Berbera(ANN) Qalabka dhinaca amaanka loo adeegsado ee kamaraddaha la socda dhaqdhaqaaqa ayaa markii u horaysay taariikhda lagu xidhay Madaaraka caalamiga ah ee Magaalada Berbera.  Munaasibad maanta oo Jimce ah lagu qabtay madaarka Berbera oo xadhiga lagaga jaray munaasibad loo qabtay

 

qalabka lagu soo kordhiyay madaarka oo lagu qabtay dhismaha garoonka waxa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland. Maxamuud Xaashi Cabdi,  oo sheegay  inay  madaarka ku xidheen qalab casri ah oo wax ka taraya nabadgelyada, kaas oo ah  kamarado la soconaya dhaqdhaqaaqa ah, isla markaana wax ka duubaya xarakaadka  ka socda gudaha iyo dibada madaarka.
Wuxuuna  xusay in madaarka Berbera ahmiyad weyn ugu fadhiyo dalka kana mid yahay madaarada ugu waaweyn qaarada Afrika. Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in dayactirkiisa iyo amaankiisaba waxbadan loo huro.
Wasiirku  wuxuu u mahad celiyay dawlada Britain  oo sida uu sheegay  ugu deeqday qalabkan. Isagoo xusay  in madaaradda Somaliland ay yihiin kuwo nabadgelyo ah oo beesha caalamku qirtay,  isla markaana ka duwan  yihiin madaarada Muqdisho, Boosaaso iyo Garoowe.
Sidoo kalena waxa uu xafladaa ka sheegay  in qalabkaa  oo kale lagu rikabayo madaarka Hargeysa. Si loo sugo amaanka madaarada dalka.
Munaasibada qalabka casriga ah ee dhinaca amaanka lagu xidhay madaarka waxa kaloo ka qaybgalay masuuliyiinta gobolka iyo magaalada berbera.
qalabkaas  oo kale ayaa  hore  loogu xidhay Dekedda magaalada berbera, ka dib markii lagu rakibay kamarado meelo fog wax ka duubaya oo  wax weyn ka taraya arrimaha amaanka ee Dekedda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *