Xus (1)Hargeysa(Araweelo News Network) Xmunaasibad  baroor-diiq ah oo lagu xusayay  sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay geeridii Alleh  ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa

xalay lagu qabtay hoolka shirarka Hay’adda Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, taas oo  lagu soo bandhigay laba buug oo shirkadda Sagal Jet daabacday oo laga qoray marxuum Gaariye.

Xuska munaasibada oo ahaa mid si weyn loo agaasimay waxa ka qaybgalay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, Wasiirka Duulista Hawada  Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirada Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, masuuliyiinta shirkadda Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar, Sonyo iyo sidoo kale Boobe Yuusuf Ducaale oo ka qaybqaatay qoraalka labada buug ee la soo bandhigay, waxa kale oo ka qaybgalay munaasibadaa Abwaano, hal-abuuro, martisharaf kala duwan iyo Afar  hablood oo uu ifka kaga tegey Abwaan  Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.

 

Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi oo  hadal ka jeediyey xuska loo sameeyey  Marxuum  Maxamed Xaashi  Dhamac Gaariye, ayaa si faahfaahsan uga xogwaramay taariikhdii marxuumka ee uu u soo joogay, isagoo xusay inay isku fasal ahaayeen, aqoona u lahaa ilaa yaraantiisii, wuxuuna ku tilmaamay  marxuum Gaariye  inuu ahaa shakhsi himilo-dheer oo wadaniyadi ku dheehan tahay, isla markaana ku dayasho mudan.

Xus (2)

 

Wasiirrada Duulista Somaliland iyo waxbarashada  Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha guddida arrimaha debedda ee xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal  oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga waramay taariikhda aan duugoobayn ee uu ifka kaga tagay Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac, waxayna marxuumka Ilaahay uga baryeen inuu dambigiisa dhaafo oo jannooyinkiisa ugu deeqo,

Xus (1)

Labada waasiir eek a qaybgalay munaasibadaa ayaa ballanqaaday inay xukuumad ahaan doorkooda ka qaadanayaan sidii wax loogu qaban lahaa Agoontii uu ka tagay marxuum Gaariye.

Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal  oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga waramay taariikhda aan duugoobayn ee uu ifka kaga tagay marxuum Maxamed Xaashi Dhamac, waxayna marxuumka Ilaahay uga baryeen inuu dambigiisa dhaafo oo jannooyinkiisa ugu deeqo, iyadoo wasiirradu halkaas ka ballanqaadeen inay xukuumad ahaan doorkooda ka qaadan lahaayeen sidii wax loogu qaban lahaa agoontii uu ka tagay Marxuum Gaariye.

Maamulaha Shirkadda daabacaada Sagal Jet Mr. Cabdi Yuusuf Aar, ayaa ka hadlay doorka shirkadoodu ka qaadatay daabacada labada buug  oo mid ka mid ah muj. Boobe Yuusuf Ducaale ka qoray Marxuum Gaariye, isagoo xusay in uu buugga kale door ka qaatay soo bixidiisa. Labada Buug ee munaasibada lagu soo bandhigay oo kala ah; Hagar-laawe oo ah buug lagu ururiyey maansooyinkii marxuumka iyo buugga kale oo magaciisu yahay  Il-maddii Hal-abuurka oo lagu soo koobay Maansooyinkii iyo qoraaladii laga qoray geerida marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, kaasoo  uu soo uruyay Muj Boobe.

Muj. Boobe Yuusuf Ducaale oo qoray labada buug ee lagu soo bandhigay xuska sannad-guurada 1aad ee kasoo wareegtay geerida Maxruum Gaariye oo ahaa Aqoonyahan iyo Abwaan Hal-abuur si weyn looga yaqaanay geyiga Soomaalida.

Boobe waxa uu  xusay in labada buug xambaarsan yihiin suugaantii Marxuumka oo la soo ururiyey iyo maqaalo iyo suugaan kala duwan oo laga sameeyey geeridii naxdinta lahayd ee Abwaan Gaariye, waxaannu bulshada ka codsaday inay akhriyaan labadaas buug, isla markaana gabayada iyo suugaanta marxuum Gaariye ee ka maqan haddii ay hayaan soo ururiyaan si daabacaadaha dambe loogu daro.

Axmed Aw Geeddi, Hurre Walanwal, Yuusuf Shaacir, Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), ayaa iyaguna ka mid ahaa dadkii munaasibadaa ka hadlay, kuwaasoo xuska sannad-guurada 1aad ee ka soo wareegtay geerida Marxuum Gaariye ka jeediyey maansooyin baroor-diiq ah, iyagoo xusay in marxuumku ahaa tiir ka baxay bahda suugaanta Soomaalida.

Hodan Maxamed Xaashi Dhamac oo ka mid ah Afarta hablood ee Marxuum Gaariye ifka kaga tagay oo iyaduna munaasibada ka hadashay, ayaa si ballaadhan ugu mahadcelisay Shirkadda Sagal Jet iyo dallada SONYO oo si wada jir ah u qabanqaabiyey xuska geerida Marxuum Gaariye, iyadoo sidoo kale u mahadnaqday Boobe Yuusuf Ducaale iyo Abwaan Weedhsame oo ay sheegtay inay si joogto ah uga warhayaan qoyskooda, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay u buuxiyeen kaalintii waalidnimo iyo walaalnimo.

Info@araweelonews.com

jaamac132@Gmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *