Wasiirka Madaxtooyadda Oo Masiibo Ku Tilmaamay Xildhibaanada Shanta Boqol Ee Dolar Loo Kordhiyay Ee Diiday Qaadhaanka Wadada Ceergaabo Oo Caruurta Dugsiyadu Nusasaacohooda Ku DeeqayaanHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo saaka ka qayb-galay Marti-qaad ay u fidiyeen Ardayda Dugsiga Sare ee Quule Aadan Secondary School oo noqday Dugsigii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in ay gacan ka geysan doonan

 

Mashuuraca wadada Ceerigaabo lagu dhisayo ama lagu taageerayo.

 

Wasiirka Madaxtooyada waxa uu sidaa ka sheegay munaasibad uu ka qayb-galay saaka. Kadib markii ay Marti-qaad  u fidiyeen Ardayda Dugsiga Sare ee Quule Aadan Secondary School ee Magaalada Hargeysa oo noqday Dugsigii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in ay gacan ka geysan doonan Mashuuraca wadada Ceerigaabo lagu dhisayo.

 

 

 

Ardayda dugsigaa ayaa munaasibadaa  kaga dhawaaqay in ay 3da Bilood ee ugu horeeya ku caawin doonaan in Arday walba  $1 Dollar,  taas oo saddexdaa bilood marka la isku daro noqon doonta ardaygiiba 3 Dollar.

 

 

 

Munaasibadaa oo ay kala qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada,  Wasiirka Waxbarashada,Bahda waxbarashada, Macalimiinta maamulka Dugsiga iyo dhamaan Ardayda dugisgaa.

 

 

 

“Salaanta Islaamka ka dib aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in bahda waxbarashadu halkan nagu casuunto oo ay noogu yeedho iyaga oo ka qayb-qaadanaya horumarkii dalka gaar ahaan dhismihii wadooyinka, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, qof waliba wixii uu awoodo ayuu bixinayaa qofkii awoodi kari waayana la khasbi maayo  waana dalka horumarkiisi iyo dib u dhiskisii, aad iyo aad ayaan idinku mahad celinayaa sida qiimaha badan ee aad u muujiseen inaad dalkiina wax ku tartan idinka oo da’aas ah.

 

Wasaaradda Waxbarashadu waxay maalintii koowaadba ka balan qaaday wasiiradu inay ka qaybqaadanayso bahda waxbarashadu, waxaad ka dhabayseen iyada oo noo muuqata ardaydii inaad ka qaybqaadanaysaan Dib u dhiska dalka, casuumadii u horaysay ee lanagu casuumo ee lanoogu yeedho waa Dugsigan Quule Aadan Secondary School, waxa halkaasi nooga muuqata in maamulka Dugsiga, Macalimiintiisa iyo Ardaydiisuba ay qiimo gaara noo leeyihiin, qiimo gaar ahna qaranka u leeyihiin  aad iyo aad ayaan runtii idinku hambalyeynayaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

 

 

 

Wuxuuna ayaan  daro ku tilmaamay in Ardaydii oo ka qayb qaadanay dhismaha dalka ay xildhibaanadii diidaan qaadhaankii wadada Ceergaabo, isagoo yidhi, “ Ardayda intaasi leegi noogu yeedheen inay (Contribution) ama mucaawimo ka geystaan  wadooyinka, waxa ayaan daro ah in xildhibaanadii dalka loo doortay 100 Dollar oo la waydiyey ay diidayaan insha allaa idinkaa bedeli doona kuwaasi aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin.”

 

 

 

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in xildhibaanada oo dhan aanay diidin qaadhaanka, balse ay  tiro kooban oo ka mid ah diideen, wuxuuna xusay  in mushaharka ka qaataan Cashuurta Dalka ee dadka laga ururiyo, balse markii  iyaga oo mushaharka taa ka hela la yidhi mushaharka 100 dollar ka bixiya, 500 oo Dollar ayaa loo kordhiyey 100 Dollar bixiya ayaa lagu yidhi tiibay diidan yihiin, Ardaydiina waa kuwaas qaadhaanka bixinaya, waxa uu shegay in ay arrintaasi tahay mid runtii  farqi aad iyo aad u weyn.

 

 

Waxa uu sheegay in ay xukuumad ahaan ay ka dhabayn doonaan dhismaha wadadam, wuxuuna u rajeeyay Ardayda in ay  iyada oo dhisan  arki doonaan oo ay  dalxiis ugu tegi doonaan ceerigaabo iyo dhulka la midka ah xilyada fasaxyada iyada oo laami ah wadada Ceergaabo, wuxuuna sheegay in dalka ay ka jiraan wadooyin la’aan,  isagoo sheegay in dalka wadooyinkiisu aanay dhisnayn, marka laga reebo wadada keliya ee isku xidha Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco iyo Laascaanood, wax kale oo inoo dhisan oo laami ahi ma jiro, waydinkaa arkaaya wadooyinkii odhan dhibta ka taagan,  isla markaana ay yihiin kuwa mustaqbalka dalku sugayo , wuxuuna ku hanbalyeeyay Ardayda dedaalka ay muujiyeen.

 

 

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *