Hargeysa(ANN)Wariirka Wasaradda  Xannaanada Xoollaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa  si kulul u weeraray labada xisbi Mucaarid ee Ucid iyo UDUB, Wuxuuna  sheegay in Xukumadii  Daahir Rayaale ay ahayd Mid musuq maasuq Hadheeyay, isagoo  Faysala Cali Waraabe ku tilmaamay nin

Wajiyo badan oo maalinba hadal aan loo joogin iska yidhaahda.
Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa  sidaa ku sheegay  shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, wuxuuna  ugu horeyn warbixin kooban ka bixiyay waxaqabadkii  xukuumadda  mudadii ay xilka haysay,  isagoo timaaamay in waxqabad  la taabankaro oo dhinac kasta ah ay qabteen mudadii yarayd, Haddii ay  noqoto dhinaca siyaasada arrimaha dibada,  haday noqoto dhinaca nabad galyada,  dhinaca waxqabadka dhismayaasha wadooyinka sida dhismihii Biriishka Hargaysa, wadada dila iyo Boorama iyo jidka isku xidha  Burco iyo Hargaysa , iyo waliba mushaharkii ay kordhisay ee ay u kordhisay ciidamada iyo shaqaalaha dawladda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in waxqabadka mudadaa kooban ee xukuumadda ay ka mid ahayd  bedelaada lacagtii giinbaarta ahayd ee laga isticimaali jiray gobolada bari, joojinta lacagtii laga qaadi jiray ardayda wax ka barata dugsiyada hoose dhexe ee dawladu maamusho kuwaas oo dhamaantood ah sida uu sheegay guul u soo hoyatay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” isla markaana uu kaga dhabeeyay balanqaadyadii ay bulshada Somaliland u sameeyay xiligii lagu gudo jiray .

Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa  ku tilmaamay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe nin maalinba Af ku hadla, isagoo yidhi,  “Faysal waa nin maalinba Af ku hadla, Ciddii uu doonana Caaya, isaga oo aan taageero haysan oo xisbigii looga tagay ayuu hadana dadkii caayayaa, Qabyaalad  ayuu ku hadlayaa,  taas  oo dhalin karta Nabadgelyo darro, Mucaaridnimada waanu ogol nahay.  lakiin marka ay gaadho in dalkii khalkhal la gelinayo ay gaadho waa in aanu u jawabnaa, Faysal wadadaa uu marayaa waa waddo Khaldan oo cay iyo Aflagaado uun ah, ”Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku wuxuu Guddoomiyaha UCID ka soo qaaday qof aan mowqif lahayn, isagoo  yidhi,  “Faysal Cali Waraabe maalin Daahir Rayaale ayuu caayayaa maalin wuu ammaanayaa, maalin Djibouti ayuu caayayaa maalinta kalena Djibouti ayuu ammaanayaa. Maalin Males Zanawi ayuu caayayaa maalina waxay saaxiib yihiin Shariifka Soomaaliya,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xooluhu, waxaanu intaasi ku daray  “Faysal intii hore waa loo dul qaadanayay laakiin marka uu yidhaahdo dadkaanu kicinaynaa loo dul qaadan maayo waxaan leeyahay dadka la kicin maayo, nabadgelyadu waa saldhiga uu dalkani ku fadhiyo.”
Sidoo kale waxa uu dhaleeceeyay Masuuliyiinta Xisbiga Udub oo uu sheegay in ay yihiin Qaar sidii Diirta u Xaalufiyay Dalka oo anay waxba kaga tagin, isagoo yidhi, “Wakhtigii ay dalka ka dhacday doorashadii qiimaha lahayd ee madaxtooyaddu waxa jiray khaladaad waaweyn oo ay galeen oo ay ugu weynayd xatooyo xoolo dadweyne. Waxaad maqsheen Guryihii Hindiya line-ka ayay iibiyeen  waxbana may qaban. Maalmihii aanu xilka kala wareegaynay wasaaradaha oo dhan waxaad moodaysay inay dirin diiri cuntay.”
“Madaxweyne Axmed Siilaanyo isagoo ka faa’iidaysanaya guushii iyo farxadii doorashadii waxa uu qaatay go’aan ah in la cafiyo nimankaasi,”ayuu yidhi Wasiirku.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *