Ceergaabo(Arraweelo News)Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta

 

Gobolka Sanaag. Kadib markii ay shalay ka baxeen magaalada caasimada ee Hargeysa.

Weftiga Wasiirka oo shalay  si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Garadag , ayaa maanta ka soo kicitimay degmada Ceel Afweyn oo ay xalay u hoydeen, iyadoo boqolaal dadweyne ah ay kaga hortageen meel 20 Km u Jirta Magaaladda Ceerigaabo  ee xarunta gobolka sanaag, kuwaas oo kusoo galbiyay fardo iyo Gaadiid Tiro badan.

Weftiga Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu  oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho dhismaha wadada Ceergaabo, waxaa Xubno ka ah Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Mudane Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer iyo Mas’uuliyiin kale.

Dhinaca kale waxaa Magaalaada Ceerigaabo ku sii sugnaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ay ka Mid yihiin Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhiga,Biyaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Weftigan Xukuumada Somaliland ka socda ayaa Gobolka Sanaag u tagay si dadka loogu baraarujin lahaa dhismaha wadada Ceergaabo, waxayna Shacbiga kala qayb gelayaan Munaasibada Ciidul Adxa, iyagoo ka sokow munaasibada Ciida doonaya sidii dadweynaha loogu baraarujin lahaa ka qayb qaadashada Mashruuca dhismaha Wadada Isku Xidha Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland si rasmi ah u dhagax dhigay, taas oo dhererkeedu yahay 370KM.

Waxaana loo qorsheeyay in dhismaha  wadadu uu ka bilaabmo sadex meelood oo kala ah Deegaanka Ina Af Madoobe,Ceerigaabo,Ceel afweyn iyo Gar adag.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *