Hargeysa (ANN) Masuuliyiita wasaaradda Boosta  iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa jawaab kulul  bixiyay dhaleecayn   masuuliyiinta Shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM maalintii khamiistii doraad si weyn ugu  naqdiyeen  xeerka Isgaadhsiinta ee dhawaan Golaha Wakiiladdu meel mariyay, kaas  oo ay

ku tilmaameenn mid ay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imanaya Dastuurka iyo shareecadda Islaamka, isla markaana meesha ka saaraya nidaamka ganacsiga xorta ah eek u xusan dastuurka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaada Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Xasan Cumar Hoori oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa maanta shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen  xarunta dhismaha wasaaradda ee Hargeysa  waxay  ku difaaceen dhaliilaha Shirkada Telesom u jeedisay  xeerka Isgaadhsiinta,waxayna qodob qodob usoo qaateen meelaha qodobada iyo faqradaha farta lagu fiiqayo eek u jira xeerkaa.
Qoraalka jawaabta oo uu Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xasan Cumar Hoori ka akhiyay halkaa ayaa u dhignaa sidan:-   “Annaga oo tixraacayna war-saxaafadeedkii 21 April 2011 ay shirkadda TELESOM ku qabatay xaruntooda, WB&I waxaa ay ka warcelinaysaa qoddobo dhowr ah oo ku soo arooray war-saxaafadeedka kuwaas oo horseedi kara in ay bulshada ka marin habaabiyaan ujeedada dhabta ah iyo dulucda xeerka Isgaadhsiinta Somaaliland, Xeer Lambar 50/2011 ee Golaha Wakiilada JSL uu ansixiyay 10 April, 2011.
Nuxurka war-saxaafadeedka Telesom waxaa lagu durayay WB&I, Golaha Wakiilada iyo Guud ahaan Xeerka Isgaadhsiinta iyada oo si gurracan loo tarjumay qoddobo xeerka ka mid ah kuwaas oo shirkadda Telesom u dhigeen sidatan:
A) In la meelmariyo xeer jidaynaya in qalabka Isgaadhsiinta (nooca uu doono ha ahaadee) ay yeelato, lana wareegto dowladdu.
B) In Wasiirka Isgaadhsiintu isagu goynayo qiimaha suuqa.
C) In la abuurayo komishan aan madax bannaani lahayn kana tirsan wasaaradda.
D) Iyo in xeerka isgaadhsiintu lid ku yahay tartanka iyo suuqa xorta ah.
Sidaa darteed, iyada oo dhammaan eedaynta shirkadda Telesom ay ka fog yahiin xaqiiqada iyo qoraalka dhabta ah ee xeerka, ugu horreynba annaga oo la maragsanayna dhammaan shirkadaha isgaadhsiinta dalka waxaan halkan ka sheegaynaa Xeerka isgaadhsiinta Somaaliland in uu yahay mid ay ka soo wada shaqeeyeen Wasaaradda iyo shirkadaha isgaadhsiinta iyaga oo weliba gacan ka helay Qareenada Oxperts consultants, Holland, kuwaas oo khibrad weyn u leh xeerdejinta iyo maaraynta shuruucda isgaadhsiinta xorta ah. Haddaba, Shirkadda Telesom waxaa ay ka mid ahaayeen shirkadaha gacanta ka gaystay samaynta xeerka iyaga oo af iyo qoraalba wasaaradda u soo gudbiyay waxii tabasho ama talo soo jeedin ah taas oo wasaaraddu siisay mudnaantooda. Xeerka waxa soo tifaftiray koox garyaqaano ah oo ay soo dirteen shirkadaha isgaadhsiinta iyo wasaaradda sidaas oo wasaaraddu ugu gudbisay golayaasha xukuumadda iyo wakiilada ka dib markii ay ku wada qanceen dhinacyadii ay khusayso.
Xeerku waxaa uu ka kooban yahay 81 qoddob oo si qotto dheer u qeexaya xilgudashada wasaaradda iyo komishanka isgaadhsiinta oo dhowaan la samayn doono. Sidoo kale, xeerku waxa uu dhiirri-gelinayaa in wasaaradda iyo komishanku diyaariyaan saaxad madax-bannaan si ay shirkadahu u helaan fursad ay si xalaal ah ugu tartamaan. Xeerku sidoo kale, waxa uu sugayaa xuquuqda macaamisha isgaadhsiinta, waxaana uu meelmarinayaa sidii loo soo xerayn lahaa cashuuraha ku waajibay isgaadhsiinta iyada oo la hubinayo kor u qaadista tayada isgaadhsiinta, isla markaana, hoos loo dhigayo qiimaha isgaadhsiinta taas oo ku iman karta tartanka furan. Waxaa xusid mudan, miisaaniyadda qaranka ee 2011 in wasaaradda isgaadhsiinta laga sugayo dakhli ka badan 38 bilyan oo shillin taas oo u dhiganta mushaharka muddo sannad ah ee ilaa lix kun iyo shan boqol oo shaqaale ah..
War-saxaafadeedka shirkadda Telesom waxaa lagu sheegay xeerka isgaadhsiintu in uu “si toos ah u jebinayo mabaadiida Guud iyo qodobada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.” Arrintaas shirkaddu waxaa ay u sababeeyeen qoddobada soo socda oo dhammaantood aan sal iyo raad lahayn annaga oo qoddob qoddob isu kor taagi donna.
Qodobka 3aad, xubinta 19aad iyo 20aad ee Xeerka Isgaadhsiinta shirkadda Telesom waxa ay ku sheegtay in “uu qoondayn gaar ah (kooto) ku siinayo qaar ka mid ah adeegyada Isgaadhsiinta ee xorta ah cid gaar ah, Waxaana ay ku sheegeen in uu “ka soo horjeeda Qodobka 11aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ballanqaadaya suuq xor ah iyo tartan madax bannaan.
Haddaba warbaahinta iyo bulshada Somaaliland waxaan u caddaynayna erayada qoondayn gaar ah, kooto iyo suuq cid gaar ah loogu xidhayo oo ka sugnaaday shirkadda Telesom in aanay raad iyo sal toona lahayn. Xeerku waxaa uu si buuxda u qeexyaa madaxbannaanida ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashiga gaar ahaan kan maxalliga ah sida ku qeexan qoddobka 2aad, faqradiisa 4aad kaas oo u dhigan sidatan:
“Xeerku waxa uu si buuxda u difaacayaa maalgashiga adeegyada isgaadhsiinta iyada oo mudnaan la siinayo shirkadaha maxaliga ah ee ku foogan adeegyadaas, isla markaa Wasaaradda iyo Komishankuba sideeda u aqoonsan doonaan dhammaan heshiisyadii ka horeeyay xeerkan ee wasaaradu gashay.”
Sidoo kale, shirkadda Telesom waxaannu xusuusinayna wasaaraddu sida wasaaradaha kale ee dalka in ay madaxweynaha iyo xukuumadda ku metsho horumarinta siyaasada guud ee isgaadhsiinta iyo farsamada xogta casriga ah ee dalka iyada oo la tashanaysa dhinacyada ay khusayso. Wasaaraddu waxa ay Madaxweynaha iyo xukuumadda wakiil uga tahay qeexidda yoolka dhow iyo kan fog (istaraatijiyadda) qaran ee qaybaha isgaadhsiinta si waafaqsan siyaasadda xukuumadda.
Cutubka 3aad ee Xeerka Isgaadhsiinta, oo ka hadlaya Komishanka Isgaadhsiinta Qaranka, shirkadda Telesom waxa ay ku sheegeen in laga dhigay “mid uu magacaabo, la xisaabtamo, isla markaana hoos yimaadda Wasiirka Isgaadhsiinta. Run ahaantii shirkadda Telesom waxay u muuqataa in ay xeerka u tarjumayso si ay u marin habaabiso bulshada. Haddaba waxaan halka ka caddaynayna in Madaxweynaha JSL uu soo magacaabi doono Komishanka sida uu dhigayo Qoddobka 4aad, faqarada 3aad, xarafka h “Komishanku waxa uu ka koobnaanayaa Toddoba xubnood oo lagu soo saarayo xeer Madaxweyne” kuwaas oo kal ah:-
2 Xubnood (Ururka shirkadaha isgaadhsiinta), 1 Xubin (Aqoonyahano ku xeeldheer aqoonta isgaadhsiinta), 1 Xubin (Garyaqaan ku takhasusay shurrucda), 2 xubnood (Aqoonyahan Matalaya Macaamiisha (Customers), iyo 1 Xubin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL
Cutubka 1aad ee Xeerka Isgaadhsiintu, Shirkadda Telesom waxa ay sheegeen in uu tilmaamayaa in erey kasta ama weedh kasta oo aan lagu qeexin Xeerkan ay fasiri doonto Wasaaaradda Isgaadhsiintu. Taasoo ay ku sheegeen inay ka horimanayso qodobka 98aad, xubintiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, oo awood gaar ah u siinaya Garsoorka in ay tarjumaan xeerarka iyo shuruucda dalka. Haddaba shirkadda Telesom waxaan u caddaynaynaa sida ku cad qoddobka arrinta laga hadlayaa in ay tahay eray ama weedh afqalaad ah oo aan xeerka lagu qeexin arrintaa farsamo oo sida la wada garan karo wasaaradda ay tahay cidda ugu habboon oo fasirraada ka bixin kara iyaga oo la kaashanaya ciddii kale ee takhsus u leh.
Cutubka 2aad, Qod. 3aad, xubinta 18aad shirkadda Telesom waxa ay ku sheegtay in lagu tilmaamay in “dowladdu ka masuul tahay, isla markaana yeelato qalabka Isgaadhsiinta, cidda ay doontana u igmato.” Arrintaasina shirkaddu mar kale waxa ay ku sheegeen “in ay toos uga horimanaysaa distuurka xaqa lahaanshaha gaarka ah iyo tartanka suuqa xorta ah. Haddaba marka laga tago tarjumidda shirkadda Telesom oo shacabka ka marin habaabinaysa nuxurka xeerka, qoddobka ay soo xigteen waxa uu u dhigan yahay sidatan.
“Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta JSL iyaddaa dalka uga masuul ah maalgelinta, soo dajinta, dhismaha, xarumaha, signalka iyo dhigista xadhkaha dhulka la hoos marinayo ee dhamaan Goboladda iyo Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.”
Haddaba taas macnaheedu miyaanay ahayn Telesom in ay ka dhiidhiyayso xilka wasaaradda oo ummadda uga masuul ah maalgelinta, soo dejinta qalbka iyo halka laga dhisayo baraha isgaadhsiinta si loo yareeyo waxyeelada iyo aanada bulshada ka soo gaadhaysa qalabka isgaadhsiinta ee meel kasta laga qotomiyay iyada oo aan wax oggolaansho ah laga haysan wasaaradda ay khusayso. Dhinaca kale waxa dhagar ah in wasaaradda lagu sheego in ay la wareegayso hantida shirkadaha gaaka ah taasoo aan marnaba ahayn siyaasadda xukuumadda iyada oo sida muuqata aan meelna kaga soo aroorin xeerka. Been-abuurista Telesom waxaa ay wasaaraddu u aragtaa kicin ay shirkadda Telesom bulshada ku jihaynayso xukuumadda iyaga oo aan u hayn wax daliil ah. Sidaa darteeed, waxaannu shirkadda Telesom uga digaynaa eedahaaan salka iyo raadka lahayn kuwaas oo hadda waxii ka danbeeya wasaaradu kala xaajoon doonto hay’adaha sharciga hortiisa iyada oo wasaaraddu ay ballan qadayso in aan danta ummadda loo lumin dano gaar ah.
Qodobka 48aad, xubinta 3aad ee Xeerka Isgaadhsiintu shirkadda Telesom waxa ay ku sheegeen “in Wasiirka Isgaadhsiintu jaangoynayo qiimaha isku-xidhka Shirkaddaha.
Haddaba qoddobka 48aad, xubinta 3aad ee xeerka isgaadhsiintu waxa uu dhigayaa sidatan;-
Si loo hir geliyo Nidaamka isku xidhka telefoonada waxaa Wasiirka Wasaaraddu xeer wasiir ku soo saarayaa habka ka wada faa,iidaysiga isku xidhka iyo jaangoynta qiimaha isku xidhka.
Taas oo macnaheedu yahay wasiirku in uu xeer ku soo saaro tacriifada ay ku heshiiyaan shirkadahu sida ka muuqata xubinta 1aad iyo tan 2aad ee isla qoddobka kuwaas oo dhigaya in Komishanka xil ka saaran yahay fulinta isku-xidhka oo si siman ugu adeegaysa shirkadaha isgaadhsiinta isla markaana dhowraysa danaha qaranka sida nabadgelyada iyo adeeg hufan oo loo fidiyo macaamisha. Isla markaa xubinta 2aad waxa ay komishanka faraysaa in ay ka hawlgalaan isku soo dhoweynta shirkadaha isgaadhsiinta.
Haddaba, marka aan eegno dhammaan qodobada aan soo sheegnay iyo kuwo kale ee ku jira xeerkan la ansixiyay ku jira miyaanay noqonayn indho la’aan, marin habaabin iyo ku tumasho sharcigii wadanka u yaallay ee ummaddu ay ku heshiisay.
Annaga oo qoddobkan ka warcelinayayna waxaan halka ku cadaynaynaa WB&I waxaa ay 6/02/2011 abuurtay guddi wadajir ah oo ka kooban wasaaradda, dallada isgaadhsiinta Somaaliland iyo shirkadaha isgaadhsiinta dalka sida Telesom, Somtel, Nationlink, Telecom, Solteco, Africa Online iyo Somcable. Guddidu waxaa loo xilsaaray habsami u socodsiinta iyo horumarinta isgaadhsiinta dalka iyaga oo xarunta wasaaradda ku kulma todobaadkiiba laba jeer (maalmaha Axadda iyo Arbacada). Guddiga waxa ay samaysteen xeer hoosaad ay ku shaqeeyaan waxaana ay si xor ah dhexdooda uga doorteen Jaamac Xaaji Maxamuud, shirkadda Somtel, Guddoomiye, Mukhtar cusmaan, shirkadda Solteco, Guddoomiye xigeen iyo Enj. Maxamed c/llaahi cilmi, wasaaradda Isgaadhsiinta, Xoghayaha guddiga.
Guddigu Kulamadoodii 13aad iyo 14aad (30/03/2011 iyo 02/04/2011) waxa ay ku falanqeeyeen tacriifada isku-xidhka shirkadaha isgaadhsiinta iyada oo shirkadaha Somtel, Nationlink, Soltelco, Africa online iyo Telcom ay ku heshiiyeen tacriifada isku xidhku in ay noqoto U.S Dollar $ 0.03 telifoonada moobilka ee lacagta lagu shubto (prepaid) iyo $ 0.05 telifoonada moobilka ee qaansheegta lagu bixiyo (postpaid). Hase ahaatee shirkadda heshiiska waxa ka hadhay shirkadda Telesom oo iyagu soo jeediyay in tacriifadu noqoto $ 0.15 taas oo shirkadaha kale u arkeen in uu yahay qiime aad u sarreeya oo jidaynaya qiimaha lagu wada hadlo dalka gudahiisa in uu ka qaalisanaado qiimaha lagu la hadlo Muqdisho iyo Somaaliya.
Haddaba iyada oo wasaaradda iyo shirkadaha kale muddo toddobaad ah u dabranaayeen in shirkadda Telesom la midowdo mawqifka shirkadaha kale, kulankii 15aad ee Guddida (06/04/2011) waxa uu ku soo afjarmay iyada oo shirkadda Telesom ku adkaysatay soo jeedintoodii hore halkaas oo shirkadaha kale ku saxeexeen heshiiska ay wada gaadheen iyo tacriifada ay si madaxbannaan isu la qaateen.
Dhinaca kale shirkadda Telesom waxa ay ka andacoodeen habayaraatee in aanay jirin wax cashuur ah oo ku baaqsaday iyaga oo arrintaa marag ugu dhigtay wasaaradaha ay khusayso sida maaliyadda iyo isgaadhsiinta, haddaba iyada oo la hayo tacriifada cashuurta isgaadhsiinta ee hore looga ansaxiyay golayaasha qaranka, iyo iyada oo weli aanay wasaaradda isgaadhsiintu awood u lahayn soo sugidda daqiiqadaha dhabta ah ee isgaadhsiinta shirkad kasta taas oo suurtagal noqon doonta marka la isku xidho shirkadaha iyo marka wasaaraddu galaangal u yeelato hawlgalka shirkadaha, wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta awood u ma laha in ay ka marag kacdo cashuuraha ka soo xerooda shirkadaha isgaadhsiintu in ay waafaqsan yahiin tirada saxa ah ee adeegsiga isgaadhsiinta. Tilmaam ahaan, bilahii u danbeeyay ee sannadka shirkadda Telesom waxa ay wasaaradda u soo gudbiyeen warbixinno isburinaya halkaas oo laga garan karo in wasaaraddu wax ku cashuurta qaab xeerjajab ah iyo gorgortan.
Ugu danbayntii Xeerka Isgaadhinta dalka oo hore ugu soo fulay golayaasha xukuumadda iyo wakiilada waxaan golaha guurtida u soo jeedinaynaa in ay ka guttaan waajibkooda sida ugu dhakhsaha badanna u sii daayeen iyaga oo tixgelinaya qoddobada soo socda.
1- Xeerku waxa uu saldhig u yahay qorshe ballaadhan oo wasaaraddu isgaadhsiinta dalka kaga xoraynayso isgaadhsiinta Somaaliya oo ilaa hadda aynu wadaagno madashaa laga maamulo isgaadhsiinta madaama ay innaga dhexayso furaha dal-ku-gallka 252 iyo summadda qaranka ee mareegaha (country domain). Wasaaraddu waxa ay ka warqabtaa dhowaan wasiirka isgaadhsiinta ee Somaaliya in uu xarunta Qaramada Midoobay ka codsaday in cashuur looga qaado guud ahaan macaamiisha furaha dal-ku-galka 252 oo Somaaliland ka mid tahay..
2- Xeerku waxa uu kaalin weyn ka qaadanayaa sugidda nabadgelyada dalka iyo ka hortagga argagaxisada caalamiga ah.
3- Xeerku waxa uu suurtagelinayaa in ay soo xerooto cashuuraha ku waajibay shirkadaha isgaadhsiinta iyada oo sannadkan wasaaeadda laga sugayo dakhli u dhigma mushaharooyinka muddo sannad ah ee tiradoodu gaadhayso 6500 qof.
4- Xeerku waxa uu gacan ka geysanayaa kor u qaadida tayada isgaadhsiinta iyada ooi sla markaa hoos loo dhigayo qiimaha adeegsiga isgaadhsiinta.
5- Xeerku waxa uu yaraynayaa waxyeelada bulshada ka soo gaadhi karta baraha isgaadhsiinta iyo hirarka danabaysan (electro magnetic waves.”
Dhinaca  kale muuqaalka abaabulka shirka Jaraa’id ee masuuliyiinta wasaaraddu qabteen ayaa u muuqday mid ay daaha dabadiisa ka maamulayeen shirka Somcaple oo qayb ka ahayd loolankii xeerka Isgaadhsiinta ee dhowaan golaha wakiiladu anisixiyay, taas oo keentay inay mudanayaasha goluhu ku kala qaybsamaan, balse kooxdii kasoo horjeeday in sidaa lagu ansixiyo xeerka ka hor inta aan la sixin mad madawga baddan eek u jira qodobo ka mid ah loogu awood sheegtay dhaqaalle sidaana lagu meel mariyay.
Ansixinta xeerkaa oo hada horyaala golaha wakiilada waxa ka dhashay doodo iyo falanqayn balaadhan, isla markaana wuxuu masraxa siyaasada Somaliland ka abuuray buuq iyo sawaxan saamayn ku yeeshay shiradaha iyo ganacsatada waaweyn ee dalka, waxaana   la  rumaysan yahay in qaabkii ay u maamuleen ansixintiisa mudanayaasha wakiiladu  uu si weyn u dhaawacay karaamada iyo sharafta golaha wakiiladda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *