Hargeysa(ANN)Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) ayaa maanta soo saaray go’aamo shaqadii lagaga eryay

 

Agaasimihii Telefishanka qaranka iyo Gudoomiyihii Wargeyska ku hadla Afka dawlada ee Dawan, isla markaana si ku meelgaadh ah xilalkii ay hayeen loogu magcaabay masuuliyiin kale.
Go’aamada ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu dardar-gelinayo hawlaha wasaaraddaa.

Sidaana waxa uu wasiirku ku sheegay war-saxaafadeed dheer oo uu maanta soo saaray, kaas oo u dhignaa sidan:-

Go’aammo wasaaradeed

Anniga oo ah wasiirka wasaarada war faafinta iyo wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ahna afhayeenka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland, waxaan halkan ku soo saarayaa go’aamo maamul oo daaran dar-dar gelinta hawlaha wasaarada war faafinta qaybo ka mid ah.

Waxa kale oo aan go’aamadan aanu soo saarnay uga gol leenahay in aanu hawada iyo saaxadaba ka saarno hadal haynta dami wayday ee lagu saydhinaayo wasaaradda war faafinta oo ka mid ah hormoodka hay’adaha jamhuuriyada Somaliland, ee uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dadaal iyo duunyo badanba geliyay, mana suurtawdo in guulihii xukuumaddan dadaashay loo bedelo guul darooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan ma-kas aan dal iyo dadba muraad ka lahayni.

Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro- ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha wasaaraddan:
Go’aammada wasiirka:-
1. Xasan Maxamed Maxamuud: Agaasimaha waaxda maamulka iyo TV-ga Qaranka:
Soddonkii bishii Julaay 2012-kii ayaa hanti-dhawr ku waa-bariistay wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland hawl-galkaas oo dhaliyay in saldhiga Koodbuur lagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii waxay gashay xeer ilaalinta iyo maxkamada oo Xasan Maxamed Maxamuud ku sii daysay dammiin.
Intaa ka dib war qad u qoran sidii taararkii hore ayuu hanti-dhawrku noo soo qoray, taasi oo ay ku sheegeen:
. tirade lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay.
. iyo in aanu hawshiisii geli Karin ilaa ay baadhistu dhamaanayso.
Xasan Maxamed Maxamuud xerada wasaaradda warfaafinta in uu soo galo wax fal danbiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aanu wax hawl ah qaban ilaa inta ay baadhistu dhamaanayso. Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taala ma aha. Waa hawl u taala hanta-dhawrka iyo garsoorka Somaliland, waxaana lagu camal fali doonaa wixii go’aamo ah ee ka soo baxa.

Haddaba maa-daamma ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee wasaaradduna u xannibnaan Karin waxaan si-ku-meel-gaadh ah ugu magacaabayaa:
1: Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha waaxda maamulka ee idaacada Radio Hargaysa.
2: Xuseen C/laahi Deeqsi oo ahaa madaxa barnaamijyada ee TV-ga qaranka, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga qaranka Somaliland.

3: Cumar Maxamed Faarax oo ahaa tafaftiraha wargeyska Dawan, waxaan u magacaabay guddoomiyaha Dawan Media Group.

Anniga oo hawshoodii hore ee ay soo qabteen uga mahad celinaya, waxaan si naxariis leh oo weliba dabacsan uga codsanayaa madaxdii xilalkaa hore haysay in ay madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wareejiyaan, iyaga oo mahad san ugu danbayn 1-da bisha September 2012-ka.
Waxaa xilalkaa kala wareejintooda u xil saaran in ay fuliyaan guddida hoos ku qoran:
1. C/rashiid Jibriil Yuusuf: Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta.
2. Siciid Aadan Cigge:Agaasimaha Radio Hargaysa.
3. Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan: Agaasimaha Waaxda qorshaynta.

FIIRO GAAR AH:

Baahida jirta awgeed, ku simaha agaasimaha waaxda maaliyada iyo xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxuu hawshiisa bilaabayaa berito oo ay bishu tahay 28-ka ogosto 2012, haddii Eebe idmo.

Gobonimo dadkaa muddan, Galladana Allaa iska leh.” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalka wasiirka ayaa soo baxay kadib markii khilaaf iyo muran mudooyinii u danbeeyay ka taagnaa wasaaradda oo sababay inuu soo galo Hanti-dhawrka guud, kaas oo xabsiga u taxaabay bishii hore Agaasimihii xisaabaadka ee Telefishanka oo xadhigiisu muran siyaasadeed ka abuuray wasaaradda, balse damiin lagu soo daayay Markii ay soo dhexgashay Madaxtooyadu, taas oo wasiirku ku adkaystay in qaybaha wasaaradda ee kale uu galo hanti-dhawrku. haddii kale ay taasi noqonay mid lagu waxyeelaynayo sumcadiisa, isla markaana aanay xaq ahayn in hanti-dhawrku u gacandhaafo shaqaalihiisa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *