Hargeysa (ANN) Boqollaal dhallinyaro ah oo koox-koox u wada socda, ayaa si aan kala joogsi lahayn dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey uga tahriibaya caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo hadda ku godoonsan inta u dhexaysay xarunta waddanka Itoobiya ee Addis Ababa iyo xuduudka

 

dalka Suudaan.
Qulqulka dhallinyarada reerHargeysa ee beegsanaya safarka halista badan ee tahriibka oo si xawli ah u kordhay tan iyo intii ay bilaabmeen dagaallada iyo qalalasaha ka socda waddanka Liibiya oo ah marinka ugu weyn ee ay beegsadaan Soomaalida muhaajiriinta ah, ayaa haatan maraya heerkii ugu sarreeyey.
Xogo rasmi ah oo Jamhuuriya ka soo ururiyey heerka dhallinyarada waqtigan dalka ka cararaya, ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan ilaa 180 dhallinyaro aad u yaryar ka baxeen caasimadda Hargeysa, labadii toddobaad ee la soo dhaafay, iyagoo u sii jeeda dalka Itoobiya oo ah waddanka koowaad ee tahriibayaasha reer Somaliland sii maraan.
Dhallinyarada tirada badan ee maalmahan sida xad-dhaafka ah uga yaacaya dalkooda oo la sheegay in da’doodu u dhexayso 16-24 jir, ayaa la caddeeyey inay badankoodu ku banjarsan yihiin caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halka ilaa 120 kelana Salaasadii toddobaadkan u tallaabeen dhinaca xuduudka waddanka Suudaan, halkaas oo ay hadda ku daarxumaysan yihiin, kadib markii badankoodu ka go’aday sahaydii ay wateen oo aan marka horeba wax buuran ahayn, maadaama safarkooda tahriibku ahaa qarsoodii aan mid qudha waaldintoodu ogayn.
“Habeen hore [Jimcihii] waxaan xuduudka degmada Wajaale ee dhinaca Itoobiya ka soo qabtay wiil aan dhalay iyo mid saaxiibkii ah doonayey inay tahriibaan, halka laba kale oo la socdayna iyagana waalidkood gacanta ku dhigeen intii aanay Hargeysa ka bixin, iyadoo uu Jimcihii toddobaadkii horena tahriibay wiil kaloo aan dhalay oo kan aan soo qabtay ka weyn oo aanan ilaa hadda ka war-hayn nolol iyo geeri midka uu ku sugan yahay.
Waxa ihaya werwer aad u weyn, waayo wiilkaygii war sugan kama hayo, waxana markii iigu dambaysay la iigu sheegay in isaga iyo ilaa sagaashameeyo kaloo dhallinyaro reer Hargeysa ah ay ku go’doonsan yihiin xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo dalka Suudaan.
Waxa ila soo hadalsiiyey wiilkayga tahriibka isku biimeeyey nin ii sheegay inuu isagu gacanta ku hayo inankayga iyo ku dhowaad boqol dhallinyaro kale reer Somaliland ah oo Salaasadii la soo dhaafay niman tahriibinta dadka ka shaqaystaa ka kexeeyeen magaalada Addis Ababa, haddana ku dacdarraysan xuduudka waddanka Suudaan oo aanay ilaa hadda dhinacna u dhaafin. Ninkaasi wuxuu ii sheegay in wiilkayga iyo dhallinyarada tirada badan ee la socdaa ay ku sugan yihiin xuduudka Suudaan, sidaa darteed qof kasta looga baahan yahay inuu bixiyo lacag dhan $150 dollar si loo gaadhsiiyo dalka Liibiya oo waqtigan leh fursad muhiim u ah tahriibayaasha ku socda Yurub. Waxaan u diray $50 dollar, laakiin tan iyo wixii maalintaas ka dambeeyey wax war ah oo dambe kama hayo halka inankaygii ku sugan yahay…. Markii ninkaasi telefoonka iigu dhiibay wiilkayga si aan u xaqiiqsado wuxuu ii sheegay in xaaladdiisu aad u xun tahay oo sahaydii yarayd ee uu sitayna ka dhammaatay.
Arrintani waa dhibaato werwerkeeda iyo walaaceeda leh oo waqtigan soo korodhay, inta aan ogayna labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxa xaafadahayaga oo ku yaal degmada Gacan-libaax ka tahriibay ku dhowaad kontomeeyo dhallinyaro da’doodu aad u yar tahay oo aan badankoodu haysan xataa noolka baabuurta u qaaday Itoobiya.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah waalidiinta ubadkoodu ku dhibaataysan yihiin inta u dhexaysa dalalka Itoobiya iyo Suudaan oo ay dhowaan tahriib ugu baqooleen.
Sidoo kale, qaar ka mid ah hooyooyinka carruurtoodii tahriibeen maalmihii la soo dhaafay oo Jamhuuriya la sheekaystay, ayaa cabi iyo walaac aad u xoog badan ka muujiyey xaaladda ay ku sugan yihiin wiilashooda nafahooda biimeeyey, waxaanay hooyooyinkaas intooda badan caddeeyeen in boqollaal dhallinyaro muhaajiriin ah Hargeysa ka tegay ku darxumaysan yihiin inta u dhexaysa magaalada Addis Ababa ilaa xuduudka dalka Suudaan, isla markaana kooxaha ka ganacsada tahriibinta dhallinta yaryar qof kasta qoyskiisa ka soo dalbeen lacag ay ku sheegeen inay ku gaadhsiinayaan waddanka Liibiya ee qalalaasaha siyaasadeed iyo dagaalladu xilligan ka taagan yihiin.
Dhinaca kale, xogaha Jamhuuriya ka soo ururiyey xaaladda iyo heerka dhallinyarada caasimadda ka yaacaya waqtigan, ayaa xaqiijiyey in ay markii ugu horreysay si cad u soo shaac-baxeen kooxo dad ah oo ka shaqaysta tahriibinta carruurta da’doodu u dhexayso 16 – 24 jir, gaar ahaan wiilasha, waxaanay xarumo ku leeyihiin magaalooyinka Hargeysa, Addis Ababa iyo caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum, iyadoo sida ilahaasi caddeeyeen xarumahaasi hawlan yihiin sidii ay dhallinyarada ugu dhiirrigelin lahaayeen hayaanka tahriibka baahsan ee xilligan dalka ka bilaabmay, kuwaasoo la sheegay inay ubadka yaryar caqliga ka xadaan, una sheegaan fursado been ah oo loogu qurxinayo inuu furmay albaab sugan oo si fudud oo si sahlan looga geli karo waddamada qaaradda Yurub ee muhaajiriintu beegsadaan.
Geesta kale, masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Jamhuuriya wax ka weydiiyey waxa ay ka ogyihiin xaaladda murugada leh ee boqollaalka dhallinyarada ah waqtigan kaga baxayaan caasimadda Hargeysa ayaanay noo suurtogelin in aannu helno wasiirka wasaaraddaas, kadib markii weriyeyaasha laga horjoogsaday inay xafiiskiisa ugu galaan ballan la’aan.
Haseyeeshee, Agaasimaha Guud ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Mustafe Maxamed Qodax oo weriyuhu kula kulmay shalay xafiiskiisa, ayaa ka afka ka xidhay gebi ahaanba inuu ka hadlo wasaarad ahaan waxa ay ka ogyihiin qulqulka xad-dhaafka ah ee beryahan dhallinyaro tiro badan dalka kaga yaacayaan.
“Hadda diyaar uma ahi in aan ka hadlo arrintaas,” ayuu si kooban u yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.
Hayaanka dhallinyarada waqtigan ka tahriibaya Hargeysa, ayaa noqonaya kii ugu sarreeyey abid ee xawliga intaa le’eg uga bilaabma caasimadda dalka, iyadoo aanay ilaa hadda xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka hadal dhibaatada baaxadda leh ee dhallinyarada waddanka ku soo korodhay iyo wax qorshe ah oo ay ugu talogashay joojinta qulqulka tahriibka ee maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya.
Source: Jamhuuriya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *