Muqdisho(ANN)Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa  maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isla markaana soo  dhowayntiisa oo ay ka qaybqaateen  boqolaal qof ayaa  sababtay inay

 

ciidamada boolisku rasaas isticmaalaan, taas oo keentay  khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya madaxtinimada Soomaaliya, ayaa ka maqnaa dalka tan iyo markii uu xilka raysal wasaare iska casilay badhtamihii sanadkii hore, isagoo markaa ka dib dalka maraykanka kaga dhawaaqay xisbi siyaasadeed, wuxuuna markii uu maanta gaadhay Muqdisho Shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay ujeedada socdaalkiisa xiligan.
Farmaajo waxaa uu ugu horeyn u mahadceliyay dadweynihii soo dhoweeyay, wuxuuna carabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay in howshii uu hore shacabka u qabanayay dhameystiro, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Waxaan halkan u imi inaan ka qeyb galo tartanka madaxtinimada oo aan ku soo biiray, oo halkan (Muqdisho) ka dhici doona 10-maalmood kadib, waxaanu dooneynaa aniga iyo kooxdeyda inaan ka qeyb galo si howshii aan shalay bilownay fursad ugu helo inaanu dhameystirno”ayuu yidhi Farmaajo oo hore u sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu soo saari doono waxyaabaha u qorshaysan iyo sida uu u doonayo inuu ugu qeyb galo tartanka musharaxnimada ee 20-ka bisha August la filayo inay ka dhacdo Somalia.
Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda inay mushaaraadka siiyaan 10-ka maalmood ee soo socoda Ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha kale ee dawlada, kuwaas oo uu sheegay in aanay wax mushaar  ah qaadan muddo shan bilood ah,  si ay Ciidamada iyo  qoysaskooda maalinta ciida si farxad ah ula ciidaan caruurtooda, wuxuuna isagoo arrintaa dawladda ku dhaliilaya yidhi, “Waxaa igu maqaal ah in ciidamada qalabka sida muddo shan bilood ah aan mushahar la siin, waxaana dowladda ugu baaqayaa inay xooga saarto mushaarka inay siiso Ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowladda, waxay aheyd in bil walba si joogto ah loo siiyo”ayuu yidhi Farmaajo
.
Dhinaca kale soo dhowaynta Farmaajo, ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac.  kadib markii Askar ka tirsan ciidanka dowladau  ay rasaas ku fureen dadkii taageerayay soo dhoweynta Farmaajo, waxaana wararka qaar sheegayaan inay arrintaasi ka dhalatay kadib markii qaar ka mid ah taageerayaashiisa isku dhaceen kuwo sitay sawirka Madaxweyne Shariif meel u dhow agagaarka Taalada Seyidka, waxaana ku dhintay ilaa la ogyahay sadex qof oo mid ka mid ahaa Askarta iyo qof shicib ah, iyadoo tiro laba qof oo kalena ay ku dhaacmeen rasaastaa, balse ay goobta mar danbe ciidamo soo gaadheen si look ala dareeriyo dadka, isla markaana loo adkeeyo amaanka oo aanay arrintaasi u sababin isku dhac dhaliya khasaare intaa ka baddan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *