Hargeysa(ANN) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre, ayaa ka hadlay  talaabada  ciidanka boolisku ay Xarunta CID-da uga yeedheen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada  Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) oo ay kulan xog waraysi ah kula yeesheen

sida    uu sheegay, isagoo xusay  in wax laga weydiinayay eedayn culus oo loo haysto.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu beeniyay hadal ka soo yeedhay Agaasimaha Guud ee waxbarashada oo sheegay in Ciidanka CID-da Boolisku ay habeen hore si qayrul sharci ah  ugu yeedheen  xaruntooda su’aalana u uga weydiiyay kiis uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo.
“Waxba kama  hadalka  ka soo yeedhay ninkaasi agaasimaha guud ah oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu amray in xadhigiisa, waxaan idiin sheegayaa Dr. Gaboose maaha  Askari Boolis ah ee waa Wasiir waxbana kama jiraan hadalkaasi,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.
Gen. Cilmi Rooble Furre wuxuu sheegay in masuulkaasi lagu eedeeyay dambi culus oo uu xusay in la baadhayo oo aanu jeclayn inuu ka hordhaco natiijada baadhista  Booliska, isagoo yidhi, “Denbi karaim ah ayaa wax laga weydiinayay  Ninkaa, markii wax la weydiiyayna waa la sii daayay,  waana la baadhayaa.”
Dhinaca kale,  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) oo Habeen hore ay Ciidamadda CID’du xidheen. Balse shalay gelinkii xalay la sii daayay waxa uu Ciidanka Booliska ku eedeeyay inaanay ilaalin masuuliyadiisa iyo xoriyadiisa muwaadinimo  oo ay xili dambe geeyeen  xarunta CID-da.
Shir jaraa’id oo uu xalay fiidkii warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa ayuu ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose inuu lahaa Amarka qabashadiisa isagoo tilmaamay in sharci daro uu kula kacay.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay Ciidamaddu CID’du iska xidheen iyagoon u sheegin wax danbi ah oo loo haysto balse uu shalay aroornimadii ogaaday in wasiir Gaboose Amarkaa bixiyay, wuxuuna ku  eedeeyay Gaboose inuu wado iska horkeen iyo fadqalalo uu ku doonayo inuu colaad  u galiyo Xukuumadda Somaliland deegaanka uu kasoo jeedo.
Cali Caliyow  wuxuu ku dooday inaanu ka hadhayn falkaasi lagula kacay oo uu Maxkamadda geyn doono isagoo sheegay in dhacdadani ay tahay mid foolxumo ku ah Haykalka Dawladnimo oo aanay Caqli gal ahayn in Wasiir inta uu Amar bixiyo uu iska xidho Agaasime Guud iyadoo aan wax Waaran Maxkamadeed ah loo keenin.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay Xukuumaddu ka hawl gashay sii dayntiisa balse ma uu cadayn qaabka loo sii daayay iyo Eedaha loo xidhay toona,

Hase yeeshee warar u dhuun daloola dhacdadan ayaa sheegaya in lagu sii daayay Agaasimaha damiin, isla markaana wararka qaar ayaa sheegaya inuu waan waan ka dhexwaday kooxda  Budhacd-badeeda ee haysata muwaadiniinta u dhashay Denmark iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha debeda ee Denmark, isagoo sheegaya inuu ka mid yahay masuuliyiinta Somaliland.
Kooxda Budhcad-badeeda ayaa  dawladda Denmark ka  dalbaday lacag malaayiin dollar ah in loo siiyo madax furasho si ay u sii daayaan dadka ay afduubka u haystaan deegaanka  Bandar Bayla ee xeebaha Somalia ee usii jeeda dhinaca badweynta India.
Mr. Cali Caliyow oo ka hor intii aan xilka agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshadda iyo tacliinta sare loo magcaabin ku noolaa mudo dalka Maraykanka ayaa wararka qaar sheegayaan inuu hore dhexdhexaadin uga galay kooxo budhcad-badeed ah oo deegaanka xeebaha Somalia maraakiib uga Afduubay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *