waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa kusoo bandhigtay xarunta xafiiska imtixaanaadka qaranka natiijadii ay kala heleen ardaydii u fadhiisatay imtixaankii shahaadiga ahaa.
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay in arday gaadhaysa Toban Kun Todoba Boqol iyo Kow iyo Toban arday ay u fadhiisteen imtixaanka fasalada 8aadka ee guud ahaan Somaliland ardaydaas oo 9571 ka mid ahi ay baaseen oo ka gudbeen imtixaanka tiradaas oo u dhiganta 89% halka ay 892 arday ay dhaceen oo ku hadheen imtixaanka tiradaas oo u dhiganta 8.7%.
Wasiirku waxay xustay in 248 arday ay siyaabo kala duwan uga habsaamen imtixaankaas oo aanay galin tiradaas oo udhiganta 2.3%.
Marwo SamSam Cabdi Aadan waxay sheegtay in imtixaanaadka fasalka afraad ee dugsiyada sare ee Somaliland ay u fadhiisteen shan kun oo arday ay u fadhiisteen imtixaanka kuwaas oo dhamaantoodba baasay oo ku gudbay imtixaanka. Sidoo kale waxay sheegtay in Ardayda dugsiyada dawladu sannadkan kaalin mihiim ah ka qaateen Imtixaanaadka oo ay ugu sareeyeen, isla markaana waxay xustay in kaalinta Ardayda ugu saraysa dugsiyada ee Imtixaanaadku ay habluhu sanadkan ka muuqdaan safka hore ee tobanka ugu sareeya, iyadoo kaalinta lambar one ay gashay gabadh ka mid ah hablahaasi, taas oo ay sheegtay inay tahay dedaal muhiim ah oo la geliyay dhinaca tayada waxbarshada dugsiyada dawladda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1