Xirsi1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta dib ugu soo laabtay. Kadib markii uu safar shaqo  iyo hawlo gaar ah ugu

 

maqnaa dalka ingiriiska dhawr todobaad.
Wasiir Xirsi oo kasoo degay Madaarka Cigaal International Airport ee Magaaladda Hargeysa., waxa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaarka xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, xildhibaano, Salaadiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qolka nasashada kula hadlay warbaahinta, wuxuuna sharaxaad kooban ka bixyayujeedada safarkiisa, isagoo sheegay in uu si weyn uga mahad celinayo jaaliyada Somaliland ee London oo uu xusay in si diiran ay u soo dhaweeyeen , isla markaana ay door laxaad leh ka qaateen hawshii qaadhaan ururinta wadooyinka ee ay halkaasi u tageen.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in reer London ay gudida qaadhaan ururinta wadooyinka ku wareejiyeen deeq lacageed oo kala ah 157,000 oo giniga Ingiriiska ah iyo 300,000 kun oo doolar-ka Maraykanka a,  lacagtaa s oo dadka London ku nool oo kaliya ay kaga qeyb qaadanayaan dhismaha wadooyinka dalka, waxaanu intaa ku daray in hawsha qaadhaan ururinta uu kaga yimi gudidii halkaasi ay wada tageen oo marka ay dhameeyaan qaadhaan ururinta gudaha Ingiriiska ugu sii gudbi doona dalalka kale ee yurub, isagoo  u mahad celiyay qurbo jooga dalka Britain oo kaalin mihiim ah  ka qaatay qaadhaan u ururinta waddooyinka.

Wasiir Xirsi waxa uu xusay  in dhismaha wadooyinku ay yihiin tiirarka  wadamada dunidu ay ku gaadhaan horumarka maadaama ay yihiin waxa isku xidha guud ahaan gobolada iyo dagmooyinka dalka . sidaa awgeed in kasta oo dhaqaalaheenu uu yar yahay haddana haddii lays kaashado wax kasta la qabsan karo oo ay xukuumadda ahaan ka go’an tahay dhamaystirka himilooyonka horumarinta dhammaan wadooyinka dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyadda waxa uu sheegay in uu soo dhamaystay waxbarasho jaamacadeed oo uu ku qaatay jaamacad ku taala dalka Britain.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *