Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan casuumadeed qado ah u sameeyay xildhibaanada golaha guurtida Somaliland, kulankaa oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay madaxweynaha iyo golaha guurtidu ku kulmaan tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada Somaliland 26, Juun  2010 ayaa ka danbeeyay,

 ka dib markii ay todobaadkii hore golaha guurtidu mudo kordhin u sameeyeen golaha wakiilda, Golayaasha deegaanka iyo mudada xilka golohooda, taas oo uu Madaxweynuhu ku gacansaydhay, isla markaana ay sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinku soo saareen maalin ka dib heshiis qeexaya waqtiga ku haboon qabashada doorashooyinka.

Hase yeeshee shirgudoonka ayaa dhinacadooda shirjaraaid oo ay qabteen ku sheegay in aanay ka laabanayn go,aanka mudo kordhinta, taas oo abuurtay jawi muran siyaasadeed, balse kulanka maanta madaxweynahu ku casuumay oo ujeedadiisu  ahayd sidii arrimahaa laysula meel dhigi lahaa ayaa ka dhacay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
saxaafada       
Kulankaa oo uu madaxweynaha ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylici ) ayaa ahaa mid aan saxaafada loo ogolayn oo albaabada loo xidhay, balse kulanka ka dib warsaxaafadeed kasoo baxay qasriga madaxtooyada ayaa lagaga hadlay ujeedada kulakaa iyo waxyaabihii ay madaxweynaha iyo guurtidu ka wada hadleen.  
 
Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada wuxuu u dhignaa  sidan “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed  Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku JSL Madane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylici ) ayaa Shalay Duhurkii Qaddo Sharaf ugu sameeyey Golaha Guurtida Hotel Mansour.
 
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee ay wadayeeshaan Madaxweynaha iyo Golahani Mudadii Gaabnayd ee uu xilka Madaxtinimada Dalka hayay waxa uu madaxweynuhu Golaha Xog waran ka siiyey Xaalada Dalka ee Dhaqaale, Nabadgelyo iyo Siyaasadeedba,
Waxa kale oo uu madaxweynuhu uu Golaha ku amaanay xilka ay Qaranka ay u hayaan.
 
Madaxweyne Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) oo Xildhibaanada uga  waramaya ujeedda uu Casuumada ugu sameeyey ayaa Faaf-faahin dheer ka bixiyey Dhaqanka talo wadaaga ee Somaliland iyo Qiimaha uu ugu fadhiyo jiritaanka Qaranimada Somaliland oo ku soo Caano Maashay waxaanu Madaxweynuhu tilmaamay in ay Somaliland weligeedba  Dhaqan u ahayd is-qancinta, isu talaansulka iyo isaga Garaabida hadba Arinka markaa la hayo ee taagan.
 
Maantana loo baahan yahay in ay Somaliland Marxaladan kaga Gudubto dhaqankeedaa wanaagsanaa ee ay ku soo liibaantay.
 
Madaxweynuhu waxa uu Faaf-faahin Mug leh ka bixiyey geedi socodka Dimuquraadiyada iyo dib u dhicii mudada dheer jiitamayey ee ku yimi Doorashooyinka Golayaasha iyo tii Madaxtooyada ee Dhawaan Dalka ka qabsoontay, wuxuuna sheegay inay Natiijadii doorashada Madaxtooyada iyo sidii wanaagsanayd ee ay ku dhamaatay soo jiidatay Beesha caalamka Dalkeenuna uu Sumcadweyn ka helay.
 
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Go’aankii Muddo kordhinta ee uu dhawaan  Golaha Guurtidu Mudada ugu kordhiyey Golaha wakiiladu, dhinacyada uu khuseeyo ee kale iyo Beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta Doorashooyinka ugu muuqday mid ka badan Muddo doorashada lagu qaban karo,  sidaa awgeedna loo baan yahay in la rog-rogo oo sidii Somalilandba Dhaqanka u ahayd laysla soo dhaweeyo,  iyada oo aanu dhinac-na ku dhegaynin awoodaha uu leeyahay.
 
Madaxweynuhu  isaga oo ixtiraamaya oo Qadarinaaya karaamada iyo Sharafta uu Goluhu leeyahay sida uu sheegay waxa uu Golaha ka Codsaday  in ay kawada Hadlaan sidii ay Xeego-xeego u noqon lahayd, Ilkana u nabad Geli lahaayeen ee ay Doorashadu u qabsoomi lahayd xili kan ka horeeya  oo ugu badnaan ku siman Laba sannadood.
 
Dhawr mudane oo u hadlay Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Casuumada kasoo qayb galay oo dhamaa in ka badan Konton Xildhibaan ayaa iska daba maray mahad naq ay madaweynaha uga mahad celinayaan Casuumadan iyo xog-waranka Buuxa ee uu ka siiyey xaalada dalka.
 
Mudanayaashu waxay ku dheeraadeen in Goluhu niyadsami  ku qiimeeyey Xaalada Dalka iyo Duruufaha ku xeeran Doorashada.
 
Mudanayaashu waxay ku nuux-nuuxsadeen qabyada ka jirta Sharciyada ay u baahan tahay Doorashadu, Dhaqaalo xumida ay la kulantay xukuumadan cusubi iyo daynta xad dhaafka ah ee ay xukuumadii hore ka tagtay iyo weliba Duruufaha nabad-gelyo ee dalka ku xeeran.
 
Sidaa awgeedna ayey Mudanayaashu yidhaahdeen waxa aanu ku qanacsanahay in ay mudadani ku yartahay u diyaar garawga doorashada,  balse iyaga oo gole ahaan qadarinaya, ixtiraam weyna u haya codsiga madaxweynaha, isla markaana og in aanay marka horeba dangaara ka lahayn mudadan ay go’aamiyeen ee ay ka ahayd uun mid ay qaranka dan u modeen waxa ay mudanayaashu si buuxda isugu raaceen inay madaxweynaha u balan qaadayaan in aanu go’aankoodani noqon doonin mid caqabad ku ah doorashada haddii ay qabyadu dhamaato xili mudadaa ka horeeya sidaa awgeedna ay Gole ahaan ay madaxweynaha u balan qaadayaan in marka ugu horaysa ee la qabyo tiro hawsha  qabashada Doorashada ay Gole ahaan diyaar u yihiin in ay madaxweynaha ku tageeraan.”

Si kastaba ha ahaatee kulanka maanta ee Madaxweyne Siilaanyo iyo golaha guurtida ayaa u muuqda mid muujinaya rago wanaagsan iyo yididiilo, isla markaana iftiiminaya in xal laga gaadhay weedhihii taag taagnaa ee ay maalmihii u danbeeyay warbaahinta marinayeen shirgudoonka golahaa iyo axsaabta qaranku.
Iyadoo  shirgudoonka golaha guurtida shalay kulan la yeeshay komishanka doorashooyinka qaranka, kaas oo ujeedadiisu ahayd inay iska xogwaraystaan arrimaha doorashooyina kusoo foole Somaliland iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa, isla maraakana laysula meel dhigi lahaa mudo kordhinta muranku ka taagnaa, waxayna kulankaa ka dib shirgudoonka guurtidu u sheegeen saxaafada inay isku fahmeen labada dhinac ee komishanaka doorashooyinka qaranka iyo shir gudoonku arrimihii ay ka wada hadleen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *