Hargeysa(ANN) Mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay laba wasiir oo cusub oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwaas oo uu dhowaan magcaabay Madaxweyne Siilaanyo. Kadib marii uu laba xubnood oo ka tirsanaa

golihiisa wasiirada meesha ka saaray.
Labada Wasiir  ee maanta la ansixiyay ayaa kala ah warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade iyo wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Deegaanka Dr. Cabdi Aw Daahir Cali .
Waxaana labadaa masuul lagu ansixiyay Fadhigii maanta ee golaha wakiillada oo uu guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyadoo ay madasha ka soo xaadireen  54 mudane.
Wasiirka wasaaradda warfaafita Mudane Axmed Cabdi Xaabsade waxaa ogolaaday 53 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin, guddoomiyuhuna muu codayn. Halka wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ay ogoladeen 53 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin guddoomiyuhuna muu codayn.
Wasiirka warfaafinta mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo ansixinta ka hor hadal kooban ka jeediyay fadhigii golaha ayaa sheegay inkasta oo uu meelo badan ka soo shaqeeyay haddana xilka wasaaradda warfaafintu ku cusub yahay,  isla markaana ay bulshada uga wakiil yihiin adeeg xasaasi ah oo wasaarad mihiim ah ay tahay wasaarada hada loo ansixiyay.
Wasiirku waxa uu sheegay in aanu wasaaradda ugu iman wax qaab dhismeed ah oo ay wasaaraddu lahayd, hase yeeshee uu hadda wasaaradda u dejiyay qaab dhismeed iyo qorshe hawl fulineed qaybaha wasaarada iyo sida ay u shaqaynay dhinaca maamulka.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo isna fadhiga ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay awooda saarayso sidii loo daryeeli lahaa caafimaadka xoolaha dalka oo uu ku tilmaamay inay tahay isha ugu wayn ee dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay.
Wasiirka xanaanada xooluhu waxa uu intaa ku daray inay kooxo caafimaad oo tallaal iyo dawayn u sameeyay xoolaha ay u direen shan gobol oo ka mid ah dalka. wuxuuna xusay inay wasaaradda xanaanada xooluhu ahmiyad weyn u leedahay dalka iyo dadkaba, isla markaana uu wax baddan ka qaban doono baahiyaha dhinaca caafimaadka xoolaha iyo ilaalintooda.
Araweelonews Mobile
Somaliland  Office
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *