Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulan Saacado Qaatay La Yeeshay Madaxda Shirkadda Genel Ee Hore Uga Baxday Somaliland Iyo Waxayaabaha Laga HadlayHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta la kulmay Madaxda shirkadda Gene loo booqasho ku yimi Somaliland. Kadib markii

 

shirkada Genel joojisay hawlihii baadhista shidaalka ee ay ka waday Somaliland.

Kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo saraakiisha kasocotay shirkadda gene loo qatay saacado  ayaa ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, isla markaana albaabadu u xidhnaayeen ayaan si dhab ah loo ogayn waxayaabaha ay kaga wada hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo shirkadda Genel.

Hase yeeshe kulankaa ka dib waxaa si wada jir ah saxaafadda ula hadlay Wasiirada wasaaradaha arrimaha debeda Maxamed Biixi iyo Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Ducaale iyo sarkaalka gogaaminayay  madaxda shirkadda GENEL ENERGY Mr Tony Haward, waxayna wada jir u sheegeen in shirkadu hawlihii ay joojisay ee  dhinaca sahaminta shidaalku ay si joogto ah dalka uga sii wadi doonto.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta  Xuseen Cabdi Ducaale oo  ka hadlay  kulankaa ayaa sheegay in wadahadaladii midho dhalka ahaa ee u socday dawladda Somaliland iyo shirkada Genel  ay guul ku soo dhamaadeen, isla markaana ay  sii ambaqaadi doonto shirkaddu fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Dhinaca kale Mr Tony Haward madaxa shirkadda GENEL ENERGY oo si kooban uga hadlay kulankaa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dib ugu soo noqoshada Somaliland, shirkaduna ay dib u bilaabi doonto hawlihii dhinaca sahaminta shidaalka ee ay ka waday dalka.

Madaxa shirkadda GENEL ENERGY waxa uu sheegay inuu aad u soo dhoweynayo is afgaradka dhexmaray shirkadiisa iyo dawladda Somaliland iyo kulanka ay maanta la yeesheen Madaxweynaha Somaliland oo uu ku tilmaamay kulan muhiim u ahaa labada dhinac.

Wasiirka wasaaradda Arimaha debadda Somaliland  Maxamed Biixi Yoonis ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Somaliland ballanqaadayso wada shaqayn buuxda oo ay la samayn doonto Shirkaddan GENEL ENERGY ee ku hawlan sahaminta shidaalka ee Somaliland, balse wasiiradda xukuumaddu ma sheegin in ay xukuumaddu saxayso khaladaadkii ka dhashay bilawgii hawshaa ee dhinaca maaraynta maamulka iyo qandaraasyada ku wajaahan hawshaa.
ino@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *