soo-dhawaynHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Hargeysa kadib markii uu kasoo laabtay socdaal shaqo

 

oo qaatay muddo sagaal maalmood ah, kaas oo uu isaga gudbay cidhif ilaa cidhif bariga iyo galbeedka dalka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminaya ayaa socdaalkooda ka bilaabay galbeedka dalka, waxayna isaga gudbeen goboladda Awdal,Salal, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo qeybo ka mid ah gobolka Sool, iyagoo maanta kusoo laabtay magaalada caasimada ah ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa socdaalkiisan oo ahaa kii Afraad ee uu ku maro inta badan deegaamada dalku ka kooban yahay, balse waxa uu socdaalkiisan ka duwanaa kuwaas hore, isagoo si gaar ah ugu bartilmaameedsaday dhinaca deegaamada ku yaal xeebta dheer ee Somaliland, isla markaana noqday Madaxweynihii u horeeyay ee gaadha magaalada Laasqoray ee bariga gobolka Sanaag oo kulaalay xadka dhinaca Xeebta ay la wadaagto Somaliland maamul goboleedka Puntland ee Somalia, taas oo tan iyo intii ay Somaliland jirtay aanay booqan madaxda Somalialnd.

Madaxweynuhu safarkiisan mashaariic waaweyn ku dhagaxdhigay deegaamada uu soo maray, kuwaas oo ugu weynahay mashruuca dhismaha wadada Ceergaabo, taas oo hawsheeda madaxweynuhu amray in la bilaabo, wuxuuna socdaalkan u danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo noqday mid wi weyn yaralcaamka bulshada iyo indhaha beesha caalamkaba usoo jiitay, kaas oo xanbaarsanaa ujeedooyin iyo fariiimo kala duwan oo ku waajahan meelo kala duwan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *