Hargeysa(ANN) “Ollolahani maalin qudha iyo iska hambaabir kumay iman siyaasadda dawladda talaabooyinka la qaadayo mid gudaha ah iyo mid dibadeedba waxay ku timaadaa tallooyin laga baaraan-degay. Waxaan qabaa tallaabadda wanaagsani waxay ku jirtaa Geesinimo.” Sidaa waxa

 

yidhi Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir oo hadal ka jeediyay munaasibad xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada hargeysa, taas oo abaalmarino lagu gudoonsiiyay masuuliiyiin uu ka mid yahay oo isugu jira Shirgudoonka Wakiiladda, Wasiiro, saraakiil madax ka ah Hay’addaha madaxa banaan iyo hal Agaasime.
Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa u  mahad-naqay dhallinyarada sameeyey cilmi-baadhistaa oo ka socday Urur wadani ah oo lagu magcaabo Somaliland Youth Volauntary Education and Development Association (SYVEDA), kuwaas  oo natiijada abaalmarintaa ku sheegay inay ka dhalatay  su’aalo lagu weydiiyay  2000, (laba kun) oo qof oo kala gedisan oo ku dhaqan shan ka mid ah goboladda dalka Somaliland, wuxuuna Dr. Cabdi Aw Daahir ku sifeeyay tallaabo wanaagsan oo ay qaadeen dhalinyaradaasi.
Waxa kale oo Wasiirka Xannaanada Xooluhu xusay in shaqada iyo wax-qabadka ay sameeyeen masuuliyiinta daraasada lagu xulay ay tahay mid ka dhalatay dadaalka iyo ballanqaadkii uu sameeyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Sidoo kalena, waxa uu tilmaamay in waxqabadkaasi ay masuuliyiinta la hirgeliyeen shaqaalaha hay’adaha ay madaxda ka yihiin.
“Abaal marintan waxaanu u aragnaa kow waajibaad qaran oo xubnaha madashan lagaga dhawaaqay ay lahaayeen. Waxa kale oo ay muujinaysaa toosin iyo dhiiri gelin, waxa kale oo ay muujinaysaa digniin,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanadda Xooluhu.
Wasiirku wuxuu sheegay in dedaalo badan oo dalka ka socda aanay suurto gasheen haddii aanu hagayn Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaanu yidhi “Xukuumaddan iyo qarankan hoggaamintiisa may suurto gasheen haddii aanu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud u tafo xaydan sidii uu u jihayn lahaa siyaasadda qarankan lagu hagaayo. “
“Sida aad ka maqasheen madaxweynaha Somaliland xiligii olalihii doorashada wuxuu sheegay oo uu balan qaaday inuu isbedel badan sameynayo. Runtii wakhtigii koobnaa ee sanad iyo badhka ahaa ee xukuumaddani xilka haysay isbedel badan ayaa yimid. Isbedelkuna wuxuu leeyahay caqabado iyo adayg. Waxaad arkaysaan maanta in siyaasaddii arrimaha dibadda isbedel weyn ayaa la sameeyay waxaana la qaaday isbedel weyn oo aan hore u dhici jirin oo geesinimo leh oo ah inaynaan sidii hore uun iskaga fadhiyine’e ee aynu talaabo fiican qaadnay. Talaabo kasta oo la qaadaa waxay leedahay wajiyadeeda kale oo dad badani ay si khalad ah u turjuman karaan.”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka xooluhu wuxuu ku dooday in xukuumadani arrimaha gudaha ay ka samaysay isbedel weyn tallaabooyin badana ay qaaday.
“Siyaasadda dhaqaalaha isbedelkii u weynaa ayaa ka dhacay intii xukuumadani tallada haysay waxa xukuumaddu ay si weyn u kordhisay miisaaniyadii,”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw- Daahir.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay hawl-galkii ganacsatadii yaryaraa lagaga raray badhtamaha jidadka suuqa Hargeysa, waxaanu yidhi “Sidaad aragtaan waxa magaaladdii Hargeysa laga qaaday tallaabooyin lagu hagaajinayo bilicda magaaladda. Taas macnaheedu maaha inaanay dhibaato  ku keenin nolosha dad baddan, waa run oo way adag tahay waxaana laga yaabaa inay dad badan oo danyar ah oo ku ganacsan jiray ay saamayso. Olalahani maalin qudha iyo iska hambaabir kumay iman siyaasadda dawladda talaabooyinka la qaadayo mid gudaha ah iyo mid dibadeedba waxay ku timaadaa tallooyin laga baaraan-degay. Waxaan qabaa tallaabadda wanaagsani waxay ku jirtaa Geesinimo.”
“Ganacsigeenii wuxuu u kala baxayaa daafaha magaaladda Hargeysa, Ganacsigu kuma koobnaanayo suuqa dhexdiisa oo qudha, dadkii la rarayna wax baa lala qaban doonaa oo tansiilaad ayaa loo samayn doonaa. Dalkani wuxuu u baahan yahay waxqabad iyo isbedel waxaanan shacbiga ka doonaynaa inay nagala shaqeeyaan,”ayuu yidhi Wasiirka Xoolluhu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *