Hargeysa(ANN)Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, isla markaana  ah Afhayeenka xukuumadda  Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa maanta u kicitimay dalka Koonfurta Suudaan  si uu uga qeybgalo  kulan caalami ah oo lagu gorfaynayo qodobada u sahlay dalka

Koonfurta Suudaan inay helaan aqoonsi caalami ah iyo sidii ay Somaliland  u heli lahayd aqoonsiga ay wali u raadinayso.

Wasiirka Warfaafinta oo galabta  ka dhoofay madaarka Berbera, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkiisa waxaanu tilmaamay inuu ka mid yahay sadex aqoon yahan oo lagu soo casuumay aqoon is weydaarsi lagu qabanayo jaamacadda Juba University ee dalka dhowaan kusoo biiray caalamka ee South Sudan.

Mr. Boobe  isagoo arrinta  socdaalkiisa  ka hadlaya wuxuu  yidhi,  “socdaalkaygu waa Koonfurta dalka Suudaan waxaana jaamacadda Jubba University lagu qaban doonaa 12-ka bishan aqoon is weydaarsi la xidhiidha sababta Koonfurta Suudaan ay aqoonsiga ku heshay. Somaliland-na Ictiraafka ku wayday,  ama wali u raadinayso,  waxaana iska kaashaday qaban qaabadiisa machad Sweden ah iyo Jaamacada Jubba University.”
Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, isagoo ka hadlaya qaabka loo casuumay wuxuu yidhi, “Uma Tagayo dawlad ahaan,  laakiin waxa la iigu marti qaaday sadex aqoon yahan oo soo diyaariyay waraaqo meesha laga akhriyayo ayaan mid ka mid ah ahay,”ayuu yidhi.
wuxuuna sheegay inuu shirkaa ka jeedin doono taariikhda marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay illaa xiligii gobonimo doonkii illaa waqtigan, isagoo yidhi, “Shir hawleedkaasi waxa lagaga hadlayaa taariikhdii Somaliland soo martay illaa 1960-kii illaa imika, waxa kale oo lagu soo bandhigi doonaa qoraal ku saabsan maxay Somaliland Ictiraaf u heli wayday oo uu soo diyaariyay Aadan Xaaji Cali oo ah la Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha shuruucda. Shirkan waxa saldhig u noqon doona aayo ka tashiga,”ayuu yidhi.
Boobe Yuusuf Ducaalle waxa uu intaa ku daray marka uu ka soo laabto dalka Koonfurta Suudaan uu soo mari doono dalka Itoobiya oo kulamo la yeelan doono masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ee dalkaa.
Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaalle ayaa xalay ka hor intii aanu ka bixin dalka, wuxuu kulan casho-sharafeed ah la yeeshay Agaasimeyaasha iyo madax-qeybeedyada wasaarada warfaafinta, kulankaa oo ujeedadiisu ahayd in lagu soo afjaro khilaaf beryahan soo kala dhex galay madaxda wasaarada iyo agaasime waaxeedyada wasaaraddaa, kuwaas oo ka dhashay Agaasimaha xisaabaadka ee Telefishanka qaranka oo hanti-dhawrka guud xabsiga u taxaabay, balse la sii daayay markii danbe, waxayna  masuuliyiinta wasaaraddu kulankaa  isla qaateen inay niyad wanaag ku wada shaqeeyaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *