Hargeysa (ANN) Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta si ramsi ah ugu dhawaaqday imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee sanad dugsiyeedka 2009-2010-ka.

 

Wasiirku waxa ay natiijada iyo sida kaalmaha hore ay u kala galeen ardayda dugsiyada sare iyo dhexe kaga dhawaaqday shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay xafiiska guud ee Imtixaanaadka dalka.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxay ka cudur-daaratay habsan shan maalmood ah oo ku yimi ku dhawaaqitaanka natiijada imtixaanada shahaadiga, waxaanay hambalyo u dirtay guud ahaan ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee Somaliland gaar ahaan ardaydii ku guulaysatay kaalmaha hore ee imtixaankan.

Waxaanay tidhi wasiirku“ Waxaan leeyahay ardaydii dhacday ee aan ku guulaysan nolashii iyo waxbarashadii oo dhan kama aydaan dhicin ee waad soo dadaali kartaan haddii aad dib u bilowdaan waxbarashada. Markaa waxaan kula tallinayaa inaydaan niyad jabin.”

Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay inay xukuumada cusub tayaynta waxbarashada dalku tahay siyaasadeheeda ugu horeeya. Waxa sidoo kale ay xustay wasiirka waxbarashadu inay Somaliland ka heshay deeq waxbarasho oo laba arday dalka Malaysia waxaanay Wasiirku sheegtay in la siinayo labada arday ee ugu natiijada sareeya dugsiyada sare, waxaanay soo baran doona “ Ganacsiga” amma bussiness adminstration.

Waxa sidoo kale shirkaas Jaraaid ka halday Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada Md. C/Raxmaan Maxamed Maal, waxaanu agaasimuhu si weyn ugu mahad naqay xafiiska imtixaanaadka guud ee Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus qaranka u hayaan. Waxaanu yidhi mudane Agaasimuhu “Waan uga mahad celinayaa kuna ammaanayaa xafiiska imtixaanaadka dedaalka iyo firfircoonida ay muujiyeen, ma jirto mar qudha oo ceebi ka soo baxday imtixaanaadka tan iyo markii la bilaabay imtixaanaadka shahaadiga ah sanadkii 1996-kii ma jirto mar qudha oo la yidhi imtixaankii ayaa la helay ama la musuq maasuqay taasina waa sharaf uu xafiiskani u soo hooyay dalka.”

Waxa isna halkaas ka hadlay Md. Daa’uud Axmed Faarax Sidoo kale, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka guud ee dalka, oo kana warbixiyay  marxaladihii sixitaankii imtixaanka shahaadiga ahi soo maray, waxaanu u mahad naq balaadhan u soo jeediyay macalimiintii iyo hawl wadeenadii iyagu ka hawl galay sixida imtixaanka, waxaanu qiray inay dadaal dheeraad ah inay usoo galeen ka midho dhalinta natiijada Imtixaanaadkan.
Guddoomiye Daa’uud waxa uu amaan iyo duco isu barkiyay ardaydii ku guulaysatay imtixaankan waxa kale oo uu usoo jeediyay kuna dhiiri galiyay ardaydii ku guul daraystay ee aan fursad u helin inay baasaanm, inay dadaal dheeraad ah muujiyaan.

Magacyada iyo kaalmaha ay kala galeen Ardaydu:

Magacyada 10-kii  Arday ee ugu sarreeyay Dugsiga Dhexe
1- C/Salaan Cismaan Xuseen, dugsiga Sh. Cali Ibraahim ee Magaalada    Hargeysa.
2- C/Samad Muxuyadiin Aadan, dugsiga  Qudhac dheer ee Magaalada Hargeysa.
3- Aadan Xasan Axmed, dugsiga Smart ee magaalada Hargeysa.
4- Siciid Maxamed Faarax, dugsiga Ceel afweyn ee gobolka Sanaag.
5- C/Fataax Cismaan Ibraahim, Dugsiga Qudhac-dheer ee Magaalada Hargeysa.
6- C/Raxiim Axmed Maxamed, Dugsiga Smart ee magaalada Hargeysa.
7- C/Raxmaan Ismaaciil Cabdi, dugsiga Sh. Cali Cismaan ee Hargeysa.
8- Jamaal C/Rashiid Cismaan, dugsiga Nuuradiin ee Hargeysa.
9- Caasha Bashiir Cabdi, dugsiga Blooming ee Hargeysa.
10- Mahad Axmed Maxamed, Dugsiga Smart ee Hargeysa.

Magacyada 10-ka  Arday ee ugu sarreeyay Dugsiyada Sare
1- C/Laahi Xasan Cadnaan  Dugsiga Ilays Hargeysa.
2- Yaxye C/Laahi Muxumed, Dugsiga Nuuradiin Hargeysa.
3- KHaalid Muxumed Cabdilaahi, Dugsiga Nuuradiin Hargeysa.
4- Axmed Ibraahim Muxumed, dugsiga Nuuradiin Hargeysa.
5- Foosiya Yuusuf Nuur, dugsiga Ilays Hargeysa.
6- Mursal Maxamed Jaamac, dugsiga Ilays Hargeysa.
7- Sayid C/Laahi Taani, dugsiga 26 June Hargeysa.
8- C/Fataax Jaamac Axmed, dugsiga Ilays Hargeysa.
9- Khadar Cabdi Ibraahim, Dugsiga Al-jazira Hargeysa.
10- Maxamed Axmed Xuseen, Dugsiga Nuuradiin Hargeysa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *