Hargeysa(ANN)Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa maanta  ku dhawaaqday natiijadii imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedkii 2010/2011 ee Fasalada 8-aadka ee dugsiyada H/dhexe iyo fasalka afraad  ee dugsiyada sare.Wasiiradda wasaaradda
waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan  ayaa kusoo bandhigtay xarunta xafiiska imtixaanaadka qaranka natiijadii ay kala heleen ardaydii u fadhiisatay imtixaankii shahaadiga ahaa.
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay  in arday gaadhaysa Toban Kun Todoba Boqol iyo Kow iyo Toban arday ay u fadhiisteen imtixaanka fasalada 8aadka ee guud ahaan Somaliland ardaydaas oo 9571 ka mid ahi ay baaseen oo ka gudbeen imtixaanka tiradaas oo u dhiganta 89% halka ay 892 arday ay dhaceen oo ku hadheen imtixaanka tiradaas oo u dhiganta 8.7%.
Wasiirku waxay xustay in  248 arday ay siyaabo kala duwan uga habsaamen imtixaankaas oo aanay galin tiradaas oo udhiganta 2.3%.
Marwo SamSam Cabdi Aadan waxay sheegtay in  imtixaanaadka fasalka afraad  ee dugsiyada sare ee Somaliland ay  u fadhiisteen  shan kun oo arday ay u fadhiisteen imtixaanka kuwaas oo dhamaantoodba baasay oo ku gudbay imtixaanka. Sidoo kale waxay sheegtay in Ardayda dugsiyada dawladu sannadkan kaalin mihiim ah ka qaateen Imtixaanaadka oo ay ugu sareeyeen, isla markaana waxay xustay in kaalinta Ardayda ugu saraysa dugsiyada ee Imtixaanaadku ay habluhu sanadkan ka muuqdaan safka hore ee tobanka ugu sareeya, iyadoo kaalinta lambar one ay gashay gabadh ka mid ah hablahaasi, taas oo ay sheegtay inay tahay dedaal muhiim ah oo la geliyay dhinaca tayada waxbarshada dugsiyada dawladda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *