Hargeysa(ANN)Kulan ku saabsan qaabka wax looga qabanayo shaqo la’aanta ka taagan Somaliland, isla markaana  loo samayn lahaa shaqo abuuris ee loo tayayn  lahaa shaqada iyo shaqalaha  ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor. Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada

Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac ayaa furitaanka kulankaa ka hadal kooban ka jeedisay  ayaa ka warantay ujeedada kulanka iyo ahmiyada uu bulshada u leeyahay, iyadoo ka qayb galayaasha ku boorisay inay lagama maarmaan tahay ka midho dhalinta ujeedada kulnkaa. “Marka hore dhamaantiin waad salaaman tihiin waxaanan idiinka mahadnaqayaa sida fiican ee aad uga soo qayb gasheen aqoon isweydaarsigan, waxaana dhamaanteen la inooga baahan yahay in muddada aqoon isweydaarsigani uu socdo oo ah saddex maalmood in aad u dhabar adaygtaan.”  Ayay tidhi Marwo Ilhaan.

“waxan u mahad celinayaa Ha’yada ILO oo qorshahan la doonayo in xal loogu helo shaqo la’aanta haysata Bulshada Somaliland nagala qayb qaadanay, iyadoo la doonayo inay Kulanka kasoo baxaan waxyaabo xal u noqda mushilada shaqo la’aanta iyo qaabkii shaqo loo abuuri lahaa, iyadoo laynaga sugayo qaabkii xal loogu heli lahaa mushkiladaa. Shaqo la’aanta dalka haddii aanu nahay xisbiga Kulmiye waxay ka mid ahayd waxyaabihii aanu balanqaadnay xiligii kaanbeynka, markaa kulankani wuxuu qayb ka yahay sidii wax looga qaban lahaa mushkilada shaqo la’aanta”. Sidaa waxa tidhi Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ka hadlaysay kulankaa.
  
Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac waxa ay  sheegtay in wasaaradeedu ku foogan tahay sidii ay Somaliland dhalinyaradeeda oo ay dishootay camal la’aan baahsani ugu abuuri  lahayd shaqooyin, isla markaana ay ku rajo weyn tahay ka midho dhalinta arintaa.
 
 
“Runtii kulankeenan waxa aynu kaga wada hadli doonaa sidii aynu uga isula meel dhigi lahayn sida ugu fiican ee aynu umadeena shaqo ugu abuuri lahayn, waxa ay wasaaradani ka shaqayn doontaa sidii ay dhalinyarada tirada badan ee tuban suuqyada shaqo abuuris ugu samayn lahayd iyada oo la kaashanaysa cidii ay khusayso” ayay tidhi wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshadu.
 sidoo kale Marwo Ilhaan waxay sheegtay in Xeerkii shaqaalaha oo golaha wakiiladu ansixiyay loo baahan yahay in dib loogu celiyo golaha , kaas oo ay saluug ka muujisay.

 
Mr. Paul Crook oo Madaxa xafiiska ILO ee Somaliland iyo Somalia ayaa hadal uu ka jeediyay furitaankii kulankaa ka sheegay sida ay diyaar ugu tahay Ha’yada ILO in wax looga qabto shaqo la’aanta iyo daryeelka shaqaalaha. Sidaa awgeed wuxuu xusay inay door mihiim ah ka qaadanayaan ka midha dhalinta arrimahaa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay garab istaagaan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada oo uu ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh hawlaha shaqo abuurista, habaynta   iyo daryeelka shaqaalaha.
 
 
Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Baashe Yuusuf Axmed, oo ka hadlay furitaankii kulanka ayaa  sheegay in loo baahan yahay in mar walba laga fekero sidii dhalinyarada iyo xooga dalka Somaliland  shaqooyin loogu abuuri lahaa, isagoo yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aad soo ajiibteen yeedhmadayadii, waxaana la inooga baahan yahay dhamaanteenba in inta uu kulanku socdo   aynu u samirno wakhtiga dheer.
Waxa la inooga baahan yahay in aynu ka fekerno sidii aynu shaqo abuuris u samayn lahayn, waxaana saddexda sanno ee soo socota uu qorshuhu yahay in ay ha’yada ILO oo mashruucan iyadu inoo fulisay ay inaga taageerto”: ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland.

Kulankaa waxa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Hay’ada NDC Jamaal Caydiid, wakiilo ka socaday shirakadaha ganacsiga, Ururada bulshada iyo wasaaraddaha xukuumadda Somaliland, waxaana mudada uu socdo lagaga doodi doonaa sidii looga midho dhalin lahaa barnaamij iyo qorshe la doonayo in wax lagaga qabto shaqo la’aanta ka jirta dalka ee ku habsatay  dhalinyaradaiyo sidii loo wanaajin lahaa shaqada. Kulankaa ayaa  daba socday Kulan hore oo la qabtay May 2009, kasoo ujeedadiisu ahayd shaqo abuurista iyo habaynta shaqaalaha, dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn. 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *