Hargeysa(ANN) Maxkamadda  sare ee Somaliland  oo si weyn loo adkeeyay amaankeeda  ayaa maanta  go,aan kasoo saartay dacwad ku saabsanayd  muran  u dhexeeyay laba garab oo mudooyinkii u danbeeyay muran iyo khilaaf caakirani u dhexeeyey, taas oo keentay inay labadaa dhinac  u

 

gudbiyaan dacwadooda Maxkamadda sare si ay sharciga ugu kala baxaan.
Dacawadaa oo dhegeysigeedu Maxkamadda sare ka bilaabmay  25, August 2011, isla markaana markii ay dhegeysatay labada dhinac qareenada u doodaya  iyo waxyaabaha ay ku dacwiyayaan  maanta kasoo saartay go,aan  xukun.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali,  “Markay aragtay Maxkamaddu waajib gudasho la,aan awoodaha soo jeedinata iyo ansixinta shirweynaha sadexaad ee xisbiga UCID. Sida ku cad qodobka 10aad xubintiisa sadexaad ee xeerka xisbiga UCID, taas oo sababtay inay soo baxaan laba go,aan oo is khilaafsan oo uu ka dhashay muranka dacwada Maxkamadda horyaal.   Markay aragtay Maxkamaddu qodobada 10, 11, 13, 15, 16 ee xeerka iyo qaab dhismeedka Xisbiga UCID.  Waxaa maxkamadda u cadaatay inaan labadaa go,aan ee kasoo kala baxay labada dhinac midna aanu usoo bixin qaab waafaqsan xeerka iyo nidaamka xisbiga UCID.

View DSC09591.JPG in slide show

Waxa kaloo Maxkamadda  u cadaatay inay dhinacyadu ku xadgudbeen awoodihii sharci  ee shirweynuhu lahaa. Markay aragatay qoraal ku taariikhaysan  1 sep, 2011, kaas oo ujeedadiisu ahayd codsi qabasho fadhi  iyo ogolaansho soo gudbin cadaymo ee uu maxkamadda usoo gudbiyay qareenka dacwoodayaasha, isla markaana ay Maxkamadda u cadaatay inay galka ay haysato ku jiraan cadaymo ku filan oo Maxkamaddu ku go,aan qaadan karto, isla markaana aanay jirin wax baahiya oo Maxkamaddu uga baahatay iftiimin la xidhiidha  doodohooda.
Markay Maxkamaddu ku qanacday in labada go,aan ee aan kor kusoo sheegay ka horyimaadeen  xeerka iyo  shaqasiyada qaanuun ee xisbiga UCID. Sidaa darteed Maxkamaddu waxay soo saartay go,aankan.

Go,aanka Maxkamadda

Waxay Maxkamaddu diiday dacwoodayaasha  dhinaca isku magcaabay hogaanka  Xisbiga UCID  ee ku  taariikhaysnaa  4 August  2011. Waxaa la diiday jawaab celinta dhinaca dacweysanaha  ee ku taariikhaysnaa , 21 August 2011. Waxaa la tirtiray go,aanka  sumadiisu tahay  UCID 629/20011, kaas oo ku taariikhaysan  14 July 2011, kana soo baxay xubno isku sheegay inay yihiin gudida fulinta xisbiga UCID.  Waxa  kaloo la diiday  go,aanka aan sumada lahayn ee ku taariikhaysan 27 July 2011, laguna sheegay inuu yahay go,aamadii kasoo baxay shirweynihii sadexaad laguna sheegay in lagu doortay guddi sii wada xisbiga inta laga gaadhayo  doorashooyinka dawladaha Hoose iyo shirweynaha sadexaad ee xisbiga.
Waxay maxkamaddu go,aamisay  in dhamaan Hay’addaha  xisbiga UCID ee lagu doortay shirweynihii labaad ee xisbiga 27 Jun 2006, ay yihiin muda dhaaf, jiritaanka xaaladooda qaanuuna ay tahay mid ku meelgaadh ah, inta laga qabanayo shirweynaha sadexaad ee xisbiga UCID.
Waxay maxkamaddu  go,aamisay  in shirweynaha  sadexaad  ee  xisbiga UCID la qabto, laguna qabto mudo saddex bilood gudohood ah oo ka bilaabmay  maanta oo ay maxkamaddu ku dhawaaqday go,aankan, wuxuuna shirweynuhu ka koobnaanayaa xubnihii ka qaybgalay  shirweynhii labaad ee xisbiga inta ka Nool, qaban qaabada shirweynahana  waxa loo raacayaa xeerka xisbiga.

Maxkamaddu waxay  ku amartay in golaha dhexe iyo xubnaha gudida  fulintu gutaan waajibaadyadooda ku aadan qabanqaabada shirweynaha  sadexaad ee xisbiga si loo ilaaliyo loona badbaadiyo  jiritaanka sharciyada qaanuuneed ee xsibiga UCID. Wax kharash ah dhinacna looma soo qaadin maadaama Maxkamaddu doodii labada dhinacba, aqbashayna jiritaanka xeerka xisbiga UCUD, go,aankani wuxuu soo baxay maanta oo Taariikhdu tahay 11 Sep, 2011. Maxkamaduna waa xidhantahay  ayuu yidhi  Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Ismaaciil  Cali oo go,aankaa kaga  dhawaaqayay Maxkamadda horteeda.

 

 

Dhinaca kale jidadka soo gala ama hareeraha ka mara dhismaha Maxkamadda  sare ayaa saaka la xidhay iyadoo aan loo ogolayn gaadiidka, waxaana gudaha iyo debeda Maxkamadda  la keenay ciidamo Boolis ah, kuwaas oo amaanka ilaalinayay, waxaana dhegeysiga dacwada  loo ogolaaday tiro ka mid ah labada dhinac ee dacwadu ka dhaxaysay  oo liis lagu qoray magacyadooda iyo suxufiyiinta  ka socday warbaahinta dalka iee gudaha iyo debedaba. Iyadoo  ku dhowaad laba saacadood ka dib markii la sugayay go,aankaa ay soo galeen garsoorayaasha Maxkamadda sare oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha maxkamadda sare

View DSC09598.JPG in slide show

sidaana  kaga dhawaaqay  go,aanka Maxkamadda horteeda oo labada dhinacba ku sugayeen go,aanka kasoo baxa.
Markii go,aanka Maxkamadda lagu dhawaaqay, waxa  labada dhinacba  la weydiiyay aragtidooda  iyo inay ku qanacsan yihiin.  Xoghayaha Arrimaha Gudaha, iyo Xidhiidhka Gobolada Mudane Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) Oo ka mid ah Garabka Sida tooska ah u Taageersanaa  Eng Faysal Cali Waraabe ayaa  Sheegay inay  dhankooda  ku faraxsan yihiin, isla markaana uu  soo dhowaynayo Go,aanka Maxakamadda, wuxuuna  dacwada  ay Maxkamaddu qaadey ku tilmaamay  inay  u dhacsay si sharci ah,  sidaa awgeed  ay maxakamaddu ku taalbasatay hanaan Sharciga waafaqsan, yidhi “ Waxaanu diyaar u nahay oo aanu soo dhaweenaynaa Go,aanka saxda ah ee ay ku talaabsatay Maxkamadda Sarre, oo ah kii rasmiga ahaa ee Sharciga ahaa, waana mid soo afjaray wixii garabyada aad ku sheegi jirteen.”
Hase yeeshee Aadan Mire Waqaf oo hogaaminayay garabka aan iyagu ku farxin go’aankaa  oo la weydiiyay  waxa ay yeelayaan iyo aragtidooda ayaa  ku dooday inay talo isula noqonayaan  wixii ay yeeli lahaayeen iyo halka ay u jihaysanayaan, isagoo yidhi, “Go,aanku isga oo ixtiraamkiisa leh Garab ahaan Anagu, Gudoomiyihii  horre Miis Soo wadda fadhiisan mayno,   kuna wadda Gorfeyn mayno Mustaqabalka Xisbiga, Waxa  aanu Samaysanaynaa Qorshe Cusub, Taas weeye Ta aanu ku Hawl galaynaa, Markaa waxa aanu Qaban Doonaa Shirkaas ayaydin ku ogaan doontaan wax ka soo baxa,.

Si kastaba ha ahaatee Khilaafkaa oo meel adag gaadhay  ayaa ka dhex qaraxay Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ka dib markii Bishii July ee Sanadkan ay Garabka uu hugaamiyo Waqaf uu xukun ku in qilaabey Garabka Faysal Cali waraabe, taas oo sababatay muran Siyaasadeed oo xooggan, waxana ay labadda garab isla dhaafi waayeen Awoodaha Siyaasadeed ee Xisbiga, waxana uu mid kastaa soo cuskadey Sharciga iyo Qaynuunka Xisbiga u yaal  oo uu talaabooyinka uu qaadayay ku dabakhayay, waxaana  marar baddan laysku deyay in dhexdhexaadin laga sameeyo muranka labadaa garab, iyadoo xalinta khilaafkaa galeen dad kale duwan oo isgu jirra Xisbiyadda Qaranka , Siyaasyiin Madaxbanaan, Aqoonyahano, Waayeel, iyo waliba wax garad kale, kuwaas  oo  Ergooyin loogu direy Xisbiga Ucid, si ay u soo damiyaan Khilaafka Siyaasadeed ee ka aloosmay Hogaanka Sarre ee Xisbiga, balse Labadda Dhinac ayaa iska moosay inay  u dhag nuglaadaan dadkii hawshaa waday.

View DSC09586.JPG in slide show

Waxaana ugu danbayntii  labada dhinac murankooda u jiheeyeen dhinaca hay’addaha garsoorka, iyadaa sidaa  ay dacwadohooda ugu  gudbiyeen Maxkamadda Sarre ee Somaliland, taas  oo ay Natiijadeeda ku dhawaaqdey Maxkamaddu Maanta, waxana ay maxakamadu sheegaty in Gudoomiyaha Sharciga ah ee Xisbiga Ucid yahay Eng Faysal Cali Waraabe oo ahaa gudoomiyihii  shirweynihii  ugu danbeeyay ee xisbiga oo ahaa kii labaad lagu doortay dhawr sanadood ka hor, balse mudo  sadex bilood ah lagu qabto shirweynihii sadexaad ee xisbiga.
Balse kooxda ay hogaamiyaan Aadan Waqaf iyo gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Ciro ayaa dareenka  go,aankaa  maxkamadda ka dib ku  muujiyay  in aanay mar danbe isku soo laabanayn Faysal oo hada ay qorshe cusub iyo istiraatiijiyad siyaasadeed oo cusub samaysanayaan. Kooxdaa  lagu tilmaamo labeentii xisbiga UCID, waxa  qaar ka mid ah hogaankooda  laga soo xigtay inay Urur cusub oo siyaasadeed furaanayaan oo go’aankoodu dhawaaqa maxkamadda ka horba meel u yaalay, waxayna dadka arrimaha siyaasada ku tilmaameen  inay kooxdaa  oo haysata maanta fursad ay xiligan ku tartamaan  Urur cusub oo siyaasadeed maadaama la fasaxay furitaanka Ururada siyaasadu  muujinay  mustaqbal siyaasadeed oo dhinacooda ah, basle ka bixitaankooda raggaa   oo ahaa hogaankii sare ee xisbiga  UCID ay dhinaca kale calaamatu su’aal saaray inuu saaxada xisbiyada qaranka kusii jiro xisbiga  UCID  oo hada loo meel mariyay hogaankiisii hore  Eng. Faysal Cali  Waraabe oo ay ku dhaliilayeen inuu hangool la hortaagnaa xisbigaa tan markii lagu dhawaaqay sagaal sanadood ka hor, isla markaana diiday in mustaqbal siyaasadeed uu yeesho xisbigu, si taas loom eel mariyana ay lagama maarmaan noqotay inuu ka baydho albaabka, taas oo sabab u ahayd muranka isaga iyo saaxiibadii mudo dheer ay halgan siyaasadeed kusoo  wada  jireen.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *