London(ANN)Mo Farah Orodyahanka Reer Britain ee kasoo jeeda Somaliland, ayaa mar kale ku guulaystay bilada dahabka ah ee Orodka 5,000m. kadib markii Mo Farah oo 29 jir ahi todobada maalmood ka hor ku

 

guulaystay Orodka 10,000 m.
Guusha uu Mo Farah, kasoo hooyay tartanka  Olympic Stadium ee ka socda Britain , ayaa noqonaya 104, sanadood ka dib markii  sidan oo kale labada Orod ee Olypicada ee 10,000m iyo 5,000m qof wada qaato.
Waxayna guusha Mo Farah sumcad weyn usoo hoysay dalka Boqortooyada Britain, taas oo sababtay inay tartanka ciyaaraha Olypic-da ka hantiyaan Britain 59 biladood oo qaarkood dahab yihiin, isla markaana nqotay guul weyn oo taariikhi ah, isagoo cidla kaga tegey ninka sida weyn loo saadaalinayay ee la filayay inuu qaado biladan 5,000m oo u dhashay Ethiopia.

Dhinaca kale iMadaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu hamlayo iyo boogaadin u dirayaa Ciyaaryahanka weyn ee Mo Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Dawlada Ingiriiskaba isaga oo caawa ku guulaystay Biladii labaad ee Dahabka ahayd ee Tartanka Ciyaaraha Olympic- ada ee ka socda London.

Madaxweynuhu waxa uu ku boogaadiyey Mo Faarax guushaa caalamiga ah iyo magacaa uu u soo hooyey  naftiisa, Dalkiisa iyo dadkiisaba waxaanu ilaahay uga rajeeyey inuu adkaysto Guushan, guulo ka badana gaadho.

Madaxweynuhu waxa uu dhalin yarada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan Balwadaha iyo waxkasta oo wakhtiga ka luminaya kuna daydaan Moh faarax.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *