Osma 2Abbottabad (Jam/Al Jazeera) – Warbixin laga soo saaray baadhitaan qoto dheer oo lagu sameeyey hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida Osama Bin Laden ka hor intii aan la dilin sannadkii 2011-kii, ayaa

osama3

soo bandhigtay noloshiisii qorsoodiga ahayd ee u suurtogelisay inuu dego dalka Pakistan iyo weerarkii ciidammada Maraykanku ku khaarajiyeen.

Warbixintan oo ay soo saartay guddi baadhitaan dawladda Pakistan u saartay kadib markii bishii May 2011-kii ciidammo Maraykan ahi weerar ay ka fuliyeen tuulada Abbottabad ee gudaha Pakistan ay ku dileen Osama Bin Laden, waxay sheegtay in guuldarro wadareed sababtay war la’aanta muddo sagaal sanno ah oo hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida ku noolaa gudaha dalka Pakistan iyo weliba weerarkii Maraykanku ku dilay.

Osma 1

Sida uu baahiyey telefishanka Al Jazeera oo helay nuqul ka mid ah natiijada warbixintan oo ka kooban 336 bog kadib markii dawladda Pakistan diiday inay baahiso, taas oo lagu waraystay 200 markhaati ay ku jiraan xubno ka mid ah qoyska Bin Laden, saraakiil ka tirsan Sirdoonka Pakistan, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer kasta oo laamaha maamulka dawladda, millateriga iyo ammaankaba leh, waxay shaaca ka qaaday in masuuliyad-darro ay sameeyeen millateriga qaranka iyo hay’adda sirdoonka Pakistan ay keentay in Osama oo ahaa ninka waqtigaa loogu doondoonida badan yahay uu lix jeer u kala guurguuray goobo ku yaal gudaha dalkaasi muddo sagaal sanno ah oo uu ku noolaa, isla markaana uu Maraykanku weerar aanay la ogayn dawladda Pakistan uu ka fuliyo gudaha dalkeeda.

Xog-ururinta guddigu samaysay oo lagu ogaaday faahfaahinno kala duwan oo la xidhiidha arrintan iyo guuldarrooyin hay’adaha dawladdu sameeyeen, waxa si gaar ah uga soo baxay noloshii qarsoodiga ahayd ee Osama Bin Laden ku jiray tan iyo wiii ka dambeeyey weerarkii Maraykanku ku qaaday dalka Afganistan, waxaanay u dhignayd sidan;

In Osama Bin Laden uu galay dalka Pakistan badhtamihii sannadkii 2002-dii, waxyar uun kadib markii uu dirqi kaga badbaaday in lagu qabto dagaal ka dhacay degaanka buuralyda Tora-bora ee dalka Afganistan bishii December 2001-dii. Sida ay sheegeen xogaha sirdoonku waxa uu markaa kadib muddo yar joogay Gobolka Waziristan ee qabaa’ilku ku xooggan yihiin dalka Pakistan, ka hor inta aannu u guurin dooxada Waqooyi ee Swat oo muddo dhawr bilood ah ay ku wehelinayeen ilaaladiisa oo kala ahaa Ibraahim iyo Abrar al-Kuwaiti.

Intii uu Osama joogay dooxada Swat waxa la weriyey inuu sannadkii 2003-dii la kulmay Khalid Sheekh Moxammed oo ku eedaysan inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii 11-kii September al-Qaacida ku qaaday Maraykanka. Hase ahaatee, bil kadib Khalid waxa lagu qabtay magaalada Rawalpindi hawlgal ay si wadajir ah u qaadeen Maraykanka iyo Pakistan, kaas oo keenay in Bin Laden ka baxsado degaanka Swat, waxaannu u guuray magaalada Haripur oo ku taal dhinaca Waqooyi ee Pakistan, halkaas oo degay guri kiro ah isaga oo ay wehelinayeen laba ka mid ah xaasaskiisii iyo qaar ka mid ah carruurta uu dhalay iyo kuwa uu awoow u yahay muddo laba sanno ah ilaa 2005-tii.

Bishii August ee sannadkii 2005-tii waxa Osama Bin Laden iyo qoysaskiisu u guureen guri si gaar ah loo dhisay oo ku yaal tuulada Abbottabad oo ay saldhig wayn ay ku leeyihiin ciidammada millaterigu, taas oo 85km ka baxsan caasimadda Islamabad ee Pakistan, waxaannu deganaa muddo lix sanno ah ilaa lagu dilay hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Maraykan ahi bishii May 2011-kii.

Waxa kale oo warbixintu sheegtay in xad-gudubka madaxbaannida Pakistan ee Maraykanku sameeyey kadib markii uu weerar aannu dawladda Pakistan kala tashan ku dilay Osama Bin Laden ay u ogolaatay qiimayn khaldan oo aan waqtigeedii joogin oo lagu aasaasay siyaasadda nidaamka difaaca ee dalka Pakistan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *