JigJiga(ANN)Garabka jabhada ONLF ee dhowaan heshiiska la galay Dawlada Ethopia  ee mudada dheer dagaalku u dhexeeyay ayaa markii ugu horaysay shirweyne ku saabsan hawlaha hashiiska nabadu uga furmay gudaha dalka Ethopia, gaar ahaan

 deegaanka Kililka shanaad ee soomaalida.
Shirkaa oo si weyn loo agaasimay ayaa warar ka imanaya gudaha dalka Ethopia sheegayaan in lagu qabtay  tuulada Geeri-go’an oo ka tirsan deegaanka Nogob ee Ismaamulka Soomaalida Ethopia.
 Shirkaa ayaa lagu sheegay shirweynihii sadexaad ee jabhada ONLF ku qabato dalka gudihiisa taariikhada tan iyo intii ay dagaalka kula jirtay dawlada Federaalka ah, iyadoo hore loogu qaban jiray dalka debediisa
Shirkaa oo socday mudo laba maalmood ah, waxaa ka  qayb galay madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Abdi Maxamed Cumar, Guddoomiyaha Xisbiga haya talada ee ismaamumulka Kililka shanaad Abdifataax Sh. Abdullaahi, iyadoo dhinaca ONLF masuuliyiinta ka qayb galay ay hogaaminayeen  Enj. Saalaxdiin Abdiraxman Mocow iyo Gudoomiye ku xigeenka ONLIF Abdirashiid Shariif. Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay  wafti balaadhan oo ka kala yimi dalalka Mareykanka, Canada, Yurub, Carabta, South Africa iyo Kenya.

 

Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay inay ahayd  sidii  looga hadli lahaa  geedi socodka dhinaca nabada iyo heshiiska lala galay dawlada federaalka Ethopia iyo sidoo kale marxaladaha Ururka uu marayo waqtigan.  Sida ay sheegayaan wararka ka laga helay shirkaa ayaa  mudadii uu socday waxay ka qaybgalayaashu  isla qaateen saddex qodob oo mihiim ah, kuwaas oo kala ah,  in  dib loo ansixiyay inay howsha sii wadaan guddida hadda xilka haysa. in laga wada shaqeeyo nabadda dhamaan xubnaha ururka iyo taageerayaasha dal iyo dibadba iyo in la dhameystiro heshiiska hadda socda ee u socda Ururka iyo dawlada Ethopia, si looga midha dhaliyo heshiiskaa iyo wada hadalada mudada soo socday.
Madaxweynaha dowladda Deegaanka Soomaalida mudane Cabdi Maxamed Cumar ayaa markii uu dhamaaday shirku booqday  Dugsiga  hoose dhexe ee Geeri-go’an iyo ceelka biyaha laga cabo, wuxuuna halkaa kula kulamay dadweynihii deegaanka oo danaynay nabada.
Booqashada Madaxweyne Cabdi ayaa ah tii ugu horaysay ee madaxweyne  Kililka shanaad ee Soomaalida Ethopia ku tago halkaa booqda Geeri-go’an intii madaxweyne soo maray Kililka shanaad, waxayna isaga  Madaxweynaha Kililka shanaad iyo Enj. Macow oo hogaaminayay dhinaca ONLF Ceelka ku yaala halkaa wada shubeen wadaanta biyaha, taas oo ay ujeedadeedu ahayd inay shacbiga u muujiyaan nabad, isla markaana meesha uga saaraan go’aankii mar hore lagu qaatay goobtaa Geeri Go’an ee colaadda ahaa.
Heshiiska ay ONLF la gashay dawlada federaalka Ethopia ayaa la qorshaynayaa in maalmaha soo socda qalinka lagu duugo, waxaana la filayaa in xabsiyada dalka Ethopia laga sii daayo in ka badan 1000 maxbuus oo u xidhnaa siyaasad, kuwaas oo intooda badan lagu ku eedaysnaa inay ka tirsan yihiin jabhada ONLF.
Balse kooxda iyadu ku gacan saydhay heshiiskaa iyo in wax wada hadal ah lala galo Ethopia ayaa afhayeen u hadlay gebi ahaanba waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskaa iyo inuu shirkaasi ka dhacay deegaankaa, isagoo mar uu Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga oo wax ka weydiisay ku sheegay shirkaa mid aan ka dhici Karin deegaankaa, isla markaana uu yahay borobagaando ay Ethopia samaysay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *