Muuse-Biixi-AbdiHargeysa(ANN)Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaabay kulul ka bixiyay weedho kasoo yeedhay masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, kuwaas oo si weyn u dhaliilay siyaasada Arimaha Gudaha iyo debeda ee Xukuumada

 

Madaxweyne siilaanyo, taas Gudoomiyaha kulmiye waxba kama jiraan ka dhigay.

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidaa ku sheegay khudbad uu ka jeediyey munaasibad ay ku midoobeen xisbiga kulmiye iyo Urur siyaasadeedkii hadhay ee Dalsan, wuxuuna Muuse Biixi oo ka hadlaya arrimahaa yidhi,  “Xisbiga Wadani shirkii jaraa’id ee ugu Horeeyey ee mucaaridnimo ee ay qabtaan waxay yidhaahdeen umada somaliyeed mugdi baa kaga jira Garana mayno wixii madaxweynuhu u baxay waxaanu leenahay xisbiga Wadani madaxweynuhu wuxuu u baxay xilkii loo doortay ee ay umada Reer Somaliland U dooratay oo ah inuu Qarankan Hawlihiisa wax kasoo qabto Oo uu Caalamka kala soo xidhiidho sidaa awgeed wuxuu dhaliishaa ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo xaqiiqda ka fog.

Sidaa awgeed aanu mustaqbalka siyaasada xukuumadda ee arrimaha debedu ahayn mid mugdi ku jirta, balse waxa uu sheegay inay dhaliisha Xisbiga Wadani u muuqato mid u badheedhay, iyagoo leh ayuu yidhi,  “Waddani dhaliishiisu waxay u muuqataa mid ay ugu sheegayaan maraykanka iyo ingiriiska oo ay leeyihiin madaxweynaha anagu kuma kalsoonin hadaanu wadani nahay oo nama matalo ayay xanbaarsanayd fariinta ay dirayeen, taasina milgihii qaranimo maaha” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Xisbiga KULIYE Muuse Biixi, wuxuu  sidoo kale wuxuu sheegay  inaanay Jirin wax xidhiidha oo ka dhexeeya Xamar iyo xukuumadda, ama xisbigooda Kulmiye, balse Xisbiga Waddani uu yahay ka xidhiidhka la leh Madaxda Somalia, isagoo arimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Wadani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa iyo dadka uu hogaamiyo toona lagu tuhmi maayo Xamar, Balse Xisbiga Waddani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa midna ma yaqaano Telephonka maxkamada sare ee Xamar iyo ka Ismaaciil Buubaa oo habeenkii lama sheekaysano markaa Xantaasi anaka nama qabato”. ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye, wuxuuna ugu baaqay Bushada oo ku dardaaray  inay  danta qaranka u midoobaan, isla markaana aanay dheg u dhigin wararka dacaayada ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay hadal kasoo yeedhay Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Xaqsoor ee hadhay Muj. Xasan Ciise Jaamac, kaas  oo  qurbo-jooga ku booriyay inaanay Madaxweynaha Somaliland London kaga mudaharaadin ee ay soo dhoweeyaan.
Gudoomiyaha Kulmiye oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi,  “Ta koowaad warsaxaafadeedka uu soo saary mujaahid Xasan Ciise Guddoomiyaha Xaqsoor oo uu kula hadlaayo qurbo jooga dibadda oo uu leeyahay wixii aanu tabanayno cadaaladda ayaan u maraynaaye’ mudaharaad yaynaan cadowga ka farxinin oo uu qurbo jooga kula dardaarmayo aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa. waa waayeelnimadii iyo bisaylkii siyaasadeed iyo laxo jecladii laga filaayay Xasan Ciise Xaqsoor iyo inta taageerta,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *