Hargeysa(ANN) Wasiirka Xannaanada Xoolaha , Deegaanka,  Dhirta Iyo horumarinta Reer Miyiga  Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa sheegay in xoolaha nool ay yihiin laf dhabarta koobaad ee dhaqaalaha dalka Somaliland, isla markaana ay qayb weyn ka qaataan kaabayaasha dhaqaale

ee bulshada, sidaa awgeed daryeelka xooluhu  ay qayb wayn ka tahay koboca dhaqaalaha qaranka oo wax ka taraysa horumarinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, sida  waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo nabadgelyada.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Caafimaadka xoolaha, isaga oo sheegay in xoolaheenu aanay dhoofi karaynin ilaa caafimaadkooda la sugo, waxaanu ku baaqay in dhamaan qaranku si wada jira uga hawl galo sidii loo kobcin lahaa xoolaha. Isaga oo sheegay inay xooluhu yihiin tiir dhexaadka nolosha bulshada reer Somaliland.
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta hadal ka jeediyay kulan uu xafiiskiisa  kula sheegay khabiir ka socday Hay’adda ururka Midowga Africa u qaabilsan arrimaha xoolaha iyo shahaado bixinta caafimaadka, kulankaa oo uu khabiirku kaga warbixinayay arrimaha Xoolaha iyo mandqada Geeska Africa.
“Warbixintan uu jeediyay Dhakhtarkan ka socda Hay’adda AU IBARS, waxay  koobaysay waxyaabo badan, kolay anigu waan sii adkaynayaa, gaar ahaan marka aan ka hadlo xoolaheena waxtarkooda iyo waxa aynu u baahanahay in aynu ka qabano. Waxaynu maanta u qabanay shirkan warbaahinta oo aanu u aragnay in ay tahay faa’iidada ugu weyn ay tahay dhaqaalaha dalkeena, marka kalmad kooban la yidhaahdo had iyo goor waxaynu maqalnaa xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaale ee Somaliland, waa kalmad soo noqnoqota oo macno weyn xambaarsan.” Ayuu Dr. Cabdi Aw Daahir, waxaanu intaa ku daray “Nolosheena oo dhan haddii aynu reer Somaliland nahay ilaa ka reer guuraaga ah, ka beeraya, ka soo raraya, ka iibinaya, ka daaq geynaya, ka dhoofinaya ilaa ka dilaalaya, waxaad aragtaa in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha.”
Wasiirka Xanaanada Xoolahu waxa kale oo uu intaa ku daray “Xoolaha oo aynu wax u qabanaa waxa weeye nolosha oo aynu wax ka qabanay, waxbarashaddii oo aynu wax ka qabanay, Caafimaadkii, Biyaha oo aynu wax ka qabanay, taa ku kala baydhi mayno, qof kastaaba waa in uu ka qayb qaato, warbaahintu waa ta ugu weyn in ay ka qayb qaadato sida dadka iyo ummadda intaas is daba taxan ugu qancin lahayd ee ay u gaadhsiin lahayd fariinta xooluhu waxay yihiin, weli aad inoogama ay dhaadhicin, in aynu cunno iyo in ayn  iibsano mooyaane in aynu kobcin iyo in aynu xanaanayno weli isma leeka. Faa’iidada aynu ka helayno iyo faa’iidada aynu siinayno weli waxaad moodaa in aanay is leekayn.”
“Waxaan qabaa in aynu dhaqaale aad u badan iyo barwaaqo badan ku gaadhayno haddii aynu xoolaha tallaabooyinkii looga baahnaa aynu u qaadno oo aynu u dedaalno xaga caafimaad iyo xag xanaanaynba.” Ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali .
Dr. James Obajo oo ka tirsan Hay’adda AU  IBARS ee ururka Midowga Africa u qaabilsan arrimaha xoolaha iyo shahaado bixinta caafimaadka xoolaha oo warbixin dheer oo ku saabsan shaqada ay hayso Hay’addiisu, ka jeediyay halkaa  ayaa  tafaasiil ka bixiyay guud ahaan xanaanaynta xoolaha iyo heerka ay kaga jiraan nolosha bulshada, gaar ahaan gobolka Geeska Africa ee ay Somaliland ka mid tahay, waxaanu xusay  in xoolaha ay Somaliland u dhoofiso wadamada Carabta ay ka hesho dhaqaalaha ugu badan ee soo gala dalka.
Dr. James waxa kale oo uu sheegay in xanuunada ku dhaca Xoolaha, gaar ahaan kuwa faafa ay isaga gudbaan gobolka Geeska Africa, taas oo marka gobol ka mid ah mandaqada uu xoolaha asiibo xanuun ay tahay in laga hor tago inta aanu u soo gudbin gobolada kale ee mandaqada.
Sidoo kale Khabiirkaas ayaa  usoo jeediyay warbaahinta Somaliland inay iska xil saaraan sidii ay bulshada ugu wacyi gelin lahaayeen  dhaqashada xoolaha iyo daryeelkooda, isagoo ku baaqay in wacyi gelin ballaadhan la siiyo dadka xoolo dhaqatada ah ee Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *