BreakingNews photo

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somalialnd Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiiradda, isagoo xilalkii ay hayeen ka qaaday koox wasiiro aad loogu tirinjiray, isla markaana magcaabay kuwo cusub xalay waaberigii.

 

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyadda oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:              Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:              Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:              In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:              Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:              In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

 

 

Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

NO

Magac-yada Masuuliyiinta Cusub

Magacaabidda

Wasaaradda loo magacaabay

1

Cabdicasiis Maxamed Samaale

Waxa loo magacaabay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

2

Axmed Cabdi Xaabsade

(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta)

Waxa loo magacaabay

Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3

Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe)

Waxa loo magacaabay

Wasiirka W/Warfaafinta

4

Cali Siciid Raygal

(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)

Waxa loo magacaabay

Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

5

Maxamuud Axmed Barre (Garaad)

Waxa loo magacaabay

Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

6

Cabdilaahi Abokor Cismaan      (Xil Cusub)

Waxa loo magacaabay

Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha  Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha

7

Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)

Waxa loo magacaabay

Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah

8

Mawliid Maxamuud Ibraahim

Waxa loo magacaabay

Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda

9

Nuux Sheekh Muuse Ducaale

Waxa loo magacaabay

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

10

Maxamed Cumar Cabdilaahi

Waxa loo magacaabay

Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha

11

Mudane Axmed Xuseen Oomane

Waxa loo magacaabay

Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-

No

Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday

Xilka uu hayey

1

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Wasiirkii  W/ Maaliyadda

2

Prof. Ismaacil Muumin Aar

Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3

Ilhaan Maxamed Jaamac

Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

4

Dr. Axmed Xaashi Oday

Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda

Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta

5

Cabdi Siciid Faahiye

Wasiirkii  W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6

Warsame Siciid Cabdi

Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda

7

Maxamed Yoonis Cawaale

Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda

8

Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil

Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)

9

Axmed Cali Xirsi (Sulub)

Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *