madaxweyne siilaanyo1Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer madaxweyne oo uu caawa soo saaray waxa

 

uu muddo xileedkoodii u cusboonaysiiyay Gudiga diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka oo muddo xileedkoodii dhammaaday maalmo ka hor.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu digreetadiisa ku sheegay inuu laba sanadood oo kale u cusboonaysiiyay muddo xileedkii Guddiga diiwaan gelinta, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2108/102013 uu xilkii ay hayeen ugu cusboonaysiiyey Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011.

Markuu Arkay: Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Qodobkiisa 3aad, Faqradda 6aad oo jideynaysa in muddada Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu tahay 2 sanno oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo.

Markuu Ogaaday: In xilligii dhaartu ay ahayd 04/10/2011-kii kuna eekayd 04/10/2013.

Markuu Arkay: In Faqradda 6aad ee Qodobka 3aad ee Kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeer Lr. 14/2011 uu awood sharci u siiyay Madaxwaynaha muddo kordhinta Guddida, isla markaana ku xadiday muddo kordhinta Laba (2) sannadood;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo jirtaanka iyo sii socodka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta ee la xidhiidha waajibaadka loo xil saaray;

Wuxuu go’aansaday

In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.” Ayaa lagu qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *