhaqanka noocaa ahi ku cusbayn gaalada, isagoo taa bedelkeedana sheegay inay abaalmarin ku bixinayaan ciddii geeri iyo nolol mid uun ku keenta Madaxweynaha Maraykanka Obama iyo haweenayda arrimaha debeda Hillary  Clinton.

Sidaa lagu baahiyay shebekaddaha taageersa kooxda Al-shabaab Sarkaalka u hadlay Al-shabaab Fu’aad, wuxuu isagoo  shalay Boqolaal shacab ah kula hadlayay magaalo dhacda Koonfurta Soomaaliya, isla markaana ka jawaabaya dhawaaqa dawladda maraykanka yidhi,  “Ciddii Mujaahidiinta u sheegta halka ay joogaan Gaal Obama iyo Habarta Clinton qabi jiray ee Hillary Clinton waxaan siinaynaa abaal marin Obama waxaan ku bixinaynaa 10 Neef oo Geel ah Hillary waxaan ku bixinaynaa 10 Digaag ah  iyo 10 Diiq”ayuu yidhi Sheekh Fu’aad.

wuxuuna dhawaaqa Maraykanka ku tilmaamay mid la doonayo in lagu cabsi geliyo dadka muslimiinta ah ee difaacidda diinkooda iyo dalkooda ku guda jira. dhibaatada ay America iyo xulufadeeda ku hayaan muslimiinta caalamka khaasatan Somaaliya ay tahay mid islaamka weligeed lagu hayay, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, 

“in Gaaladu Lacag ku bixiyaan dilka hoggaanka Muslimiinta waa taariikh soo jireen ah oo ay leeyihiin kufaartii qureysh Laba Boqol Halaad oo Geel ah ayay ubalan qaadeen qofkii dila Nabi Muxamed maanta Geela booskiisi waxaa taagan Dollar oo ay gaaladu bixinayaan” sheekh Fu’aad, balse wuxuu ku dooday inay ka guulaysanayaan Maraykanka iyo xulufadiisa oo ay qaniimadooda iyo haweenkeeda la wareegi doonaan marka ay ka guulaystaan.
Dhinaca kale dawladda taagata daran ee Somalia,  ayaa soo dhowaysay dhawaaqa maraykanka ee lacagta malaayiin dolarka ah ee lagu baayacay saraakiisha A-shabaab, kuwaas oo dagaal kula jira huwanta ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *