Warbixin Carraale M. jama Journalist and Human Rights Activist
Boorama (Araweelo News Network) Ciidamadda Amaanka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay

Nin xidhan dharka ay ku lebistaan Haweenku ee loo yaqaan Jalaabiibka, kaas xiligaa ka adeeganayay mid ka mid ah Sariibadaha Dumarku inta badan ka adeegtaan ee Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Taliyaha Booliska Gobolka Awdal Col. Cabdi Barkahad Khayare oo ku magacdheer (Araweelo), ayaa warbaahinta usoo bandhigay Ninkaa oo sida uu sheegay ay Ciidanka Boolisku qabteen maanta. Kadib markii lagu wargeliyay in Ninkaa oo xidhan Jalaabiib, isla markaana isu ekeyiiyay qof dumar ah oo ka adeeganaya Sariibadda, balse ay qaar ka mid ah Haweenka sariibadda wax ku iibiyaa ka shakiyeen kadibna ku wargeliyeen.

Taliyaha Booliska Awdal Col. Araweelo ayaa sheegay in Ninkaasi kasoo jeedo Qowmiyada Oromia ee Ethiopia, isla markaana uu ku dooday in haweenay u xidhay Lebiska Dumarka, isla markaana ay soo xidheen Haweenaydaa oo ay baadhis ku hayaan iyada iyo Ninka la qabtay labadaba.

Sidaa awgeed wuxuu ku dooday In ay baadhis ku wadaan kiiska labadaa qof oo aanay ka hordhacayn inta lasoo geba-gebaynayo baadhsita ciidanka amaanka, wuxuuna u mahadceliyay muwaadiniinta kusoo wargeliyay arrintaa, isagoo ka dalbaday in ay Bulshadu wixii ay ka shakido ku wargeliso Hay’addaha amaanka  u qaabilsan oo ay gacan bir ah ku qaban doonaan, isla markaana tallaabo sharci ah ka qaadayaan dadka dhaqamada sidan oo kale ah ee ku cusub Bulshada oo khilaafsan dhaqanka Islaamka lagu arko in ay wadaan iyo kuwa ay uga shakiyaan in ay wadaan falal nabadgelyo daro, ama dhaqanka bulshada ee suuuban ku lid ah.

Muuqaalka Ninkaa oo xidhan jalaabiibka ayaa warbaahinta loo ogolaaday in ay sawiro ka qaataan, waana Ninkii labaad ee sadexdii Bilood ee u danbeeyay sidan oo kale isagoo Lebisan dharka Dumarka, gaar ahaan jalaabiibka lagu qabtay Somaliland oo ay Ciidamadda Amaanku gacanta ku dhigaan.

Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Hargeysa, ayaa qabtay laba bilood ka hor Nin loo aqoonsaday inuu yahay Muwaadin, balse sidan oo kale xidhaan jalaabiib iyo Naqaamka dumarka, waxaana loo taxaabay xabsiga, balse lama ogga ilaa hadda halka uu ku danbeeyay Ninkaa oo dareenka dadka iyo dhaqanka Bulshada ku abuuray walaac, waxaana ka hor intii aan la qaban jiray warar iyo sheekooyin isa soo tarayay oo sheegayay in la arkay Nin xidhan Jalaabiibka iyo Niqaamka Dumarka,  laakiin lama ogga inuu ahaa ninka maalmo ka dib Booliska Caasimada Hargeysa qabteen iyo inuu yahay mid kale, amaba ay jiraan dhawr nin oo sidan oo kale dharka dumarka xidhta oo ku jira caasimada Somaliland iyo magaalooyinka kale.

Sidoo kale 28 December 2011, ayaa Saraal ka tirsanaa hogaanka sahanka Ciidanka qaranka oo lagu magcaabo Maxamed Cabdi Cali Shiine warbaahinta u sheegay in ay Biriisha dhinaca shaacabka ee Hargeysa meel u dhow ku arkeen laba Nin oo ay uga shakiyeen in ay qorashaynayeen qaraxyo, kuwaas oo sida uu xilggaa sheegay saraalkaasi midkood sitay Jalaabiib, balse ay ka baxsadeen in ay gacanta ku dhigaan, waxayna waqtigaa warbaahinta usoo badhigeen Aalado iyo ashyaal ay sheegeen in ay ka carareen.

“Nin ka mid ah Ciidankayaga ayaa dabagalay, waxay ahaayeen laba Nin oo mid sito Jalaabiibka Dumarka , waxay doonayeen inay halkaa biriishka cusub ee Hargeysa dhigaan waxyaabaha Qarxa ee aad halkan ku aragtaan, balse askarigaa markii ay arkeen ayay yaaceen Nimankii oo midba meel u cararay, wayna ka carareen wixii ay doonayeen inay meesha dhigaan.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Shiine oo warbaahinta la hadlay  maalin ka dib 28 December 2011.

Laakiin lama ogga sheekadaasi halka ay ku dhamaatay, waxayna Bulshada xusuusisay waqtigaa ku sheekooyin xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale u muuqan jiray cabsigelin iyo mashaariic dhinaca amaanka ah oo dhaqaale lagu raadiyo, iyadoo ay Hay’addaha amaanku inta badan samayn jireen sheekooyin aan biyo dhicin oo maalmo bulshadu hadalhayso, balse aan la ogaan halka ay ku arooraan.

 

Hase yeeshee waxay dad badani xusuusan yihiin dhacadadii March 2004, koox dablay ah oo uu higaaminayay Jaamac Kuutiye maalin Jimce ah Tuuladda Dhubbato oo dhinaca Bariga magaalada Hargeysa kaga beegan qiyaastii 40km weerar Jidgooyo ay u galeen gaadhi ay lahayd Hay’adda GTZ ee laga laayahay dalka jarmalku, iyagoo xidhan dharka Lebiska Dumarka ee jalaabiibka, isla markaana isu muujiyay Haween Somali ah oo gaadhi ka cadilmay oo gurmad u baahan, balse goobtaa ku toogtay Ms. Flora Chepkemol, oo ka tirsanayd Hawlwadeenada hay’adda Samofalka Caalamiga ah ee GTZ, isla markaana haysatay dhalashada Kenya, iyagoo kooxdaasi afduubtay gaadhigii, balse uu ka baxsaday MR. Helkin, oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Mashaariicda GTZ ee Somaliland.

Dhacdadaa oo si weyn u ruxday xaaladda amaanka Somaliland, isla markaana dabab socotay falal ilaa December 2002 ,  soo taxnaa oo lagu khaarajiyay  5 Oct, 2003,  Haweenaydii Boorama lagu dilay  oo gacanta ku haysay Cusbitaalka halkaa, iyadoo laba todobaad kadibna Dugsiga Sheekh lagu khaarajiyay Macalimii u dhashay Dalka Britain oo ahaa lamaane horseed u ahaa Dugsigaa oo ay maamusho Hay’adda SOS, balse sheekooyinkaa dhagaraha iyo dhiilada ahaa oo dhamaantood aanay Hay’addaha amaanku wax raad ah u hayn waqtigaa uu fashilyay hawlgalka afduubka iyo dilka ee ka dhacay lix bilood ka dib Tuullada Dhubbato, kaas oo fure u noqday dhamaan dhacdooyinkaa shirqoolka ahaa ee Somaliland xiliyadaa  sida isadaba jooga ah ay uga fuliyeen kooxda uu hogaaminayay Jaamac Kuutiye, kuwaas shacbiga Magaalada Dhoqoshey oo dhinaca koonfur galbeed kaga beegan xarunta gobolka Togdheer ee Burco 260km ay gacanta ku dhigeen Kooxda samaysay afduubka iyo falalka oo daqiiqado ka dib u talaabi lahaa dhinaca xadka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee shookooyinka xidhashada dharka dumarka ee ragga, waxay ahayd mid ka mid ah dhacdooyin dirays u ahaa cadawga Somaliland, waxayna sheekooyinka mudooyinkan soo noqnoqnayay ee la xidhiidhay arrimhaasi Bulshada xusuusinayaan hulaabtii weeraro hore loogu guulaystay iyo in ay horseed u yihiin sheekooyinka sidan oo kale ah khatar ku imankarta amaanka Somaliland. Sidaa awgeed Hay’addaha amaanku iyagoo ka duulaya dhacdooyinkaa hore waa inay si weyn baadhitaan ugu sameeyaan dadka loo qabto falalka sidan oo kale ah ee xidhtay dharka, ama lebiska Dumarka, kuwaas oo suurtagal ay tahay in ay maleegayaan shirqoolo ka dhan ah amaanka iyo kuwo xataa noqonkara kuwo la doonayo in lagu waxyeeleeyo caafimaadka Bulshada.

By. Carraale M. jama Journalist and Human Rights Activist.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *