Burco(ANN)Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay U qaabilsan  Arrimahha Binu aadantinidda Iyo dib u dejinta ee Somaliland iyo Soomaaliya  Mr. Mark Bowden  iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka barqadii   ka degay  Garoonka diyaaradaha ee Magaladda Burco. Mark Bowden
oo booqahsadiisu ahayd tii ugu horaysay ee masuul xilkaas u hayaa qaramada midoobay  ku tago magaalada Burco, iyagoo ka degey madaarka magaalada oo dib loo furay dhawr bilood ka hor intii Xukuumadda cusubi xilka haysay,  waxaana halkaa ku qabaabilay   maamulka Gobolka Togdheer iyo waxgaradka magaalada Burco.

Weftiga  uu hoggaaminyay Mr .Mark Bowden ayaa iskugu  jiray madaxda hayadaha UNICEF, UNHCR , RDO, UN HABITAT iyo OCHA waxaanay kormeer ku soo mareen  xerada ay degan yihiin dadka qaxoontiga ah ee ka soo baro kacay dagaalada ka socda dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya ee ku taalla xaafada Koosaar ee Magaalada Burco.
Mark Bowden iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa ku tilmaamay booqashadooda mid ay ku darsayaan mashaariic baddan oo ay ka wadaan gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco, waxayna  mudadii ay ku sugnaayeen xaafada ay degan yihiin dadka kasoo barakacay Soomaaliya kulamo xog waraysi ah la yeesheen  dadka qaxoontiga ah, kuwaas  oo weftiga qaramada midoobay uga xog waramay xaaladooda nololeed iyo baahiyahooda kala duwan.
Mark Bowden waxa uu sheegay in dalabyada iyo baahiyaha ay dadka qaxoontiga ahi sheegteen ay qaramada midoobay wax kala  qaban doonto wixii awoodeeda ah.

Sidoo kale Mr Mark Bowden  iyo xubnaha wefdiga ah ee kormeerka ku weheliyay ayaa booqday  Taliska ciidanka Boolika Gobolka Togdheer, Xabsiga Dhexe ee Burco, Xarunta Dawlada Hoose ee Degamada Burco iyo mid ka mid ah riigaga laga soo saaro biyaha Burco oo  Hay’adda UNICEF dib u habayn ku samaysay.
Mark Bowden oo  u waramayay Saxaafadda kormeerkiisa goobahaa ka dib wuxuu yidhi,   ”Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan Burco imaado iyadoo ujeedada socdaalkayguna yahay sidii aan u indho indhayn lahaa  xarumaha Hay’addaha qaramada midoobay ee ka hawlgala Burco. Iyadoo  aan horena u maqlay in xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayni ka dhaxeeyo dawlada Hoose ee Degmada Burco iyo iyo Ha’yadaha  Qaramada Midoobay,  kaas oo ku salaysan horumarinta dhinacyada waxbarashada,caafimaadka iyo horumarinta Arrimaha Bulshada.”

sidoo kale Mr. Mark Bowden, oo la weydiiyay waxa ka jira in dad badani ay Hayadaha qaramada midoobay ee Somaliland ku eedeeyaan musuqmaasuq, waxaanu ku dooday inaanay arrintaasi waxba ka jirin.

Sarkaalkaasi oo ka hadlayay abbaarta kulul ee ka jirta Somaliland iyo waxay ka qabteen wuxuu yidhi “Waan ognahay heerka ay marayso abbaarta baahsan ee ka jirta Gobolada Somaliland waxaanay Ha’yadaha  qaramada midoobay ka hawl gali doonaan sidii arrintaasi ay kaalmo uga gaysan lahaayeen waxaan xiligan  wax ka bedal ku samayn doonaa nidaamkii ay ku hawl gali jireen Ha’yadaha  qarammada midoobay iyadoo la doonayo in la horumariyo qorshayaasha wax loogu qabanyo dadka baahan.”
Mr. Mark Bowden, waxa kaloo uu sheegay inay ujeedada booqashadooda ku jirto mashaariic guryo loogu dhisayo dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Burco iyo sidii ay xafiisyadooda oo markii hore xarumaha keliya ahaa loogu rari lahaa gobolada kale, wuxuuna xusay in wada shaqayn fiicani ka dhaxayso Somaliland iyo soomaaliyaba. Sidaa awgeed ay doonayaan sidii kaalmada bini’aadanimo loo gaadhsiin lahaa bulshada gobolada aanay markii hore tegi jirin, balse hada wixii ka danbeeya ay dedaalkooda sii laban laabayaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *