Hargeysa(ANN)Siyaasiga Ruugcadaaga ah ee mudada dheer aaminsanaa mabda’a Soomaali weyn Jaamac Maxamed Qaalib ayaa maanta kasoo degey Madaarka Hargeysa, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay, balse waxa xabsiga loo taxaabay nin lagu magcaabo Cabdale Xaaji Cali oo xiligii

 

xukuumaddii Marxuum Cigaal Maayar ka ahaa Magaalada Berbera.
Siyaasiga Jaamac Maxamed  Qaalib oo tan iyo 1994-kii ku maqnaa shirarka loo qabanayay Soomaaliya, kuwaas oo uu qaarkood xilal gudiyo ah ka qabtay, iyadoo 2003 uu socdaal gaaban ku yimi Somaliland. laakiin ay xukuumaddii xiligaa ee Daahir Rayaale xabsiga u taxaabay, isla markaana masaafurisay. Kadib markii rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen.
Afhayeenka Madaxtooyada  Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse ayaa BBC-da u sheegay in siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib ku yimi dalka cafis uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u fidiyay, isla markaana uu ka noqday fekerkii  siyaasadeed ee hore u aaminsanaa. Sidaa awgeed uu kusoo laabtay dalkiisa.
Saraakiisha dhinaca amaanka qaarkood ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay xadhiga ninkaa la socday ee Cabdale Xaaji Cali oo hore maayar uga noqday Berbera , balse ka qaybgalay shirkii Carta , isagoo xubin ka noqday dawladii C/llaahi Yuusuf, isla markaana sanadkii 2008 uu kusoo laabtay dalka, iyadoo markaana xabsiga loo taxaabay. Kadib markii uu dalka soo galay, iyadoo waqtigaa xukuumaddu sheegtay inaanu cafis soo dalban, balse la sii daayay mudo ka dib. Laakiin uu ku laabtay mar kale dhinaca Koonfurta Somalia, isagoo sii watay mabda’a siyaasadii Soomaali weyn  ee uu aaminsanaa, isla markaana aanu jirin wax cafis ah oo uu kasoo dalbaday dawladda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *