Muqdisho(ANN)Baarlamaanka Somalia ee cusub, ayaa gudoomiye u doortay Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. kadib loolan adag oo maanta ka dhacay magaalada

 

Muqdisho fadhi mudanayaashu ku dooranayeen gudoomiye. Prof.Jawaari ayaa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka ee afarta sano ee soo socota. kadib markii siihayaha xilka guddoomiyuhu ku dhawaaqay in uu ku guulaystay tartanka Prof Jawaari ayaa xilka loogu dhawaaqay kadib markii Dr. Cali Khaliif Galaydh uu sheegay in uu ka tanaasulay tartanka.
waxaa wareegii koobaad ee doorashada mushariixntii u tartameysay doorashada ayaa waxaa codka ugu badan helay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo helay 119 cod Cali Khaliif Galeyr ayaa sidoo kale helay 77  Cod, waxaana Cabdi Xaanshi uu helay 23 Cod, C/rashiid Xidig uu ku guuleystay 10 Cod ugu dambeyntiina waxaa shan cod helay musharaxii kale.

wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa iskugu soo haray afar musharax waxaana uu guddoomiyaha baarlamanka ee KMG ah oo shir guddoominayay shirka uu goobta ka sheegay in afarta musharax ay u tarmanaan doorashada iyadoo labada musharax ee kala ah c/rashiid Xidig iyo Xasan Abshir ay u tanaasuleen labada musharax ee ku jirta kaalimaha koowaad iyo labaad.

guddoomiyaha KMG ah ee baarlamanka ayaa mar kale ku celiyay in labada musharax ee kala ah Cali Khaliif Galeyr iyo Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay u tartamaan xilka guddoomiyaha Baarlamanka, waxaana ugu dambeentii goobta ka hadlay Dr Cali Khaliif Galeyr oo tibaaxay in uu u tanaasul Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamanka.

Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa uga mahad celiyay mudaneyaasha baarlamanka ee siiyay codkooda waxa uuna carabka ku dhuftay in guddoomiyaha Baarlamanka ee Kumeel gaarka ah uu sii wado doorashada ku xigeenada guddoomiyaha baarlamanaka waxaana haatan xubnaha baarlamanka ay ku howlanyihiin codeynta ku xigeenada guddoomiyaha baarlamanka.
Doorashada guddoomiyaha baarlamanka, waxa ka qaybgalay maas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka iyo mudanyaal kor u dhaafaya 237 mudane.

mas’uuliyiinta ka socotay beesha caalamka waxa ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, safiirada dowladaha Jabuuti, Turkiga wakiilo ka socday jaamacada Carabta iyo qaar ka mid ah saxiixayaasha Road-mapka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *