maydadka dadka oo kordhay1Lampedusa(Araweelo News Network)Dawlada Talyaaniga oo mudo todobaad ah ku mashquulsanayd Boqolaal Muhaajiriin ah oo doooni ay saarnaayeen kula qaraqantay xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in tirada dadka dhintay sii korodhay, isla markaana weli la raadinayo

 

maydadka bada hoosteeda ku jira.

Ilaa 232 ayaa hadda la xaqiijiyey in meydadkoodii la hayo dadkii tahriibayaasha ahaa ee todobaadkii hore  ku qaraqmay badda xeebaha jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga. Dadkaasi waxa la sheegay inay u badnaayeen Iriteeriyaan iyo Soomaali.

Ciidamada Bada ee Talyaaniga oo adeegsanaya badmaaxyo quusa mawjadaha hoostooda oo soo saara wixii meydad ah ee ay la kulmaan, ayaa weli sii wada hawshooda.

Waxaana la xaqiijiyay in 38 meyd oo kale laga soo saaray goobta ay doonidii ku degtey, kuwaas oo ku qarsoonaa  halkaa, waxaana ciidamada ku hawlan gurmadka baadi goobka sheegeen in hadda ay fududaatay in la galo oo ay qawaasiinta quusaa geli karaan halka qolofta doontu ku degtay, taas oo ay sheegeen inay suurta gelisay in ay ku guulaystaan in la helo maydadka danbe ee lasoo saaray.

 

Doonidaas oo ay saarnaayeen ilaa 500 oo tahriibayaal ah, waxay degtey ka dib markii dab qabsaday meel u dhaw jasiiradda Sicily Lampedusa.

Waxa kale oo jirey 155 qof oo nolol lagu soo badbaadiyey, meelo ilaa 1KM xeebta aan ka fogayn.

Tobannaan kun oo tahriibayaal ah ayaa isku daya sannad kasta inay ka soo gudbaan xeebaha dalalka Afrikada Waqooyi,  kuwaas oo doonaya in ay u talaabaan dhinaca xeebaha Sicily iyo jasiiradaha kale ee Talyaaniga.

Shilkani ugu danbeeyey ee dhimashada Lampedusa-na waxa uu ka mid yahay kuwii ugu xumaa ee ku dhaca dadka tahriibayaasha ah, badda Mediterranean-ka, waxayna dawlada Talyaanigu muujisay gurmad  weyn, iyadoo dhamaan dalka Talyaaniga si weyn looga dareemay murugadaa oo baroordiiq loo sameeyay dadka ku haligmay badda ee muhaajiriinta ahaa.

Muhaajiriinta ayaa wadamada ay sii maraan ee dalalka Islaamka ee Suudaan, Libiya iyo Tuuniisiya kala kulma dhibaatooyin isugu jira Kufsi, Furasho, dhac iyo boob, waxayna sidoo kale kala kulmaan dalalkaa marka laga yimaado dhibaatada saxaraha xabsiyo iyo falal si weyn uga soo horjeeda diinta Islaamka iyo shuruucda caalamiga ah, balse  dhibaatooyinka noocaa ah kalama kulmaan marka ay nolol ku gadhaan dalka Talyaaniga oo ah wadan Kiristan ah.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *