Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa soo saaray go’aan uu saraakiisha waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi kaga mamnuucay inay tagaan xafiiskiisa Iyo xarunta madaxtooyadda Somaliland midna. Md. Axmed Cabdi Xaabsade

oo shalay soo saaray go’aankaa, waxa kale oo uu joojiyay shir subaxeedkii uu masuuliyiinta wasaaradda kula  yeelan jiray subax walba, ka dib markii uu arkay inay u qaybsan yihiin garabyo iyo kooxo iska soo horjeeda oo wada shaqayntoodu hooseyso, taas oo saamayn weyn ku yeelatay hawlihii qaranka ay wasaaraddu u haysay.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu faray agaasime waaxeedyada iyo madaxda laamaha kala duwan inay subaxdii saxeexaan buug la dhigi doono xafiiska Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta.
Amarkan Wasiirka ayaa ka dhashay ka dib markii maamulaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Maamulaha Idaacadda Maxamed Siciid Muxumed ay khamiistii todobaadkii hore isku faro saareen Shir subaxeedkii maalintaasi oo uu guddoominayay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade. Is fara saarkan ayaa ka dhashay sida la sheegay kadib markii agaasimaha TVga qaranku, Md Dhuxul, eedayn la xidhiidha dhacdooyin maalmahan ka socday idaacada usoo jeediyey shirka, isla markaana taas uu ka xanaqay agaasimaha idaacadda Md Maxamed Siciid.
Wasaarada Warfaafinta waxa carqalad ku noqday qaab dhismeedka wasaarada oo jahowareersan isla markaana waxa jira  Agaasimeyaal tiro badan oo uu ka tagay Wasiirkii hore, kuwaas oo loolanka iyo xafiiltanka ka dhexeeya kasoo sokow aanay kala lahayn nidaam maamul, isla markaana aanay kala fahamsanayn waajibaadkooda shaqo, taas oo keentay kala daadsan iyo isbarbar yaaac.
Dhinaca kale, waxa jirta dhacdooyin soo noqnoqday  oo ka dhacay idaacadda qaranka, kadib markii laba jeer oo kala duwan laga sii daayay heeso aan munaasib ahayn oo mid ka mid ah lagu dhalaycaynayno Ethiopia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *