Madaxweyne Silanyo oo ka qaybgalay aaska marxuum axmed weyeneHargeysa(Araweelo News Network) Alle ha u naxariistee waxa xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne) oo ka tirsanaa Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee kasoo baxay xisbiga Kulmiye.

 

 

Marxuumka oo maanta aas qaran loogu sameeyay Xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Shirgudoonka Golayaasha Baarlamaanka, Gudoomiyayaasha Axsaabta Qaranka, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Mudanayaasha labada gole iyo boqolaal qof oo ka mid ah Bulshada Magaalada Hargeysa.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Geerida Marxuumka ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Xildhibaanku ragga ugu mawqif adag golaha wakiiladda, isla markaana uu kaalin weyn ku lahaa guushii isbedelka Xisbiga Kulmiye ku hantay doorashadii 26 Jun 2010 ee Madaxtooyadda, wuxuuna xusay in ahaa halyey ka baxay qaranka oo la xusuusan doono, isagoo tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, Ehelkii, golayaasha qaranka iyo Bulshada Somaliland ee uu kaq baxay Marxuumku oo uu Illaahay uga baryayay inuu samir iyo Iimaan ka siiyo Marxuumkana illaahay jannadii fardawsa ka waraabiyo.

 

Sidoo kale waxa Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo xubno kale oo ka mid ah masuuliyiinta qaranka ayaa hadalo ay ka jeediyeen halkaa, ka sheegay kaalintii iyo doorkii Marxuumku ku lahaa halgankii iyo dib u dhsikii dalka.

waxayna Illaahay uga baryeen inuu naxariistii jana fardawsa ka waraabiyo qoyskii, ehelkii iyo bulshada Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

 

ALLE ha u naxariistee waxa Marxuumka ayaa xalay ku geeriyooday Cisbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa wax yar ka dib markii la geeyay, waxaana maanta si heer qaran ah loogu aasay doonaa Xabaalaha Xeedho ee Magaaladda Hargeysa.

 

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa labaatankii Xildhibaan ee laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex doorashadii Baarlamaanka ee dalka ka dhacday 29-kii Bishii September 2005-kii, waxaanu ahaa Xildhibaankii ugu codka badnaa Mudaneyaashii Golaha Wakiiladda ee gobolka Maroodi-jeex.

 

Xildhibaan Axmed  waxa uu ka mid ahaa  xubnaha ugu magaca weynaa Golaha Wakiiladda xiligii dawladii Rayaale ee kulmiye ku jiray halganka mucaaradada uu doonayay inuu xukunka kala wareego xukuumaddii Daahir Rayaale.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, Golaha Wakiiladda iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuumku.

 

Madaxweynuhu waxa uu ILAAHAY uga baryay Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Sidoo  kale waxa tacsi tan la mid ah u diray qoyskiisii iyo shacbiga Somaliland-ba Shirgudoonka labada aqal ee Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiiladda, waxaanay Marxuum- Axmed Ibraahim Daahir ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysiisii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

sidoo kale weriyayayaasha iyo hawlwadeenada shebekkaddaha araweelonews.com iyo arraweelo.com waxay iyagoo ka tiiraanyaysan u dirayaan qoyskii, qaraabadii, eheladii, Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland geerida ku timi Marxuum Axmed Weyne.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *