Hargeysa (ANN)- Qoraallo iyo dukumantiyo sir ah oo si hoose bannaanka ugu soo baxay, ayaa khashifay heshiiskii kootada dhoofka xoolaha Somaliland ee xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin la gashay ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al-jaabiri iyo doorkii ay hirgelinta heshiiskaas ku lahayd

dawladda Sheekh Shariif, iyadoo aanay ilaa hadda waxba ka hirgelin ballanqaadkii xukuumadda hada talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo oo hore u sheegtay inay dib-u-eegis ku samayn doonto heshiiskaas oo uu ganacsadahaasi Somaliland kaga lunsaday balaayiin dollar.
Baadhitaanno kala duwan oo weriyeyaal ka kala tirsan shabakadda wararka internetka ee Araweelonews iyo wargeyska Jamhuuriya si wadajir ah u sameeyeen, waxa u suurtogashay inay gacanta ku dhigaan qoraallo iyo nuqullo la qariyey oo ka mid ah heshiiska ay wada galeen xukuumaddii Rayaale iyo ganacsade Al-jaabiri, waxaanay dukumantayadaasi caddeeyeen in dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ay xilligaasi oggolaatay in magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso laga dhiso maxjarro laga dhoofiyo xoolaha nool ee Soomaalida.

 

 

 

Heshiiska kootada ah ee xukuumaddii hore ee Somaliland la gashay Al-jaabiri, waxa waqtigaas si kulul u cambaareeyey, isla markaana uga qayliyey axsaanta mucaaridka oo uu hormuud ka ahaa xisbiga haatan talada haya ee KULMIYE iyo weliba ganacsatada waddaniga ah ee xoolaha nool dhoofiya, dhinacyadaas oo dhammaantood heshiiskaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka horimanaya xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, iyadoo xukuumaddii Rayaale diidday in heshiiska Al-jaabiri la horgeeyo Golaha Wakiillada oo awood u leh ansixintiisa iyo diidmadiisaba, isla markaana wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ugu dhawaaqay in heshiiska ay la galeen Al-jabaari yahay mid sir ah oo aanay xukuumad ahaan cid kale u bandhigi doonin.
Sida ku cad qoraallo sir ah oo la xidhiidha arrintaas, waxa uu ganacsade Al-Jaabiri markii hore heshiis la galay dawladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo muujinaya muddadii hawshaasi socotay iyo qaabka loo maamulay ee dhinaca xukuumaddii Rayaale. dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa siday qoraalladaasi caddeeyeen iyadu ahayd cidda heshiiskii koowaad la gashay ganacsadahaas Carbeed, halka xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin-na heshiis hoose oo ay Somaliland ku metelaysay magaca Gobolka Waqooyi/galbeed ee Soomaaliya la gashay Al-jaabiri, iyadoo ay isku maran yihiin ganacsato Somaliland ah, laakiin iyaguna ku metelaya dhinacooda heshiiskaas shirkadda ganacsiga xoolaha ee Soomaalida.
Qoraal  dawladda Federaalka ee Soomaaliya  u dirtay dawladda Sucuudiga oo ku taariikhaysan 7 August 2009, ayaa muuujinaya qaabka nuxur ahaan loo galay heshiiska Al-jaabiri kootada loogu xidhay dhoofinta xoolaha Soomaalida iyo masuuliyadooda,  kaas oo wasiirkii hore ee Arrimaha Debedda Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahii Oomaar ku saxeexanyahay, isla markaana lagu socodsiiyay dhiggiisa Sucuudiga  Al-Faysal, waxa uu ku sheegay inay xukuumadda federaalku aqbashay in la sameeyo maxjarada xoolaha ee Gobolka Woqooyi/bari – Boosaaso iyo Gobolka Woqooyi/galbeed ee Soomaaliya (Jamhuuriyadda Somaliland), qoraalkaa oo ku qoranaa luqadda Carabiga oo ay ku cad yihiin shaambadda iyo astaanka dawladda Sheekh Shariif, summaddeeduna tahay Ref: No. TFG/MFA/OM/196, waxa aan idiin soo gudbin doonaa qaybo kale oo mihiim ah

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *