Nairobi (ANN)Wasiirka arrimaha ammaanka dalka Kenya George Saitoti iyo wasiir ku xigeenkiisa ayaa ku dhintey shil diyaaradeed. Kadib markii diyaarad ay saarnaayeen ku bur-burtay duleedka Nairobi. Ilaa hada si cad looma oga waxa sababey shilkaa, laakiin
Diyaaradda ayaa la sheegey inay dhulka ku soo dhacdey oo uu dab qabsadey,waxaana halkaa ku dhintey affar ruux oo ahaa ilaalada iyo kalkaaliyayaasha wasiirka iyo wasiir ku xigeenkiisa, Orwa Ojode, balse warar kale ayaa sheegaya in wasiirka iyo ku xigeenkiisa oo u socday kaniisad ku taala halkaa ay socdaalkaa ku weheliyeen xildhibaano saraakiil booliska ka tirsan, kuwaas oo dhamaantood ku shifbeelay halkaa.
Wasiirka Amniga Saitoti waxaa uu siyaasada kusoo jiray mudo dheer, wuxuuna ahaa siyaasi caan ka ah dalkaa, isagoo hore u ahaa madaxweyne kuxigeenka dalka xilligii madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.
George Saitoti, Wuxuuna hormuud ka ahaa weerarka ay Kenya gudaha ugu gashey Somalia, isagoo arrimaha Somaaliya ka hadlayay sanadkii lasoo dhaafay yidhi “Cawdaga aan Somaaliya kula dagaalamayno Madaxiisa halkan oo Nairobi weliba xaafada Islii ayuu yaal, dabadiisuna Somalia”,
tan iyo intii ay ciidamada kenya galeen Somalia dabayaaqadii sanadkii hore, waxa dalka keyna ka dhacay qaraxyo khasaare badan geystay, isla markaana waxa jiray tirooyin diyaaradaha Milateriga kenya oo ku bur-buray gudaha somalia, iyadoo kooxda Al-shabaabna wacad ku martay inay ka aargudanayso ciidamada Kenya ee kusoo duulay Somalia.
George Saitoti Waxa uu ahaa dhawr iyo lixdan jir mudo dheer kusoo jiray siyaasada, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaad kooban oo u dhashay Afrika oo ku takhasusay arrimaha dhaqaallaha. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa dhowr mas’uul oo la filayey inay u tartamaan jagada madaxweynenimo ee doorashooyinka soo socda, kuwaas oo la filayo in la qaban doono bisha March ee sanadka 2013.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com