Wasiirka MadaxtooyaddaSomaliland Xirsi  Oo Samaystay Bar Lagala Xidhiidhayo Oo Dhinaca Internetka Ah Iyo Su’aalaha Ka DhashayHargeysa(Arraweelo News) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ka mid ah Wasiiradda ugu awooda badan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa samaystay Bar dhinaca Internetka ah oo ay muwaadiniintu kala xidhiidhi karan.

 

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo xalay Madaxtooyadda Somaliland kasoo baxay, kaas oo lagu sheegay in Wasiir Xirsi diyaar u yahay in ay muwaadiniinta jecel inay wax weydiiyaan kala xidhiidhi karaan halkaa.

Wasiirka Madaxtooyadda  oo Barta uu samaystay ugu magacdaray www.guusha.com, wuxuu noqonaya Masuulkii u horeeyay ee samaysta bar lagala xidhiidhoi, taas oo dhaqamada masuuliyiinta Somaliland aan hore looga looga baran, iyadoo talaabooyinka noocan oo kale inta badan ay isticmaalaan madaxda dunida hore u martay ee dalalkooda lagaga dhaqmo nidaamka dumuqraadiyada, kuwaas oo diyaar u noqda inay ka jawaabaan su’aalaha kaga yimaada muwaadiniinta.

Hase yeeshee bulshada Somaliland oo in yar oo ka mid ah ay isticmaalaan internetka ama ay awood u leeyihiin inay helaan adeega internetka, way adagtahay inay helaan fursad ay wax ku weydiiyaan, marka laga reebo tirooyin aan iyaguna sidaa u badnayn oo ka mid ah qurbajooga Somaliland. Sidoo kale waaxa xusid mudan in in aanay  qaybo badan oo bulshada ka mid ahi si fahamsanayn qaabka iyo anshaxa su’aasha uu xaq ugu leeyahay qofka masuulka ah inuu weydiiyo iyo qaabka uu u waafajinayo anshaxa iyo axlaaqiyaadka, isagoo aan ka baydhin waajibkiisa muwaadinimo iyo maslaxada iyo danta caamka ah oo aanay ku jirin dan gaar ah iyo ujeedo koox iyo cid gaar ah  oo aanay xidhiidh la lahayn su’aashiisu.

Dhinaca kale  waxay  dad badani is weydiin karaan Wasiirka Madaxtooyadda Soamliland  Xirsi Xaaji Cali ma ka jawaabi doona Su’aalaha iyo tabashooyinka kaga iman kara dalabkiisa, muxuuse ka qaban doonaa, maadaama uu yahay wasiirka ugu awooda badan xukuumadda ee haya hawsha ugu balaadhan ee Madaxtooyada iyo xafiiska Madaxweynaha,  isla markaana lagu tilmaamo shaqsi karti badan oo dhinaca xidhiidhka bulshada ku wanaagsan, marka loo eego xubnaha kale ee kooxda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Arrimahaa iyo kuwo kale oo badan ayaa ka mid ah weydiimaha ka dhashay Bogga cusub ee uu furtay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xisri Xaaji Cali, balse waxaynu u dhaafi doonaa jawaabaha muwaadiniinta Somaliland.

Si hadaba aad u ogaato bogga wasiirka Madaxtooyadda Xirsi ee uu ugu magacdaray  Guusha Guji Link-gan hoose si aad wax uga oggaato.      http://www.guusha.com/

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *