cukuseHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad kadib markii dhaawac kasoo

 

gaadhay shilgaadhi isaga iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ka mid ahaa wefdiga Madaxweynaha Somaliland.
Cabdullaahi Daahir Maxamed Cuskuse oo la keenay Cusbutaalka Hargeysa ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad fiican tahay, balse uu dhaawac ka soo gaadhay Gacanta oo uu ka jabay, isla markaana lagu kabay cusbataalka guud ee magaalada Berbera.

Wasiirku waxa uu sidaas u sheegay Tafaftiraha guud ee wargeyska Dawan Cumar Maxamed Faarax oo kula xidhiidhay khadka Telefoonka ka hor intii aan dhaawaciisa loo qaadin dhinaca magaalada Hargeysa. Sidoo kalena wasiir Cukuse waxa uu sheegay in ay dhaawacyo fududi soo gaadheen masuuliyiinta kale ee uu saaka la kulmay shilkii uu dhaawucu ka soo gaadhay.

Wasiirka warfaafinta somaliland ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaayay in uu soo gaadhay dhaawac halis ah oo ay baahiyeen qaar ka mida warbaahintu, waxana uu sidoo kale tacsi u diray qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay Alle haw naxariistee Caaqil Maxamed Cabdi Hadoodil oo ka mid ahaa madax dhaqameedka Gobolka Saaxil oo ku geeridyooday shilgaadhi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *