Hargeysa(ANN) Munaasibad balaadhan oo shahaado sharafyo lagu gudoon siiyay  masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Hay’addaha dawladda iyo Wakiiladda Somaliland oo lagu sifeeyay waxqabadkii ay qabteen  sanadkii la soo dhaafay ee 2011-ka, ayaa

 

xalay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Koox dhalinayaro ah oo lagu magaaco  Somaliland Youth Volauntary Education and Development Association oo loosoo gaabiyo (SYVEDA), ayaa sheegay inay abaalmarinta lagu maamuusay masuuliyiintaasi ka dhalatay  daraasad ay ka sameeyeen  shan gobol oo ka mid ah gobolada dalka, taas oo sida ay sheegeen natiijadeedu ka dhalatay su’aalo lagu weydiiyay 2000 (laba kun) oo qof, kuwaas  oo qaybaha  kala duwan ee bulshada ku dhaqan shantaa gobol.
Masuuliyiintan shahaado sharafyada la gudoon siiyay waxay iskugu jireen 4 Wasiir, 4 Hay’addood oo dawliya, Shirgudoonka Wakiiladda, laba Maayar iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta oo natiijada cilmi baadhistaa ay ku qiimaysay Agaasimaha qudha ee waxqabad muujiyay.
.Munaadibadaa waxa lagu soo bandhigay natiijada rayi ururinta ay sameeyeen kooxdaa dhalinyaradda ahi, waxaana la xaadiriyay masuul kasta iyo tirada codadka uu ka helay dadkii su’aalaha la weydiiyay. Iyadoo xubnaha wasiiradda ee ku guulaystay inay helaan natiijada codadka dadkaa  iyo masuuliyiinta kale lagu sheegay  sidan
Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo helay 501 cod.
Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, oo helay 407 cod.
Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire oo helay 384 cod
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, oo helay 330 cod.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo helay 285 cod.
Baarlamanka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo helay 450 cod
Guddoomiye-ku-xigeenka Cabdicasiis Maxamed Samaale oo helay 375 cod
Ciidammada
Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Xiirane oo helay 395 cod
Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo helay 350 cod.
Maareeyayaasha Hay’addaha Dawliga ah
Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil oo helay 397 cod.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo helay 370 cod.
Maareeyaha Hay’adda Korantada Maxamed Axmed (Wali-xaawo) oo helay 300 cod
Maareeyaha Madbacadda Qaranka Cali Siciid Raygal oo helay 250 cod
Maayarada Magaalooyinka Waaweyn
Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Cara boo helay 400 cod.
Maayarka Gabiley Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh oo helay 385 cod
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka mid ahaa masuuliyiinta lagu maamuusay shahaado sharafyadaa  hadlay xafladaasi ayaa sheegay in hawsha dhallinyaradaasi qabteen tilmaan u tahay horumarka dalku gaadhayo, isagoo soo dhaweeyey in masuuliyiinta dawladda wixii waxqabad ama dib-u-dhac ah ee sameeyaan la sheego. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan rajaynayaa in taasi noqoto mid joogto ah oo aanay sannadkan uun ku koobnaan oo lasoo bandhigo waxqabadka iyo dib-u-dhaca masuuliyiinta qaranku sameeyaan labadaba,”

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo helay 284 cod,  isla markaana noqday agaasimaha qudha ee cilmi baadhistaa lagu sheegay inuu  soo gaadhay 200 oo cod,  Ayaa ka hadlay xafladaa,  wuxuuna  sheegay in waxqabadka masuulka qiimayntiisu  ku wanaagsan yahay inay  ka timaado  sida cilmi-baadhistan ku cad dadweynaha, taas oo dhiirigelin ah,  isagoo sheegay inuu  hawshaa uga mahadcelinayo  ururka (SYVEDA).

“Runtii waxaan leeyahay ururkan qiimaynta cilmi baadhista ah sameeyay waanu ugu hambalyaynaynaa hawsha wanaagsan ee ay qabteen, waxay wax soo waydeen 2000 oo qof, runtii waa dareenkii dadweynaha oo ma aha wax fudud. Waxaan leeyahay waxan oo ammaana ee nalagu sheegay ma wada lihin, laakiin waanu ka sii badin doonaa intan shaqada aanu qaranka u hayno,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Md. Faysal Cali Sheekh.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax, ayaa sheegay in markii u horreysay ee shaqada ay bilaabeen wax-ka-beddelkii ay sameeyeen dhibaato badan iyo mucaaradnimo kala kulmeen, balse ay farxad u tahay mar haddii dadweynuhu u garteen.
Maayarka Degmada Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa xusay in ka hor intii aannu aqbalin ka soo qaybgalka xafladda uu dhallinyarada ururka oo telefoon kula hadlay waydiiyey in ay caddaalad tahay cilmi-baadhista ay sameeyeen, kadibna uu ku qancay.
Maayarku waxa uu ka markhaati kacay xubnaha wasiirada ee ku guulaystay cilmi-baadhista oo uu sheegay in qaarkood ilaa maalinta Jimcaha ee fasaxa la yahay shaqeeyaan.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi, ayaa uga mahaceliyey ururka dhallinyarada ee sameeyey cilmi-baadhista lagu kala saaray masuuliyiinta dawladda, isagoo ku ammaanay hawl culus oo ay qabteen oo aanay cidina ka taageerin.
Gebogabadii Gudoomiyaha Wakiiladda C/raxamaan Cirro ayaa shahaadooyinka lagu maamuusay  ku guddoonsiiyey masuuliyiinta goobtaa, wuxuuna ku dardaaray  inay xilalkoodii qaranka ku guulaystaan oo ay shaqadooda iyo waxqabadkooda halkii kasii wadaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *