Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda  Macdanta,Biyaha iyo Tamarta Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay inay Xukuumaddu Ruqsad  ay shalay uun u siisay shirkad xeebta Batalaale ee magaalada Berbera ka qaadaysay  Ciida Iron-tu ku jirta ka joojiyeen. Kadib markii sida

 

uu sheegay ay ka baxeen Heshiiskoodii ahaa inay qaataan Ciid Saambal ah oo ay soo tijaabiyaan, balse ay ogaadeen inay ka gurteen  ciida meel aan la isla ogeyn.

Sidoo kale wuxuu saluug weyn ka muujiyay miisaaniyadda loo qoondeeyay wasaaraddiisa oo uu ku tilmaamay in aan lagu sheegi Karin miisaaniyad, isla markaana aanay waxba ka duwanayn miisaaniyadii sannadkii hore xiligii maamulkii Madaxweyne Rayaale loo qoondeeyay wasaaradda macdanta iyo Biyaha.

Dr.  Xuseen Cabdi Ducaale,  waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta hortagay Golaha Wakiilada Somaliland oo uu warbxin ka siinayay hawsha wasaaraddiisa, fadhigaa oo uu guddoominayay guddoomiyaha gollaha C/raxmaan Ciro,  wuxuu Wasiirku  intaa  ku daray in Wasaaradiisu aanay waxba kala socon dadka sida sharci darada ah u gurta Macdanta Dhulka Somaliland,gaar ahaan Gobolada Sannaag iyo Waqooyiga Hargeysa, isagoo xusay inay jiraan dad badan oo u yimi intii uu wasaaradda Joogay oo doonayey in Ruqsado la siiyo si ay Macdan Dalka uga baadhaanm balse  uu is hortaagay, isla markaana ku  xidhay shuruudo adag oo ay ka mid yihiin inay soo bandhigaan aqoonta ay u leeyihiin macdan baadhista iyo inay bixiyaan lacag badan  oo Cashuur ah si loogu ogolaado arintaa.

Dhinaca kalena Dr. Xuseen   waxa uu si weyn u dhaliilay Hay’addaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo uu sheegay  in aanay haba yaraatee wax la taaban karo aanay ka qaban hawshii biyo dhaamiska abaaraha,  isla markaana aanay mid qudhi soo bandhigin qorshe ay wax kaga qabanayso xaalada biyo yaraanta ee ka taagan Gobolada Somaliland.

“Maanta idiinma sheegi karo Ha’yad qudha oo ka qeyb qaadatay hawshii biyo dhaamiska abaaraha ee dalka ka jirtay waana nasiib darro. Waxaanan u soo jeedinayaa dhaliil aad iyo aad u weyn Ha’yadaha qaramada midoobay iyo ururada caalamiga ah,”ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaasi ku daray “Mashaariicdii sanadlaha ahayd illaa imika oo lagu jiro bishii March ma jiro Ha’yad qudha oo noo keentay qorshe ay wax kaga qabanayso arrimaha Biyaha.”
Dr.  Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu sheegay inaan wasaaradiisa loo samaynin sanadkan miisaaniyad ku filan in biyaha dalka wax lagaga qabto isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Aniga oo aan canaanayn Wasiirka Maaliyadda, waxaan idiin sheegayaa Mudaneyaal in miisaaniyaddii aanu dalbanay ee aanu is nidhi wax ku qabta iyo wax u dhow toona  iyo wax wax kafayn kara aan wasaarada loo soo dayn. Waxa naloo soo daayay miisaaniyad aan ka badnayn tii sanadkii hore oo aan miisaaniyad lagu sheegi Karin.”

Wasiirka Macanta, Biyaha iyo Tamartu waxa uu sheegay in biyo la’aanta ka jirta caasimada Hargeysa uu ka sameeyay dedaalo badan  dalal Yurub iyo Carabta ahna uu ugu tagay sidii ay  Somaliland uga taageeri lahaayeen biyo balaadhinta Hargeysa.waxaanu carabaabay inay filayaan in  Midowga Yurub  ay ka hadli doonaan dhamaadka  bishan mashruuc 30 Malyan oo dollar ku kacaya oo lagu wado in wax lagaga qabto biyo yaraanta Hargeysa.

Sidoo  kale oo waxa uu sheegay In Magaalada Burco laga samayn doono Kaydad Biyood oo aan hore uga jirin isagoo xusay in Ha’yada IOM ay ogolaatay maalgelinta mashruuca lagu  samaynayo kaydadkaasi biyaha.

Mar uu ka hadlay waxyaabaha hortaagan biyo la’aanta waxa uu sheegay in waxa kaliya ee hor taagan biyo Curinta iyo ka haqab tirida Bulshada reer Somaliland Biyaha ay hortaagantahay dhaqaale xumo iyo qorshe la’aan dhinaca Xukuumadda ah,isla markaana aan la isku halayn Karin waxtar laga helo hay’adaha Caawimada Bixiya iyo Bulshada Caalamka,loona baahanyahay inay Xukuumaddu u qorshayso kharash lagu dabooli karo arintaasi si xaaladan looga baxo,isaga oo qiray inaanay xiligan Xukuumaddu gacanta ku haynin qaar ka mid ah Wakaalada Biyaha ee Dalka, taasina ay tahay mushkilad kale oo sida uu sheegay hor taagan Siyaasadiisa uu ku hagayo hawlaha Biyaha Dalka.

Dr. Xuseen Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland waxa uu daboolka ka qaaday inaanay jirin wax shuruuc ah oo Dawlada Somaliland  uga yaala Maalgelinta Caalamiga ah ee Khayraadka Wadanka,gaar ahaan macdanta iyo Batroolku,isla markaana cid kasta oo ay maal gelin  waydiisto wasaaraddiisu ay ku xidho shuruucda dawlada ahaan uga yaala arimaha Macdanta iyo Batroolka,isaga  tilmaamay inay taasi ku noqotay arin mar walba hor taagan oo cid waliba ku xidho codsigooda, waxaanu yidhi “Wadamada Caalamku mar walba waxay nagu xidhaan sharci ma leedihiin Macdanta lagu maamulo, marka aanu maya nidhaahnana way iska tagaan, markaa waxaan doonaynaa inaan dhawaan sharcigii samayno macdanta lagu maamuli lahaa si taasi looga gudbo.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E.mail Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *