Hargyesa(Araweelo News Network)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Maanta Garoonka

Diyaaradaha ee Egal International Airport kadib markii uu kasoo laabtay socdaal uu dhawr todobaad ugu maqnaa dalka Boqortooyadda Sucuudiga.


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo warbaahinta uga waramay waxyaabaha uu kala kulamy socdaalkiisa, wuxuuna iftiimiyay guulo uu kasoo hooyay booqashadiisa oo isugu jirtay mid shaqsi oo cibaaddo ah iyo mid la xidhidhay hawlaha qaranka.

Qoraal lagu baahiyay shebekadda guusha.com oo sharaxaad ka bixinaya socdaalka wasiirka Madaxtooyadda ayaa u qornaa sidan:- “Waan ku faraxsanahay in aanu dalkayagii ku soo nabad noqonay, waxaa laga jooga muddo kooban ka dib markaan dalka ka safarnay annagoo u sii jeedna Guriga Illaahay ee Barakaysan “Xaramka”

Kadib markaanu dhamaysanay gudashada Cimradii iyo cibaadadii aanu u tegnay waxaanu gudo galnay in aanu waajibadkii dalkayaga qabano oo masuuliyada ayey caadadeeda tahay in masuulku meel uu joogaba wixii uu ka qaban karo ka qabto waajibaadka qaranka.

Sidaas darteed waxaanu bilownay in aanu ugu horayn la kulano qaar ka mida jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Boqortooyada Sucuudiga annagoo kala hadalnay ka qayb-qaadashada horumarka dalka iyo dhismaha kaabayaaha dhaqaalaha oo ay kow ka yihiin jidadku.


Waxaanu u bandhignay qaadhaankii jidka dheer ee isku xidhi doonaa Togdheer iyo Ceerigaabo, waxaa wax Illahay loogu mahadceliyo ah in ay ku qaabileen dareen waddaniyad iyo dal jacayl badan ka muuqdo isla markaana ay balan qaadeen in ay maal, maskax iyo muruqba kaga qayb-qaadan doonaan dhismaha dalka iyo jidka Ceerigaabo.

Waxa wax lagu farxo ah in ay kaga qayb-qaateen lacag dhan $260,000 “Laba Boqol iyo Lixdan kun oo doolarka Markaykanka ah” marka lagu daro ganacsato kale oo iyaguna ka qayb qaatay, waxaa kale oo jira ganacsato kale oo ka ganacsata xoolaha oo iyaguna balan qaaday in ay ka qayb-qaadan doonaan dhismaha jidkan balse aan weli nasoo gaadhin waxaanse ku niyad samahay in ay bixin doonaan Insha Allaahu.

Kadib markaanu dhamaynay kulamadii jaaliyadaha reer Somaliland ee Boqortooyada Sucuudiga waxaanu bilownay in aanu la kulano masuuliyiinta dalka Boqoortooyada Sucuudiga, illahay Fadligii waxaanu kala kulanay Amiir kamida Qoyska Boqortooyada Sucuudiga iyo wiil uu dhalay oo kala ah Amiir Cabdiraxman Binu Cabdicasiis Aalla Sucuud iyo Cabdalla Ibnu Cabdiraxman Binu Cabdicasiis oo dabcan labaduba ah laba amiir oo kamida qoyska leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga.

Ka sakow, sida sharafta iyo hab-maamuuska dawladnimo ku dheehan tahay ee ay nagu qaabileen Waxaanu u bandhignay qadiyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dal ee ku dhisan islaanimada iyo walaalnimada
Hadda odhan mayno waxaas ayaan ka sidnaa oo waa aragtidii uugu horaysay balse waxaanu u muujinay aragtida dawladeena iyo mabda’a dadkeena ee ku dhisan xaqiijinta himilada qaranka Somaliland.

Gabagabadii kulanka ayaanu u ballanay in aanu kulamo kale iskula soo noqono Insha Allah oo aanu halkaas ka sii ambaqaadno, sidoo kale waxaanu u bandhignay casuumad aanu u fidinay in ay dalkeena noogu yimaadaan oo ay nagu soo booqdaan casuumadaas oo ay runtii aad u soo dhaweeyeen.

Waad ogtihiin go’aankii uugu dambeeyey ee ay Sucuudigu soo saareen oo ahaa in ay mindaqadan maal gashadaan.isla markaana Somaliland tahay meelaha ay isha ku hayaan in ay ka hirgaliyaan mashaariicda loo yaqaano “Food Security” oo ay ka hirgashadaan dhul beereedyo ay wax ka beertaan maadama dhulkoodu ku haboonayn ama ku fiicnayn beerashadda. Iyo in ay helaan ilo cunto sida hilibka, kaluunka iyo guud ahaanba cuntooyinka kala duwan.

Inaguna ka Somaliland ahaan aad baynu uugu baahanay waanan soo dhawaynaynaa iswaydarsiga ganacsi ee dalalka dunida oo Sucuudigu ka mid yahay. Guud ahaan safarkii aan dalka kaga maqnaa mudooyinkii u dambeeyey intaas ayaan ka xusi , waxaa xus iyo xasuus mudan in jaaliyadaha reer Somaliland meel ay jooganba ay heegan u yihiin dhismaha dalka iyo taaba-galinta qaranka Guushu way dhawdahay, Guul iyo Gobonimo” ayaa lagu yidhi qoraalkaa.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *