Hargeysa(ANN)Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa gaashaanka ku dhiftay  eedo ay mucaaridku uga soo jeediyeen xukuumadda. Kadib markii ay  Maleeshiyo hubaysani bishan horaanteedi si qarsoodi ah uga soo degeen  xeebaha galbeedka Somaliland, 

 gaar ahaan xeebta u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya, kuwaas oo u talaabay dhinaca xuduuda Ethopia, halkaas oo dagaalo ku dhexmareen iyaga iyo Ciidanka Ethopia. 

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay Xukuumaddu arrimaha Amaanka dalka kaga Mashquulin marnaba xilalka iyo magacaabista masuuliyiinta, isagoo intaa  ku daray in xiligii xukuumaddii hore xeebta Saylac iyo Lughaya u dhaxaysaa ay ahayd meel horeba loogu tuhunsanaa inay jid u ahayd Tahriibta iyo Hubka, taas oo aanay ahayn dhacdadii kowaad, balse tani noqotay mid daahfurtay, isla markaana fashilisay jidkii xukuumaddii hore.

Dr. Gaboose waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay ka hadlayey Munaasibad lagu furayey Masaajid laga hirgaliyey xaafada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Harageysa.
Wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya  yidhi “Wax Ilaahay ugu deeqay waxa ugu qaalisan waa amniga iyo iimaanka weeeye, maanta dalkeena waxaynu  ku noolnahay nabad buuxda, waa ta sheekhu sheegay in saqda dhexe in waddada la marayo, lacagtu dibada taalo, dukaamadu iska wada furan yihiin ee dacalada looga wada dhaqaaqayo Ilaahay ayaa Raxmadaa ina siiyay ee waa inaynu ku mahadinaynaa.

Sidaad ogtihiin maamul baa isbedlay, maamulkaasina wuxuu inoogu dhacay sifo nabadgelyo, maamulkaa isbedalay Ilaaha inoo suurto galiyay ka sokow shacbiga Somaliland meel kasata oo ay joogaan inta ka qayb qaadatay waad garan kartaa in isbedel yimaado, maamulka cusub wuxuu balan qaaday waxyaabo badan, waxyaabuhuu balan qaaday wax badan oo ka mid ah haday tahay dawladd yar oo tayo leh, haday tahay hantidii ummadda oo markii hore ku leexan jiray waddooyin kale inaan maanta madaxtooyada hal dollar oo qaranku leeyahay ku kusoo leexan, haday Airport-ka ka timaado, haday dekad ka timaado iyo haday meel kasta ka timaado dhamaantood madaxweynuhu wuxuu amar ku bixiyay in qasnada guud ee qaranka ay gasho, isaguna wuxuu marti u yahay Wasiirka Maaliyada si loo fan-gareeyo wuxuu balanqaaday inuu dhiso qaran ku dhisan hay’addo, hay’adahaas oo la isu wada minguuriyey ka dib markii Guddidii aqoonta la biday ay kula taliyeen inay isku daraan (Wasaaradaha qaar) sida maanta ay ku dhisan yihiin, waxa intaa dheer hay’adaha qaarkood oo aan guddidu kula talina oo madaxtooyada hoos iman jirayna dhamaantood wuxu ku wada celceliyay wasaaradihii markii la keenay laanta Socdaalka & Baasaaboorada iyo wixii la hal maala, waxa halkaa ka muuqata in aanu ahayn nin u hamuunsan inuu lacag dalkan ka dhigto, waxa ka muuqata in aanu ahayn nin baahi u qaba”.

“Xaqiiqada dhabta ah ee maanta jirta dalkeenu wuxuu ku nool yahay mandaqad holcaysa oo xabadu ka socoto oo isqaraxintu ka socoto oo fakirka lagu kala duwan yahay uu aad u kala durugsan yahay. Anagoo ogsoon waxaas oo dhib ah oo hareeraheena socda ayaa Ilaahay inagu manaystay inaan buqcad nabad ah ku dhex noolaano, waxaanse shaki ku jirin hadaanad la iman dedaal nimcada Ilaahay ku siiyay aad ku hanan lahayd oo aad ku xajisan lahayd inay nimcadaasi farahaaga ka baxayso adiguna aad tahay ka dambiga iska leh arrintaa”.

Dr. Gaboose isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxba idinka qarin maayo roobku marka uu soo daato wax alaale wixii u dhaw kama badbaadaan holacaa iyo dhibtaa hareeraheena inagu hareeraysan Somaliland dadaalka kasta oo ay ku jirto hadana isku day balaadhan oo nabadeena xaasid lagu hayay baa jira”.

Dr. Gaboose isaga oo dhacdadii kooxahii hubaysanaa ee Somaliland xeebta galbeed ilaa buuralayda maarmaar xaga Itoobiya ka galay ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta dhacdaa dalkeena ka taagan ciidan hubaysan oo ka badan 200 qof ayaa ka soo dagay xeebaha Somaliland, ciidankaasi waxa loogu talo galay inay Somaliland dhex maraan inay ka gudbaan oo dalka jaarka aynu nahay ee Itoobiya ay galeen waxaan idiin sheegayaa inaanan Jaarka anagu dooran ee Ilaahay noo dooray waxaan ku qasbanahay caqliga saliimka ah baa og Jaarka cida ah inaad la heshiiso, inaad wanaagooda ilaaliso si adiga wanaagaaga loo ilaaliyo, haddii jaarkaagu holco ka badbaadi-maysid waxaan ku khasbanahay inaan ilaalino waxkasta oo iyaga dhib u keenaya waayo dhibtaasi aniga ayay inoo soo gudbaysaa. Caqliga saliimka ahi waxa u leeyahay ma nabadii baa hoos u dhacday, ma maamulkii hore ayaa tayo badnaa oo nabada gacan adag ku hayay oo maamulkan dambe siddii xalayto ay laahaayeen waxay ku mashquuleen xilal iyo magacaabis”.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dr. Gaboose Isaga oo shacbika la hadlaya waxa uu yidhi “Waxaad codkiina u bixiseen dareen aad qabteen hadaan xilalkaa la bedelin intii markii hore aad aaminsanaydeen inay dalka meel adag ku wadaan ayaa ogaan kari weyday dhacdadan maanta dhacasana kama baxsana waxaan maanta idiin xaqiijin inuu jiro tuhun weyn oo aad iyo aad u balaadhan inaanay dhacdadani kow ahayn, waayo xeebaheena gaar ahaan halkan maanta laga soo dajiyay in shidaal, tahriib iyo hub lagu tuhunsanaa mar horeba inay hore uga socdeen dhacdadani maaha mid kow ee waa mid daah furtay oo fashilisay jidkii hore u socotay haddii arrintu ay markaa furantana waxa ku xiga xalkeeda in la helaa muxuu madaxweynhu talaabo ka qaaday arrinta, madaxweynhu wuxuu ka qaaday
1. Waa marka u horaysa’e dawlada aan jaarka nahay ee Itoobiya wuxu u xaqiijiyey inay naga go’antahay inaan jaarka wanaajino, inaan walaalnimada xoojino, inaan ka wada shaqayno wixii na dhibaya inaanan marna dhankayaga baylihin
2. Waxa uu dhaqaajiyey dhaman xoogii dalka haday Ciidankii qaranka, Ciidankii Booliska iyo Sirdoonkii wax alaale wixii ciidan dalka yaalay way dhaqaajiyeen si arrintaas dadka halkaas soo socdaa aanay xadkeena gudaheena kharbudaad iyo dhibaato uga geysan, waayo waxaan hubnaa inay tahay dad nagu soo duulay. Guddi heer qaran ah oo uu u diray (Madaxweynhu) Aaggaa oo Wasiiro ah oo ay ka mid yihiin, wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta oo xaqiiqa raadis ah oo intaan talaabo dulmi dhicin intaan tilmaano si aanay tuhun u noqon in madaxweynaha la soo hordhigo dhacdadan ma kow baa ma hore ayay u jirtay yaa dambeeyay”.

Dr. Gaboose waxa kale oo uu intaa raaciyay “in loo soo jeesto sidoo baahidooda loo dabooli lahaa, hay’adaha amniga ee aan ku hurudno Ilaahay ka sokow sidii, aniga oo ah wasiirkii amniga xalay kolkii ay hadlayeen axsaabta mucaariku waxaan idiin xaqiijinayaa inaan maamulkani ka gubanayn oo aanu ka xajiimoonayn mucaaridku fakarka iyo odhaahda iyo taladu bixiyo ee aanu u baahanahay kaliya waxaan wada leenahay siddii loo toosin lahaa. Waxaan balanqaqadaynaa dhaliilahaan leenahay wixii ka jira inaan toosino, ma dhacayso maamulkayaga ka dhici mayso xisbi mucaarid ah fakirka uu wado ku xumayn buu ula jeedaa” “waxa laga yaabaa waan khaldanahay baa laga yaabaa kolka Suciidiga la tago inaan nahay dalka qudha ee kale oo Tawxiidku ku qoran yahay calankooda, Muuse Biixi oo ah halgamayaashii wakhtiga dheer usoo galay marna calanka SNM Kama bixin Tawxiid waliba xukuumad shuuci ah oo diinta la col ahayd ayuu ka dhex babanayay ee Itoobiya, walaalayaal halka waxaan ku soo koobayaa Ilaaha ina siiyay hantidaas quluubteena ha dhigo kuwa wanaaga arka ee aan xumaanta fidin”.
Dhinaca kale xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa shalay magcaabay gudi soo baadhaa sababta falskaasi  uga dhacay xuduuda Somaliland, waxayna durba kooxdaa gudida ahi bilaabeen hawshii baadhista, iyagoo maalintii shalay gaadhay deegaanka gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *