-
Published On: Mon, Aug 27th, 2012

Eng. Maxamed Xaashi Oo Sheegay In Baasaboorka Somalia Lagu Bixiyo Xafiisyo Ka Furan Magaalooyinka Somaliland, Kana Hadlay Arrimo Xaasaasi Ah

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi,ayaa sheegay  inay magaalooyinka

 Somaliland ka furan yihiin xafiisyo lagu iibiyo baasaaboorka Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid

waxyeelo  weyn ku ah  jiritaanka iyo gooni-isu-taaga qaranimada
Somaliland.
Eng. Maxamed Xaashi Cilm waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu xalay ka
soo saaray magaalada Hargeysa, kaasoo uu kaga hadlay qodobo badan oo
la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, siyaasadda arrimaha dibedda,
wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, heshiishkii xukuumaddu la
gashay guddoomiyihii SSC Saleebaan Xaglo-toosiye, isagoo  sidoo kalena
madaxdii Somaliland isaga kala dambaysay ilaa sannadkii 1991kii ku
eedeeyey inay awoodi waaweeyn sidii loo ururin lahaa lafaha dadkii
reer Somaliland ee dawladdii Siyaad Bare xasuuqday oo roobabku soo
saaraan lafohooda.
Qoraalka Eng. Maxamed Xaashi Cilmi kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo
kale, ayaa u qornaa sidan;
I. Waxa isweydiin leh, waxa Jamhuuriyadda Somaliland loo aqoonsan
waayey 22 sannadood?
Maxaa iyana keenay, in Madaxda Soomaaliya iyo dad badan oo iyaga ka
mid ihi si fudud oo dhayalsi ku jiro uga hadlaan, la soo noqoshadii
xorriyaddeenii lixdankii? Arrimaha kor ku xusan waxa sabab u ah,
Madaxda JSL ee 1991kii ilaa wakhtigan xaadirkaa, oo tahli waayey ama
aan garan ba inay soo:-
1. Ururiyaan lafaha dadka la xasuuqay oo ay ku jiraan lafaha
muwaadiniintii reer Somaliland ee lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee
Muqdisho oo si sharaf leh loogu aaso xabaalo u gaar ah oo lagu qoro:
• Magaca qofka
• Da’da
• Raggii Ciidammada Qaranka ahaa ee laga soo ururiyay xeryahoodii ama
rayidka ahaa..
• Si dadweynaha Caalamka iyo dhanga-gaalaha Soomaaliya u arkaan waxa
loo geystay ummaddan Somaliland
2. Waxa intaa dheeraa oo ay ahayd in la diiwaangeliyo burburkii iyo
dilkii ay geysteen diyaaradihii ka kacayay Madaarka Hargeysa ee
garaacayay magaalada.
3. Madaafiicdii iyo tankiyadii dilka iyo burburka geystay.
4. Sidoo kale, dhicii iyo boobkii ay Soomaali u dhameyd ee
magaalooyinkii iyo tulayaashi iyaga oo buuxa laga qaxay ay u gurteen.
Dadkaas oo aynu wali ugu yeedhno “walaa-ladeen”. Taas oo iyana ahayd
in la diiwaangeliyo.
5. Waxa iyana barbar socotay waxyeelo kale oo ahayd xadhig aan sabab
laheyn oo lagu doonayo madaxfurasho lacagadeed.
6. Waxa isna jirey xadhig muddo-gaaban iyo mid dheer ah oo aan isna
sabab lahayn oo la yidhaa “Kacaan Diid”.
Waxa haddaba, maanta haboon; in Guddiyo Xukuumaddu u saarto arrimahan
kor ku xusan oo dhan, si xog buuxda loo helo oo caalamka la hordhigo.
II. Waxa iyana baryahan dambe, isa soo tarayey majare-habow
siyaasadeed oo dhaawac ku ah, gooni isutaagii iyo madaxbannaanidi
Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa ay si weyn arrimahani u soo ifbaxeen, Shirkii London iyo kuwii ka
dambeeyey.
1. Jamhuuriyadda Somaliland laguma aqoonsanayn shirarkaas. Waxa ay
ahaayeen kuwo Soomaaliya lagu heshiisiinayo ama waxa ay ugu yeedhaan
Road Map.
2. Waxase hubaal ah in madaxda dawladda ku-meelgaadhka ah (TFG) si
weyn uga faa’iiday shirarkaas. Waxa ay caalamkii gashadeen in wada
hadal iyo heshiis u socdaan Soomaaliya iyo Somaliland.
3. Shirarkaas dawladdeenu lagashay TFG. Waxa ay fogeyeen yididiiladii
aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Jiritaankii Somaliland-na wey
dhaawacday.
4. Dastuurka cusub ee Soomaaliya wuxu isna qorayaa in Somaliland
qeybka tahaya Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda
Somaliland wuxuu ku hambalyeeyey madaxda Soomaaliya ansixinta
Dastuurkaa qoraya inaynu qaybka nahay. Waxa isweydiin leh. Maxay
xukuumaddu ka tidhi, arrintaas. Waana arrin ka soo horjeeda Dastuurka
JSL ee lagu ansixiyay 97% afti ah, iyo halgankii maal iyo ruux ba loo
huray.
5. Waxa la sheegay in dawlado-shisheeya xaffiis (office) ka furanayaan
magaalo-madaxda Hargeysa. Haddii ay yihiin “Consulate”, (qunsuliyad)
ma aha in Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka aqbasho.
Waa arrin ka dhigan in Somaliland tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.
6. Baasaaboorka Soomaaliya ee aan qarsoodiga ahayn ee xaffiisyadu uga
furan yihiin magaalooyinkeen ee lagu iibinayo, miyeyna ahayn
dabacsanaan waxyeelo ku ah jiritaan iyo goni-isutagga JSL. Wasaaradda
Arimaha Gudahu ma waxay ogolaatay laba xafiis socdaal (Immigration
Office.) Maxaynu u sameyasan-wayney e-Passport. Sannad qudha ayuu isku
soo celin lahaa.
III. Arrimaha ay tahay in xukuumaddu meel adag –iska taagto. Waxa ka mid ah:
1. Ambassador Mahiga oo ah Ergeyga Khaaska ah ee Qaramada Midoobay u
Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayeynu u aqbalnay inayn kula shaqeyno
sidii oo aynu qayb kanahay Soomaaliyada uu u xilsaaran yahay.
2. Hay’addaha UN ka ee ku yimaad ama ku jooga magaca Soomaaliya ee
inoola dhaqama in aynu Soomaaliya qayb ka nahay ma aha inay dalka
joogaan, Xukuumadduna ka aqbasho sidaas.
3. Arrimahani iyana waxay ka soo horjeedaan Dastuurka Qaranka iyo
go’aankii Burco ee 18 May 1991.
IV. In nabadda la raadiyo waa waajib, laakiin wada hadaladii –
“XAGLE-TOOSIYE”, Wasiiradu la galeen, waxa ka dhashay ama ka soo baxay
Dastuur jabbin iyo foolxumo aan qiyaas laheyn.
Shuruudaha ay ka aqbashay Xukuumaddu:-
• In uu la shiro oo qudha, Wasiiro ka soo jeeda Beesha Dhexe, isagoo u
la jeeda inuu muujiyo in Beeshaa oo qudha wax ka dhexeeyaan kuna
duraya beelaha kale ee Somaliland.
• In Ciidamada Qaranka laga soo raro deegaanka uu sheeganayo.
• In maxaabiista loo sii dayo
• Haddana markuu noqday, waxa ay reer Buu-hoodle ku qaabilen “calankii Somalia”
• Dhulkii Ciidanka Qaranka laga soo rareyna waxa laga taagey calankii Somalia.
V. Maxaa markaa laga kasbay “Xagle-Toosiye” ee aan khasaare ahayn?
1. Waxa lagu gafay gebi ahaan beelihii kale ee reer Somaliland.
2. Madaxdii Reer Sool iyo Sanaag-Bari oo iyana aanla qadarin, oo
“Xagle-Toosiye” Xukuumada kala miisaan weynaaday.
3. In guud ahaan ba uur-xumo iyo qaybsanaan ka dhalato socodkisii.
4. In Dastuurka la jabiyo, oolaga aqbalo XAGLE TOOSIYE in Ciidankii
Qaranka laga dhigo, qaar aan Dalkoodii joogin ama degenayn oo laga soo
raro.
5. In arrimahani yihiinguud ahaanba Dastuurkii Qaranka oo la baalmaray.
VI. Waxa iyana yaab leh waxaas oo arrimo ah oo aan soo sheegnay ee lid
ku ah jiritaanka Somaliland ee baalmarsan Dastuuka Qaranka ay uga
aamuseen:
1. Labada gole ee Baarlamaanka ee u xilsaaran ilaalinta madaxbanaanida
Somaliland iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.
2. Madaxda iyo Murrashaxiinta Ururada iyo Xisbiyada oo u dhaqmaya
sidii oo ayna arimahani iyaga khusayn ba
3. Sido kale Culama-adiin, Madaxdhaqameedka iyo JSL oo iyana ka
aamusaan waxa socda marka laga reebo Sheekh Aadan Siiro.
TALO-BIXIN IYO GABO-GABO
1. In la joojiyo wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland inta ay
Soomaaliya ka gaadhayso madax ay dadweynuhu soo doortay, oo dadka iyo
dalka matileysa, oo talo ka go’do.
2. Waxa laga wada hadlayaa waa inuu cadaadaa oo qeexnaadaa. Sida
Hantida ma guurtada ah (daarihii safaradaha ee Somali Republic) iyo
wixii lacag ah ee yaalla Baananka Adduunka, haddii ay jiraan.
3. In aan dawladdu aqbalin cid dalka JSL timaada ama ku degta shacrci la aan.
4. Xaaladaha Soomaaliya ka taagani, waxa ay ina farayaan, isku
duubnaan dadka Somaliland iyo talo mideysan.
5. Taas oo ka iman karta oo qudha, in xukuumaddu ku dhaqanto: sharciga
dalka iyo Dastuurka Qaranka sida qodobada soo socdaa qeexayaan.
QODOBKA 1
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka
qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska kuna biiray Soomaaliya
1dii July 1960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya
(Somali Republic), ee kula soo noqday gooni isu-taagiisa Go’aankii
Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May 1991kii,
waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurka, dal madax
bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaban
“Jamhuuriyadda Somaliland”.
2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga wuxuuna u
adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.
QODOBKA 2AAD
DALKA JAMHUURIYADA SOMALILAND
1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ahaana dalkii la odhan jirey
Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8°
ilaa 11° 30’ iyo loolka (Longititude) 42° 45’ ilaa 49° Bariga….
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi
Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo
dhinaca Galbeed Itoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda
Jabuuti
3. Dhulka Qaranka waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan,” ayuu Eng.
Maxamed Xaashi Cilmi ku yidhi qoraalkiisa.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>