breaking News arraweelo,comBerbera(Araweelo News Network) Laba wasiir ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaadheen kadib markii ay isuku dhaceen labada Baabuur ee ay kala wateen. Sidoo kale shil gaadhi oo kale ayaa sababay geerida

 

Caaqil ka mid ahaa Cuqaasha gobolka Saaxil, waxayna shilalkaasi ka dhaceen meelo kala duwan.
Gaadiidka ayaa ka mid ahaa wefdiga Madaxweynaha Somaliland oo saaka kasoo boqoolay magaalada Burco oo uu labadii habeen ee u danbeeyay ku sugnaa, waxyana usoo jeeday dhinaca Magaalada Hargeysa.
Labada Wasiir oo ku dhaawacmay shilkaa ayaa kala ah Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye, waxaana soo gadhay dhaawacyo kala duan sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah.
Labada wasiiir ayaa dhaawacooda loola cararay dhinaca Magaalada Berbera, iyadoo lagu dawaynayo halkaa, waxa kale oo ku geeriyooday shil gaadhi duleedka Hudiso Caaqil ka mid ahaa dadkii  soo dhowaynayay wefdiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *