Abu-Dhabi(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamned  Maxamuud (Siilaanyo) oo booqasho ku joogay ku dhowaad laba todobaad, isla markaana kulamo la yeeshay amiirada iyo masuuliyiinta Imaaradaha dalka isu taga Imaaraadka carabta  ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Imaarada

 

Raas Al-Khayma. Kadib markii uu casuumad u sameeyay wefdiga madaxweynaha Somaliland  Sheekha Xukuma Imaarada Raasul khayma, Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi, kaas oo kusoo dhoweeyay gaadiidka martida iyo raxan Mootooyin ah.
Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay xafiiska Af-hayeenka ee xarunta Madaxtooyada Somaliland, wefdiga madaxweynaha ayaa la filayaa inay maalinta Salaasada u baxaan dalka Kuwait, iyagoo dhinaca dalka Imaaraadka ka raacaya diyaarad khaas ah oo uu amiirka dalka Kuwait usoo diray.

 

 

 

 

 

 

 

 


Qoraal saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu sheegay booqashooyinkii iyo kulamadii u danbeeyay ee wefdiga iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa u qornaa sidan;-  “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay Sheekha Xukuma Imaarada Raasul khayma, Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi ee Wadanka Isu-tagga Imaraadka Carabta.
Sheekha ayaa ogolaaday in ay Somaliland Imaaradiisa ka furato Xafiis ka dib markii uu kulan qado sharaf ah la yeeshay weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maal-mahanba ku sugnaa Wadanka  isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo uu sheekhu ku soo Dhaweeyey 40 Mooto iyo Baabuurta u khaaska ah Martida kuwaas oo weftiga kaga horyimid Duleedka Raasul Khayma.
waxa ay labada Dhinac ka wada hadleen qodobo ay ugu muhiim-sanaayeen Wax-wada qabsiga dhinaca ganacsiga iyo dhinaca isu-socodka labada Dal.
Waxa kale oo ay ka wada hadleen Maal-gashi shirkado uu sheekhu Abbaan ka yahay ama Oday ka yahay, ay Maal-gashi ka samayn donaan Dalka gudihiisa oo ay u soo diranayaan aqoon yahano daraasad ka soo sameeya Xadiga ama Mugga Maal-gashiga ee ay shirkadahaasi ka samayn karaan Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidii uu u sheegay  Madaxda kale ama Shuyuukhda kale ee Imaaradaha kale ee uu ka kooban yahay wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu sheekha u sheegay in ay Somaliland soo dhawaynayso wax-wada qabsiga dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca maal-gashiga oo ay la yeelato wadanka isu-tagga imaaraadka carabta, Shirkadaha waa weyn ee ku sugan wadanka iyo Ganacsatada waa-weyn ee Awood dhaqaale u le h inay maalgashato  Somaliland.

i

 

 

Madaxweynuhu waxa uu u faah-faahiyey in ay Xukuumada Somaliland u fudaydinayso Xeerarka iyo Shuruucda la xidhiidha maal-gashiga ay samaynayaan iyo Shacbiga Somaliland oo baahi wayn u qaba in ay fududaato isu socodka ama Xidhiidhka Ganacsi ee shacbi ahaan iyo Ganacsato ahaanba ee ay la leeyihiin wadanka isu-tagga imaaraadka Carabta, ayaa weftiga Somaliland waxa uu dedaal weyn ugu jiraa sidii ay Imaaradaasi u Aqbali-lahaayeen Baasaaboorka Somaliland ( Somaliland Passport ) waxaanay imaaradu noqotay Imaaradii u horaysay ee toos u ogolaatay in ay  Somaliland Xafiis-yada ay ku leedahay Wadamada kale  ay si toosa uga  furato Imaarada Raasul-khayma oo ka mid ah Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta.
Weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maalinta Salaasada ah ka Am-babixidoona Magaalada Abu-Dabai iyaga oo u kicitimi-doona Wadanka Kuwait,  iyaga oo ka haysta Marti-qaad Rasmiya waxaanay Magaalada Abu-Dabai ka raacidonaan Diyaarad Khaasa oo uu u soo diray Amiirka Wadanka Kuwait.
Dhinaca kale Xubno uu hogaaminaayo Wasiirka    Ganacsiga Somaliland ayaa isla shalay waxay kulan la yeesheen  Ganacsato waa weyn oo ka mid ah Shuyuukhda ka talisa Wadanka isu-tagga Imaaraadka Carabta kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Sheskh Saiid binu Xashari Al-magtuum oo ah ganacsade wayn oo ka mid ah Ganacsatada Dubai ugu waa weyn iyo  Sheekh Maxamed Al-qaasimi oo ah isna Ganacsade weyn oo ka socday Shariqa kuwaas oo ay kala hadleen ujeeddo la mid ah tii hore ee ay kulamadii dhigooda ahaa la soo yeesheen oo ah mid la xidhiidha maal-gashiga iyo kaalinta Dhaqaale ee ay ka gaysan karaan Somaliland.
Waxa uu weftigu u sharaxay ganacsatada sida ay suurta galnimada ugu tahay in  ay maalkooda ku Aaminaan Somaliland  iyo inay door weyn ka ciyaaraan Maal-gashiga Somaliland iyo sida ay faa’iido weyn ugu leedahay shacbiga somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale booqashada madaxweynaha Somaliland ee dalalka carabta, gaar ahaan khaliijka ayaa la filayaa inuu wax weyn ka bedelo siyaasada Somaliland ee xidhiidhka wadamada carabta oo markii hore ahaa albaab xidhan, isla markaana waxa la saadaalinayaa inay talaabada booqashada ay ku marayaan wefdiga madaxweyne Siilaanyo dalalka Imaaraadka carabta iyo Kuwait wax weyn ka taraan dhinacyada maalgashiga, dhaqaallaha, ganacsiga iyo siyaasada Somaliland. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *