Hargeysa(Araweelo News Newtwork)Labada Xisbi ee Mucaradka Somaliland oo ay weheliyaan xubnaha la baxay Kooxda wada-tashiga, ayaa ku baaqay in

 

xukuumad ku meelgaadh ah dalka laga sameeyo, haddii doorashada Madaxtooyadda la qabanwaayo xiligeeda ka hor inta aanu dhamaan mudada xilka Xukuumadda.

Hogaamiyayaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADANI iyo UCID, oo ay weheliyaan xubnaha siyaasiyiinta la baxay wada-tashiga, waxay sidaa ka sheegeen kulan saxaafadeed ay maanta ku qabteen Hoteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Gudoomiyayaasha labada Xisbi WADANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe iyo Afhayeen u hadlay kooxda wada-tashiga Muj. Ibraahin Cabdullaahi Xuseen, ayaa sheegay in aanay aqbalayn muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo xiligeedu ku buuxo 26 Jun 2015, waxayna ku eedeeyeen xukuumadda in ay qorshaynay muddo kordhin oo aanay doonayn in la qabto Doorashada Madaxtooyadda oo qorshuhu ahaa in la qabto 26 jun 2014, iyagoo sheegay in marka la gaadho 31 December 2014, haddii xukuumadu qabanweydo doorasho la sameeyo dawlad ku meelgaadh ah.

Hase yeeshee waxay sheegeen in xukuumadda looga baahanyahay in ay mudadaa ka hor qabato diiwaangelinta codbixiyayaasha, isla markaana qaab-dhismeedka xubnaha gudida doorashooyinka laga heshiiyo ka hor inta aan la gaadhin dhamaadka xiligooda oo ku beegan bisha August 2014.

Sidoo kale waxay shegeen in mudadii loo kordhiyay Baarlamaanka uu dhamaanayo, sidaa awgeed loo baahanyahay in la qabto doorashada Baarlamaanka ee Golaha wakiiladda, balse Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADANi, ayaa xisbiga mucaaradka ee UCID iyo xubnaha wada-tashiga kaga duwan muda-dhaafka xilka Baarlamaanka, gaar ahaan golaha uu gudoomiyaha u yahay ee Wakiiladda oo mudo-kordhin sadex sanadood oo hore loogu sameeyey dhaamanay, iyadoo aanu weli jirin qorshe cad oo muujinaya doorashada baarlamaanka.

Afhayeenka kooxda Siyaasiyiinta ee la baxay Wadatashiga Muj. Ibraahin Dhegaweyne ayaa ku tilmaamay Golaha wakiiladda in ay xaaraan ku fadhiyaan oo mudo kordhinta loo sameeyay haddii ay dhamaato aanay aqbalayn. Sidoo kale waxa uu sheegay iyo Guurtida joogta yihiin kuwii 1993-kii  la dhisay oo aan marna la dooran, sidaa awgeed loo baahanyahay in la qabto doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.

info@arawelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *